Maansoor Hotel oo isu Beddelay Xero
Ciidan iyo Aadan Ruush oo laga Tukhaankhiyey
Madasha Shirka UDUB
Madashii furitaanka shirweynaha
garabka xukuumadda ee xisbul-xaakinka talada haya ee UDUB, ayaa
daaha ka fayday digtaatooriyad nooceedu ku cusub yahay saaxadda
siyaasadda Somaliland oo si lama filaan ah uga soo ifbaxday
hoggaaminta Madaxweyne Rayaale, ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo
waqtigan dhex dabbaaalanaya mowjado khilaafyo ah oo u kala jabiyey
garabyo ku loollamaya murrashaxiinta doorashada madaxtooyada.
Shirweynaha labaad ee garabka uu hoggaamiyo Md. Daahir Rayaale oo si
rasmi ah shalay uga furmay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,
ayaa madashii furitaankiisa waxa hadheeyey muuqaallo dad badan yaab
geliyey oo nuxur ahaan laga dheehan karayey kelitalisnimo,
ismuquunin loo adeegsaday cudud ciidan iyo in cid keliya sacabka loo
tumo, isla markaana laga xarrimay inay foodda geliso cidkasta oo
saluug ka muujisay qaabka wax u socdeen.
Madasha shirka loo goglay oo ah hudheelka Maansoor ee magaalada
Hargeysa, ayaa waxa sida muraayadda uga dhexmuuqday kelitalisnimo
qaawan oo dad badan oo waayo-arag ah xasuusisay qaabkii loo qaban
jiray shirarkii uu qabsan jiray xisbigii Hantiwaagga Kacaanka
Soomaaliyeed ee uu iska lahaa keligii taliyihii macangaga ahaa ee
Maxamed Siyaad Barre, kaas oo dumar iyo carruur siyaabo gaar ah loo
xulay lagu soo camiri jiray madasha shirka, kuwaas oo sacabka iyo
mashxarad ku dhammaysan jiray waqtigooda, iyada oo ay xaaraan iyo
khiyaamo qaran ahayd in dabnaha la soo mariyo dhaliilaha xisbigii
Shuuciga, laguna luuqayn jiray ammaan iyo heeso loogu raaxayn jiray
keligii-taliyihii Siyaad Barre laguma soo qaadi jirin tabashooyinka
iyo galdaloolooyinka adeegyada dawcadi u qabato dadweynaheeda.
Shirka u furmay garabka UDUB ee uu hoggaamiyo Md. Daahir Rayaale
Kaahin oo ay ceebo iyo wejigabax foolxun kala kulmeen rag waaweyn oo
UDUB-yahanno ah iyo muuqaalladii yaabka lahaa ee ku gedaanaa madasha
shalay, ayaa waxa warbixin xiiso badan ka diyaariyey weriyeyaal ka
tirsan Jamhuuriya oo goob-joog ka ahaa xaaladdii madasha Maansoor
Hotel ee shirku ka furmaysha Jamhuuriya ee goobta shirka ku sugnaa,
taas oo u dhignayd sidan:
“Subaxnimadii hore ee shalay, ayaa waxa hudheelka Maansoor oo ku
yaal dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa u kolonyeystay gaadiid
aad u qurux badan oo u badnaa kuwa dawladda, baabuurta tignikada ee
ku rakiban yihiin hubka calculus, kuwaas oo ay ku lammaanayeen
ciidammada kala duwan ee milateriga, duubcasta ilaalada madaxtooyada
iyo boolis xad-dhaaf ah oo tubnaa jidka dheer ee xidhiidhiya
madaxtooyada ilaa goobta shirku ka furmay.
Waxa kale oo goobta u soo kalahay ergooyin iyo martisharaf xad-dhaaf
ah oo ku lebbisnaa dhar ay ku xardhan yihiin calaamadda UDUB iyo
hal-ku-dhegyo lagu muujinayo xisbiga, kuwaas oo quluubtooda ay
xanxantaysay waxa ay kala kulmi doonaan meesha socdalkoodu ku aadan
yahay. Dadkaas oo isugu jiray qaar ay kaadhadhkii ergadu laabta uga
lulanayeen iyo koox fara madhan socday oo ku nasiibi iisaga soo
kalahday.
Baabuurt ay wateen wasiirrada xukuumadda ergada kala duwan ee shirka,
ayaa la dhigay meel ka baxsan darbiga hore ee hudheelka, iyada oo
gaadiidku taxnaayeen inta u dhexaysa kaalinta TOTAL isgoyska kulmiya
waddooyinka Xero-awr iyo Jigjiga-yar ilaa geydhka hore ee Maansoor,
tallaabadaas oo la xidhiidhay adkeynta ammaanka madasha shirka
xasaasiyadda xambaarsan ka furmay.
