KA DHAADHAC
KURISGA

Akhristayaal Naga guddooma marka
hore salaam Barako Huwan Raxm adina ku dheehantahay oo ah Ta
Islaamka Assalaamu Calaykum Warra xmatullaahi Wabarakaatu.
Intii Maqashay iyo Intii aan Maqlinba beryahan waxa aad loogu dhag
raaricinayey Hees Cusub oo Liddi ku ah Madaxweyne Daahir Rayaale
Kaahin, Heestaasi oo Curinta, Laxanka iyo Codkaba uu iska leeyahay
Abwaan Fannaan Jaamac-riyo oo inta Fanka la ollogga ahi si fiican
wada yaqaanaan.
Heestan ayaa waxa uu Abwaanku kula
hadlayaa Madaxweynaha isagoo ku dhaliilay Xilgudasho la’aan. Waxaanu
halkudhiggeedu yahay KA
DHAADHAC KURISGA. Heestan oo ugub ah
ayaa noqotay mid aad ugu faaftay, hadal haynteeduna ku badatay
Bulshada dhexdeeda.
Haddaba Af Af loo hayaa Ba’aye, Waxaa soo baxday Hees cusub oo
ha ddeertadan uun daawaha laga soo qaaday oo Jawaab u ah Heestan
Ja amac-riyo, Waxaana Curiyey oo Dalka Qadar
kala soo tiigsaday Hal abu urka Da’da yar ee
Axmed C/laahi Maxamuud (Fartaag).
Akhristayaal Heestan oo ah mid aad u qiimo badan, bal nala dhugta,
Waxaanu Abwaan Fartaag ku bilaabay sidan:
Dhaqaalii buu kaboo
Dalkana dhabaduu ku ridey
Wakaa calankii dhidboo
Intuu dheeliga ka jirey
Dhameys tirey dawladnimo
Dhaqaajee dhaanka raray
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee
Dhanbaalkani waa heshiis
Dhulkeenuna waa amaan
Dharaariba waa dharaar
Dhurwaa xoolii ma cunin
Dhitadu subag bay dhashoo
Dhalaankaa lagu korshaa
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee
Wataa maandeeq dhashoo
Haduu dhaydii lisee
Xilkii loo dhiibay iyo
Amaanadii way dhantahay
Adoo dhaga haaga furay
Waar hooy dhaayaa kuu eeg
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee
Dhankeed ka dhaliilaysaa
dhulkeenii inaga maqnaa
Xadkii buu soo dhacshoo
Dhabtuu ku hurdaa Shacbiga
Dhufayskuna waa difaac
Dhawaaquna waa afgarad
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagahaba dhigtee
Waagii dhiiliyo Colaad
Markii dhagar qabe siyaad
Intuu dhiigooda qubey
Intuu dhaawaca ku diley
Dhibkii waa laga baxoo
Hadaa dheeftii la heley
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagaba dhigtee
Wuxuu dhigey aabahood
Ayey ubadkuna dhaxlaan
Dastuurkaa dhigan ku dhaqan
Xagee laga dhaafayaa
Ciideenaa laga dhargaa
Dhirtaa midho laga cunaa
Dhulkaa beeruu ku yidhi
Aduunbaa dhaliilayee
Xaguu uga dhaadhacaa
Haduu cagaba dhigtee
Siyaasadu waa dhanxiir
Mucaaridku dhaantadii
Dhamacda rarankii ku gubey
Dhindiil danbas huwan ku noqoy
Dhag xomo waa laga durkoo
Dhulkuna waa lama huraan
Dhamaan soomaaliland
Nabada way dhawrayaan
Dhalaankana yaan la qaxin
Dhuuman maayo Riyaaloo
Intoo gogol loo dhiguu
Dhabtii ku hurdaa shacbiga.
Dhammaad.
Curintii: Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Fartaag)
Email: fartag_571@hotmail.com
Doha, Qatar.
&
Tebintii: C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra)
Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.
|