Wasiir Cawil Iyo Inta Madaxtooyada Joogtaa Waxay Doonayaan Sidii 1960-kii Loo Lumiyay Qarankan Inay U Lumiyaan, Mana Dhacayso In..." Aadan-Ruush.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Hawlaha guud Aadan Maxamed Diiriye [Aadan Ruush), Xildhibaan Axmed Xasan Sandoon iyo Xubno kale oo UDUB-ka tirsanaa, oo dhamaantood ka mid ahaa Xubnihii qaadacay Shirweynihii labaad ee Xisbil-xaakimka UDUB ee saddexdii bishan ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa, isla markaana u wada-taagnaa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa, ayaa sheegey in ay weli dhawrayaan tanaasul qaladaadkii dhacay uu ku bedalayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Madaxweyne Rayaale, isla markaana ay wakhti kasta oo ay ku qaadanayso illaa ay cadaalad iyo sinaan ka dhex abuuraan UDUB meel ay ka tagayaan jirin.

Xubnahan oo maanta si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabtay Huteel Obama ee Magaaladda Hargeysa, ayaa dhamaantood waxa ay si adag u naqdiyeen, habkii iyo hanaankii uu Shirweynihii labaad ee Xisbigoodu u qabsoomay, bedalaad ay sheegeen in lagu sameeyay Dastuurkii Xisbiga, burburin, kala daadin iyo afduub ay sheegeen in Xisbigii Koox ka tirsani ku samaysay, kooxdaasoo Jilaayada ugu waaweyn ay ku macneeyeen Madaxweyne Rayaale, Ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyadda. Waxa kale oo ay Shirkoodan jawaabo kaga bixiyeen hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Md. Cawil.

Ugu horeyn Musharax Axmed Xasan Sandoon oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa, oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in garabkii Musharnimada UDUB ku dhawaaqay inay u tartamayaan Shirweynihii labaad ee Xisbigooda laga hor istaagay, isla markaana la duudsiyay xuquuqdoodii dimuquraadiyeed.

Sidoo kale, isna waxa halkaa ka hadlay Xasan Jeemac Bacaad oo ka mid ahaa Ergooyinkii dalka dibadiisa uga yimi Shirweynihii UDUB, hase ahaatee, sidii loo agaasimay ka biyo diiday, ayaa sheegay in uu Shirweynihii Xisbiga ee saddexdii bishan Hargeysa ka qabsoomay uu ka qayb-galay, hase ahaatee, habkii loo maamulay uu ahaa mid ka fog dhaqanka dimuquraadiyadda, sidaa darteedna uu u wareegay Garabkii Shirka qaadacay. Waxaanu Xasan aad u dhaliilay qaabka ay Xukuumaddu damacsan tahay in ay dalka ku hagto oo uu sheegay in himiladii ahayd in dimuquraadiyada lagu dhaqmo la geesmariyay.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee uu hore uga tirsanaan jiray wakhtigan u muuqato mid matalaysa Riwaayadii la odhan jiray ‘WAA MAADAYS ADDUUNYADU DADKUNA WUU MATALAYAA’. Waxaanu u soo jeediyay qaybaha bulshadu inay arrintaa ka hortagaan ee aanay noqonin kuwii maadaynayay ee ay noqdaan kuwo maadaynta iyo matalaadaba meesha ka saara.

“Annigu maan ahayn Cawilkii aan Maansoor ugu tagay maalintii la magacaabayay, waxaan kaw ka ahaa raggii inay Daahir Rayaale u dhintaan, mana aha in Komishanku ay dadka been u sheegaan, mana aha inuu Rayaale yidhaahdo Komishanka cid kala hawl-galaysaa ma jirto arrimaha doorashooyinka, Xukuumadda ayaa ka daba shaqaynaysa oo kula xisaabtamaysa waxay qabteen iyo waxa aanay qaban, iyadaana looga baahan yahay in ay dhiirigelin siiyo hawl-gelintooda.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil-Yare.

Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Rayaale wax badan ka khalday qorshihii Xisbiga, Xukuumadda iyo dalka intaba, isla markaana uu u leexday kaliya difaacashada Kursiga. “Waxa jirtay in la qoray war sheegaya in aanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u tagnay oo uu na diiday, waa run oo Guddoomiyaha waanu u tagnay, waanu nala balamay, wakhtigana isaga ayaanu ka sugaynaa, laakiin inta ka horeysa lama odhan karo wuu na diiday, namanuu diidin, kulankayaga dambe ayaana ay arrimahaasi kala cadaanayaan. Musharax Sandoon ayaa Komishanku diiday in uu ka qabto Arji uu u gudbiyay, kol haddii Komishinku diidayna arrintu waa Maxkamadda taga, waana sugaynaa.” Ayuu yidhi Ismaaciil.

Aadan Maxamed (Aadan-Ruush), ayaa Shirkan Jaraa’id aad ugaga hadlay ayaa tilmaamay in Madaxda Afrikaanku khaatumo xumaan kala kulmaan dalkooda, ka dib marka ay isku adkeeyaan sii haysashada xukunka, taasoo qaarkood gaadhsiisa heer kaba la’aan la eryado. Waxaanu ku dooday Mr. Ruush in Madaxweyne Daahir Rayaale hayo wakhtigan dhabihii Afrikaanka ee dhinaca xukunka. Sidoo kale Aadan Ruush waxa uu ku eedeeyay Xukuumadda maanta talada haysa iyo Xisbigeeda UDUB inay ceebo badan u soo hooyeen dalka, marka laga hadlayo dhinaca dimuquraadiyada. Waxaanu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale inuu tanaasul muujiyo, si aan Xisbiga UDUB u kala daadan.

“Madaxtooyada beryahan wax baa ka soo urayay aan hore loogu arki jirin, Cawil (Wasiirka Maaliyadda) ceeb uu leeyahay ayuu rag kale ku riixayaa, todobada nin ee uu sheegay in ay burburka Qarankan dabada ka riixayaan, waa isaga iyo inta Madaxtooyada kuwa doonaya, waxaanad doonaysaan sidii 1960-kii loo lumiyay Qarankan in aad u lumisaan, mana dhacayso in Qarankani meel uu ku lumo kula carartaan.” Sidaa ayuu yidhi Musharax Aadan-Ruush.

 

 




Hadhwanaagnews