Hoteelka Maansoor oo ah madasha uu ka furmay shirweynaha labaad ee
UDUB, ayaa shalay isu-beddelay xero ciidan oo ah weliba kuwa sida
weyn amnigooda loo ilaaliyo, kadib markii daafaha dacallada iyo
xayndaanka gudaha la dhoobay cutubyo ciidammada qaranka ka tirsan oo
qaarkood aad u hubaysan yihiin, kuwaas oo gaadiidka iyo dadka lugta
ah ku joojinayey weecadka jidka laamiga dhinaca bari ka mara
hoteelka oo kadinka dayrka hore u jira qiyaastii masaafo dhan ilaa
150 mitir.
Muuqaalladii la yaabka lahaa ee indhaha dadka soo jiitay waxa ka mid
ahaa Maansoor hotel oo gebi ahaanba shalay u ijaarnaa shirweynaha
xisbiga UDUB, isla markaana aanay ka socon hawl kale oo ka baxsan
madasha yo maamulidda dadweynaha kunka qof ku dhow ee shirka lagu
casuumay, arrintaas oo saamayn ku yeelatay dad tiro badan oo muraado
kale ka lahaa hoteelka iyo weliba macaamiil kala duwan oo aan war ka
hayn xaalka ku soo kordhay.
Ergooyinka iyo martisharafta shirka lagu martiqaaday ayaa dhibaato
adag oo isugu jirtay hadidaad iyo tuur-tuur badan kala kulmeen
ciidammada duubcasta baasukayaasha ku jeeniqaarnaa iyo booliska
taxnaa albaabka hore ee laga galo hudheelka, kuwaas oo dadka ula
dhaqmayey si ka baxsan anshaxa iyo xaq-dhawrka ay mudan yihiin dad
lagu martiqaaday hawl qaran oo mudnaa in la xushmeeyo, iyada oo
askartu rag muxtarin leh oo UDUB-ta waaweyn ah ay ku khasbeen inay
niyad-jab kala huleelaan madashiii shirweynaha xisbigoodu ka furmay.
Kadinka hore ee hudheelka oo ay subaxnimadii hor tubnaayeen ergooyin
tiro badan oo waayey kaadhadhkii ay kaga qaybgeli lahaayeen shirka,
halkaas oo ku hortaagnaayeen cutubyo ciidan ah oo uga dhaartay in
gudaha huteelka foodda geliyaan, ayaa abbaaro 10:00 barqanimo waxa
madasha shirka daf soo yidhi gaadhiga Madaxweyne Rayaale oo lagu
shaqlay calanka xisbiga UDUB, isla markaana gelbinayaan raxan
tikniko ah iyo gaadiid kale oo kwua dawladda ah. Guddoomiyaha UDUB
oo ay wehelinayaan xaaskiisa Marwo Huda Barkhad Aadan iyo
masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbigooda oo ay
galbinayaan saddex gaadhi oo tigniko ah, waxaanay Madaxweynaha iyo
kooxdiisu u gudbeen dabaqa sare ee hudheelka Maansoor oo ah halka
loo asteeyey qabashada shirka. Kadibna Rayaale oo ku lebbisnaa suudh
madow, qoor-xidh (Tie) madabkiisu yahay basali iyo koofiyad caddaan
iyo cagaar isugu jirta oo calaamadda UDUB ku xardhan tahay waxa uu
si ay fadhiisteen meel toos ugu qumman wajahadda ergooyinka, iyada
oo dhinaca bidix ee ku dheggana ay fadhiisatay Marwo Huda Barkhad,
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada, ayaa
iyagu barbar fadhiistay Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
Madasha shirka oo ay fadhiyeen dad ku dhow 800 qof oo isugu jiray
dumar, dhallinyaro iyo waayeel, ayaa waxa wejiaydooda laga dhex
garanayey wasiirrada, shaqaalaha dawladda, koox mudanayaasha
Guurtida ka tirsan oo uu ka mid ahaa Xaaji Cabdikariin (Cabdi-waraabe),
waxaanna madasha buuxdhaafiyey wejiyo cusub oo madaxa ku wada
duubnaa calanka UDUB, kuwaas oo sacabka iyo mashxaradda aad ugu
xariifsanaa, iyada oo muuqaalladaasina inta badan dadkii madasha
fadhiyey xasuusinayeen astaamihii ay caanka ku ahaayeen shirarkii
xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee ninka keli ah u
xidhnaa, inta kalena sacabka iyo heesha ammaanta ah ugu gargaari
jireen.
