Saxaafada
caalmka oo ka hadashay Fursadaha Somaliland uga banaan Go’aanka ICJ
da
Friday, 23 July 2010

Saxaafada caalamka ayaa maanta si
weyn indhaha ugu haysay ku dhawaaqista Go’aan in badan la ga sugayay
Maxkamada Aduunka ee ICJ (International Court of Justice)
Kadib markii ayaa maanta Duhurkii ku dhawaaqaday in Wadanka Kosovo
yahay wadan madaxban aan.Madaxweynaha Maxkamda ICJ Mr Hisashi
Owada ayaa ku dhawaaqay in Madxbanaanida Kosovo aa nay ka hor
imanaynin shuruucda caalamiga ah sidaa daradeedna Kosovo tahay wadan
xor ah isla m arkaana aanay shuruucda caalamiga ah diidayn in
wadan ku dhawaaqo Madaxbanaanidiisa. Arintaan ayaa wax si weyn usoo
dhaweyay Dawlada iyo dadka reer Kosovo waxayna ka nixisay Dawlada
Ser bia ee ay ka goday Kosovo. Kosovo ayaa madaxbanaanideeda ku
dhawaaqday 2004 February
Go’aankan ayaa waxa tageeray 10 ka mid ah Qareenada (Judges) ICJ
waxan diiday 4 sidaasanu ku ansaxay Go’aanku oo guul ah wadamo badan
oo Somaliland ka mid tahy.
Hadaba Go’aankan Maxkamada ICJ muxu ugu fadhiya shacabka Somaliland
lakiin xukumada cusub ma xa uga meel yaal Albaabkan u furmay Aqoonsi
caalamiya oo ay hesho Somaliland
Saxaafada caalmka oo ka hadashay Fursadaha Somaliland uga banana
Go’aanka ICJ da
Dagbladet
Wargeyska Dagbladet oo kamid ah Wargeysyada ugu waa weyn dalka
Norway ayaa warbixin uu ka qoray Go’aanka ICJ ku soo qaatay Qadiyada
Somaliland sida ay maanta albaab cusub ugu furmay waxaana uu yidhi “
Go’aankan ICJ waxa uu so jiidanay Wadamada Somaliland iyo West
Sahara oo ka go’ay Wadamadda Somalia iyo Morocco isagoo qoraalkiisa
sii wata waxa uu yidhi Somaliland waxay ku dhawaaqen madax
banaanidooda 1991 oo ay ka go’een Somalia waxay sidoo kale qabteen
Afti dadweyne oo 97% ogalaaden madaxbanaanida Somaliland waxa sido
kale ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.
Het Laatste Nieuws
Sidoo kale Wargeyska Het Laatste Nieuws ee ka soo baxa dalka Belgium
ee xarunat EU ayaa Maqaal ka qoray sida wadamo badan faa’ido ugu
tahay Go’aanka ICJ waxaanu wargeysku qoraalkisa ku yidhi “
Go’aankani samayn kuma laha oo kaliya wadamada Serbia iyo Kosovo ee
waxa uu samayn weyn ku yeelanaya wadama badan oo raadinaya aqoonsi
caalamiya oo ay kamid yihiin Somaliland, Northern Cyprus,
Nagorno-Karabakh, South Ossetia, Abkhazia and Transnistria, oo
dhamaantod hore ugu dhawaaqay Madaxbanaanidoda lakin aan heli
aqoonsi calamiya wadamadani waxay maanta u tahay faa’ido weyn
go’aanka ICJ
U-TV iyo The Guardian
Sidoo kale U- TVoo ah TV ku yaala dalka UK gaar ahaan Northern
Ireland. Ayaa website kiisa ku qor ay warbixin uu ka soo
xigtay wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa dalka UK
waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay “ Wadamada Goonida u gostay iyo Kuwa
madaxbanaanidooda ku dhawaa qay ee ay kamid yihiin Taiwan ,
Xinjiang iyo Somaliland waxay si weyn uu soo dhawaynaya Goaanka
sharciga ay gaadhay ICJ
Hadaba Somaliland maxa la Gudboon
Waxa maanta sida ka muuqata Wararka Dunida ay baahinayaan in
Somaliland iyo wadama kale oo badan ay fursad qaaliya u tahay
Go’aanka Maxakamada ICJ ka gaadhay arinta Kosovo, waxa aynu filayna
in dhawaan dawlada cusub ee Somaliland la wareegto xilka arintani
waxay noqon doonta mid kamid ah Agenda yaasha ugu waa weyn ee
horyaala dadaalka aqoonsi raadinta Somaliland oo kamid ah qodobadii
sida weyn looga hadlayay xiligii doorshada Somaliland waan bar bilaw
cusub oo laga bi laabi karo raadinta aqoonsiga Somaliland ee
inta badan la sugayay hadaba Madaxwyne Silaanyo wa xa looga
fadhiya sidii uu uga faa’idaysan lahaa fursadaas qaaliga, isago sii
maray aqoonyahanka So maliland, Garyaqaanada caalamiga,
saaxibada Somaliland, Jaliyadaha debedaha, dadka u ololeeya q
adiyada wadamada aan la aqoonsana, ururka wadamada aan la aqoonsan (UNPO)
iyo cid kasta oo inga tageeri karta sidii aaynu qadiyadeene u geyn
lahayn ICJ marka waxa loo baahan yahay in aqoonyahanka Somaliland
iyo Dawlada Somaliland maanta iska kaashadaan sidii loo qaadi laha
Jidka maanta Kosovo ku guulaysatay ee ku dhamaada ICJ isla markaana
inoo horseedi kara aqoonsi caalamiya.
Balanteenu waa Aqoonsiga Somaliland oo maanta dhexda loo xidho iyo
fursada cusub oo aan la dayi cin
Halka ka eeg wararka Somaliland ka qoreen warbaahintu ee arinta ICJ
http://www.u.tv/News/The-end-of-the-battle-for-Kosovo/477010d0-a146-42ba-bdec-92365c996428
http://www.dagbladet.no/2010/07/22/nyheter/kosovo/haag/selvstendighet/
utbrytergrupper/12670784/
http://www.hln.be/hln/nl/960/Buitenland/article/detail/1136125/2010/07/22/Onafhankelijkheid-Kosovo-perfect-legitiem.dhtml
Saeed M Osman
cismaan20@hotmail.com
|