Doorshooyinku dhib iyo dheefba waa u leeyihiin Shacabka Somaliland

 

Qaybtii 3aad

Mar kasta waxaad ogaataan in howlaha Doorashooyinku ay yihiin howlo aad iyo aad u dhib badan,marka laga hadlayo qarasha ku baxaya iyo howsha la qabanayo lafteeda,waxaad markasta maskaxda ku haysaa Doorashooyin ka dhacay wadan yar oo aan la AQOONSAN dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba,kuna yaala qaarada Afrika sida ay ugu dhib badan tahay howshaasi.

XEERKA DIIWAN –GELINTA COD-BIXINYAASHA.

Waa wax lagu faani karo,in Diiwan gelintii Somaliland ay ku dhamaantay guul iyo dhibaato aan weyneyn, marka la ee baaxada howshu lahayd.
Xeerka Diiwan gelintu wuxuu ka mid yahay TIIRARKA ugu waayeyn ee ay ku taagan yihiin doosharashooyinka soo socda ee Somaliland, waxaana la filayaa in Diiwan gelintu soo Af jarto murano badan oo ka dhici jiray Doorashooyinkii hore dalka iyo dadka u soo maray.
Guud ahaan Xeerka Diiwan gelintu waa mid aad iyo aad u fiican marka laga eego dhinacyo badan,balse waxaa jira dhaliilo aan sidaa u sii weynayn oo u baahan in dib loo eego ,waxaana ka mid ah qodobadan soo socda:-

QODDOBKA 9AAD

SHAQAALAHA KA HAWL-GALAYA SUGITAANKA JINSIYADDA
Shaqaalaha loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinimo waxa lagu xulanaya shuruudahan:-
1. Waa in uu Muwaadin reer Somaliland ah yahay.
2. Waa in aan da’diisu ka yaraan 25 jir.
3. Waa in uu Caafimaad qabaa jidh ahaan & Maskax ahaanba.
4. Waa in aanu xukun maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin.
5. Waa in uu leeyahay aqoon Dugsi Sare, heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma.
6. Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo & Aaminaad Bulshada dhexdeeda ah, sumcadna ku leeyahay.
7. Sifooyin ka kalana waxa uu la wadaagaa, sifaha lagu xullanayo Shaqaalaha Diiwaan gelinta.


Q9-Far.2aad waa in dadiisu aanay ka yaraan 25 jir ,markaa waxaa ka maqan in la cadeeyo inta la rabo in aanay dadiisu ka weynaan oo aan Xeerkan ku cadeyn.


Q.9-Far 3. Wuxuu ka hadlayaa CAAFIMAADKA,kaas oo leh waa in uu caafimaad qabaa JIDH AHAAN IYO MASKAX AHAANBA. Waxaad moodaa in qodobkaana ay ka muuqato dhaliil ,taas oo ah ,waxaan cadeyn waxa looga jeedo “Jidh” ahaan.
Tusaale:- Hadii uu Curyaan yahay,balse uu aqoon fiican u leeyahay howsha soocota,ma ka shaqeyn karaa ?



QODOBKA 12AAD


DHAQAN-GELINTA DIIWAAN-GELINTA
1. Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

2. Diiwaan-gelintu waxa ay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badnayn saddex bilood.

3. Komishanku isagoo adeegsanaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco islamarkaana baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

4. Komishanka waxaa ku waajib ah in uu baro islamarkaana ku wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaan-gelintu leedahay.

5. Si arrintaa loo suurto-geliyana Komishanku waa in uu diyaariyaa barnaamij qayb ka ah geedi-socodka Diiwaan-gelinta oo loogu talo-galay in lagu baro laguna wacyi geliyo dadwaynaha in ay isu diyaariyaan doorashada.

6. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xiliga la bilaabaayo diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, isaga oo ku soo saaraaya digreeto Madaxweyne ka dib marka uu helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka muddo shan iyo toban maalmood gudahood.


Q12-Far.2aad,waxay sheegaysaa in Diiwan gelinta iyo Doorashooyinka ay u dhaxayso mudo lix(6) bilood ah,taas oo u muuqata mid aanay suurta gal ahayn,mana garanayo cida ka hadli karta xilligan,inta u dhaxaynaysa Diiwangelinta iyo Doorashooyinka waxaa kaloo sii cadaynaya Q.13 ee xeerka Doorashooyinka somaliland.


Akhristoow haddii aan tusaale gaaban kaa siiyo dhibta ay leeyihiin Doorashooyinka isdaba jooga ah waxaa ka mid ah,“ldhaqaale aad iyo aad u badan oo ku baxa,kaas oo loo isticmaali lahaa adeega bushada IWM.

Dhinaca faaiidooyinkana waxaa ka mid ah “waxaynu raacaynaa tubtii Dimuqraatiyada,oo waxaynu kaga gudbaynaa habka “keli talisnimada iyo habkii Qabiilkaba,weliba caalamkana waxaynu kaga doonaynaa taageero buuxda.


Hadal iyo dhamaan ma garanayo,arimahan aan kor ku soo sheegay halka ay ka dhaafeen saddexda GOLE(Dowlada-G.Wakiilada iyo G.Guurtida) oo uu soo maray xeerkan Diiwan gelintu,anigoo huba in ay jiraan rag badan oo aqoon fiican u leh sharciga in ay ku jiraan seddexda Goleba.


……….. la soco qaybaha dambe-----


mahadsanidin

 

 

 


Qalinkii Abdi M.Saleiman
(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com