Shirka Maansoor oo laga xaaraantimeeyey inay foodda soo geliyaan
ragga damaca siyaasadeed leh ee ku dhiiraday inay Madaxweyne Rayaale
kula tartamaan xisbiga UDUB dhexdiisa, ayaa waxa wejigabaxii ugu
foosha xumaa kala kulmay Md. Aadan Maxamed Diiriye (Aadan-ruush) oo
hore ugu dhawaaqay inuu u sharraxan yahay jagada Madaxweynaha ee
xisbiga UDUB dhexdiisa, kadib markii inta madashii shirka laga soo
tukhaantukhiyey oo dibedda looga soo saaray hudheelka, isla markaana
ergaynimo qof kale lagu wareejiyey.
Aadan-ruush oo dhawaan iska casilay jagada Wasiirul-dawlaha Hawlaha
Guud iyo Guriyeynta, saaxiib dhowna ahaayeen Rayaale oo wejigiisu
cadho darteed doorsoomay, ayaa weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo
kula kulmay kadinka hore ee laga galo huteelka, wax yar kadib markii
lagu wargeliyey in aannu ku jirin ergooyinka shirka ka qaybgalaya
weydiiyeen, ayaa waxa uu si kooban u yidhi; “Markii aan madasha
tegay waxa ii caddaatay inuu jiro afduubkii la sheegayey. Wasiir ka
tirsan guddiga qabanqaabada oo kaadhkayga hayey ayaa igu wargeliyey
in kaadhkaygii cid kale la siiyey, isla markaana la iga saaray
liiska ergooyinka shirka ka qaybgelaya, waxana muuqata in meeshu cid
gaar ah u xidhan tahay oo aan la oggolayn cid kale oo damac
siyaasadeed ku dhex yeelata, sidaas ayaanan kaga soo baxay, waanad
arkaysaan waxa meesha ka socda.”
Aadan Maxamed Mire (Ruush) oo la weydiiyey waxa uu hadda yeelayo
maadaama laga saaray shirweynaha UDUB, waxa uu sheegay inuu ka
qaybgeli doono shirka ay qabanayaan garabka kale ee xisbigoodu,
“Waxaan leeyahay masiirkii xisbiga waa la afduubay, waxaanan ka
qaybgeli doonaa shirweynaha garabka kale ee lagu tartamayo, maadaama
aan ahay murrashax u taagan tartanka jagada madaxweynaha,” ayuu
yidhi Aadan Ruush.
Xubnaha kale ee wejigabaxa kala kulmay shirka waxa ka mid ahaa
Maayarka Ceerigaabo Maxamed Cabdi Dhoorre, xubin-sharaf Guurtida ah,
Ismaaciil Mire Maxamed - aasaasayaashii golihii hore ee wakiillada
iyo xubno kale oo tiro badan oo dhiiggoodu ku tallaalmayd
UDUB-nimada.
Shirka UDUB ee Maansoor oo u afduubnaa Guddoomiye Daahir Rayaale iyo
inta maslaxaddiisa ilaalisa oo qudha, ayaa wuxuu dibedda soo dhigay
kelitelisnimo iyo awood isku muquunin ku cusub saaxadda siyaasadda
Somaliland, taas oo ay durba dadweynuhu dareen sas leh ka muujiyeen,
waxana shacbigu walaac xooggan ka qabaan in keli-telisnimada iyo
kursi-jacaylka Madaxweynuhu la soo baxay ay xidididda adkaysato,
halkaasna ku burburto rajadii dadku ka qabeen in cimrigooda inta ka
dhiman ku naaloon doonaan dal dimoqraadi ah oo xuquuqda dadku lama
taabtaan tahay.
Dhinaca kale, Khudbad dheer oo Md. Daahir Rayaale madashaa ka
jeediyey, ayaannu haba yaraatee ku soo qaadin dhaqaale-xumada dalka,
shaqo la’aanta, tabriibta dhallinyaro badan naftoodii badaha iyo
saxaraha ku waayeen, adeegyada dacayan ee arrimaha bulshada, lacagta
giimbaarta ah ee gobollada bari ka shaqaysa, khilaafka Komishanka
Doorashooyinka iyo arrimo kale oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku
fashilmeen wax-ka-qabashadooda muddadii ay talada hayeen oo hadda
gabaabsi ku sii dhow, balse isugu isu arkaya hoggaamiye wax badan
taray Somaliland oo mudan in markale abaalmarin looga dhigo
doorashada talada dalka, kadib markii uu la ashqaraaray
taageerayaasha garabkiisa oo kelmad kasta oo afkiisa ka soo baxda
sacab iyo mashxarad isla oogsanayey, isla markaana u muuqday nin ka
xog la’ xaalka dhabta ah ee shacbigiisa iyo taageerada siyaasadeed
ee waqtigan UDUB dibadda u taal.”
Jamhuuriya Online
|