Somaliland iyo sanadka 2008

 

( Sanadkanina ma aqoonsi la,aan ayuu igu dhaafay,ALLAHAYOOW laba talaba tii roon.Somaliland waxay dhadhamisay QARAXYADII AL_QAACIDA )


Haddaba haddii aan u soo noqono sanadkan sii dhamaanaya ee 2008 iyo waxyaabihii ka dhacay Somaliland.Runtii waxaa la odhan karaa 2008 wuxuu ahaa sanadkii ugu dhibta badnaa marka loo eego sanadihii ka horeeyey,waxaana markhaati cad u noqonaya qodobadan aan hoos ku soo koobay:-
 


Siyaasada Gudaha

• 2008 Somaliland waxay ka mid noqotay wadamada ay AL-Qaacida ka geysatay qaraxyada axmaqnimada leh ,Hargeysa-na waxay gashay liiska caasimadaha Dunida ee ay AL-Qaacida duqaynta baladhaan u gaysatay. Dhinaca kalena Somaliland waxay dhadhamisay Qaraxyada AL-QAACIDA 29 Oct,qaraxyadaas oo ku nafwaayeen in ka baan 20 ruun,kuna dhaawacmeen tiro kale oo badan .

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ugu muranka badnaa dhinaca Siyaasadeed ,murankaas oo dhex marayey Xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland,waana muran kii ku beegnaa 15 May 2008.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii uu murankii ugu balaadhnaa ka oloosmay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.Murankaas oo keenay in lagu heshiin waayo cida noqonaysa Guddigga Doorashooyinka .Waa murankii keenay in uu dib u dhac uu ku yimaado Doorashooyinka Somaland gaar ahaan tan Deegaanka iyo tan Madaxweynaha.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay ugu kulanka iyo wadahadlka badnaa ee Mucaaridka iyo Muxaafidka.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii uu dalka Somaliland nonday 13 Gobol ,halkii uu ka ahaan jiray 6-da Gobol.

• 2008 wuxuu ahaa sanad ay jireen MUDAHARAADO badan ,Mudaharaadadaas oo kala ujeedooyin ahaan, balse dhimasho iyo dhaawacnba gaystay.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ugu muranka badnaa Ganacsatada iyo Xukuumada Somaliland,gaar ahaan kii ku saabsanaa “Dhoofka Xoolaha”

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay is Diiwan geliyaan Shacabka reer Somaliland ,dhinaca kalena wuxuu noqon doonaa sanad lagu xasuusan doono Diwaan gelinta.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay ugu waxqabad yaraayeen labada Gole ee Somaliland (Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamaanku), haba yaraatee ma jiraan wax la taaban karo oo ay qabteen labad Gole,waxay qabtaan iska daa ee xataa waxaa yaraa in aad maqasho magaca Golayaasha.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay ugu liiteen Hayadaha amaanka Somaliland,sababtoo ah waxay ogaan kari waayeen Qaraxyo xoogan oo la doonayey in lagu minjo xaabiyo gabi ahaanba Somaliland.

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay ugu qaalisaneyd maceeshada DARUURIGA ah,waxaana la odhan karaa wuxuu ahaa sanad ku adag shicibka Somaliland.

Siyaasada Dibada:-


2008 waxaa wax iska bedeleen xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ,waxaa booqday Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo,waxaa inoo yimid wafti reer Jabuuti ah, sidoo kale waxay ka qayb qaateen daaweynta dhaawacyadii Qaraxyadii Hargeysa 29 oct.

2008 Madaxweynaha iyo wufuud uu hogaaminayo ayaa booqaho ku tegay wadamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Yurub ,gaar ahaan wadamada Ingiriiska –Faransiiska –Garmalka.


2008 Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay wadanka U.S.A gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada,sidoo kale waxaa booqasho ku yimid Somaliland markii ugu horeysay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada arimaha dibada ee USA.


2008 Madaxweyne ku Xigeenka somaliland ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay haboon tahay in “GOGOL NABADEED” loo fidiyo kooxaha ku dagaalamaya Soomaliya.


Saxaafada Somaliland:-

• 2008 wuxuu ahaa sanadkii saxaafada Somaliland ,waxaa ka soo baxa dalka ilaa 8 Wargeys,waxaa laga daawadaa ilaa 4 Tv oo qaarkood caalamka oo dhan laga daawado.

Saddexda Xisbi:-


• 2008 waxaa ka dhex saddexda Xisbi dhaqdhaqaayo kala badan oo kala duwan,waxaana ka mid ahaa Cabdiraxmaan aw-cali oo UCID ku biiray,Dr. Gaboose oo Kulmiye ku biiray iyo weliba kooxo kale oo ku kala biiray Xisbiyada kala duwan.


• 2008 Gudoomiyayaasha saddexda Xisbi ee UDUB, Kulmiye iyo UCID ayaa xaqiiyey mar labaad in yihiin Murashixiinta Madaxweynenimada ee Xisbiyadooda .


Qurba jooga Somaliland:-


• 2008 wuxuu ahaa sanadkii ay Qurba jooga iyo Jaaliyadaha Somaliland ,ay mucaawimo gaadhsiiyaan shacabkooda ,si gaar ahna waxaa loo tilmaami karaa ,dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay QARAXYADII, Cisbitaalada Burco iyo hargeysa iyo weliba Qoysas sidooda u dhibaataysanba.


Hadal iyo dhamaan waxaan hadalka ku soo ooday laba hal ku dheg oo kala ah:


Somaliland waxaa soo maray sanado ka adag kana dhib badnaa 2008

Waa inoo gacan-na Qoriga gacana Card-ka Codbixinta








ILLAAHOW SANADKA TEGAY HARAATIDIISANA NAGA HAY
SANADKA CUSUBNA HIRDIDIISANA NAGA HAY



mahadsanidin

 

 

Abdi  M. Saleiman (Mingiste)

abdi_saleiman@hotmal.com