Siyaasada Madaxweyne Rayaale iyo Haweenka Somaliland!
 


Haweenka ayaa kaalin aad u wayn kaga jira bulshada aduunka, iyaga oo fuliya  shaqoo yin kala duwan oo la’aantooda ay adkaan lahayd inay qabsoomaan

Haweenka Somaliland ayaa ah kuwo Baal-Dahab ah kaga qoran Tariikhda wadankan

Aan ku Horayne Waqtigii lagu jiray halgankii qadhaadha ee Jamhuuriyada Somaliland lagu Xoreeyay ayaa Haweenku waxay ahaayeen laf dhabar aan la hilmaami karin

Waxay Halganka kaga Jireen Gudo iyo Dibadba

Bal aan eegno sida Abwaanku i Sifeeyay

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobonimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana iskaga mida

Quruxdana ka wada gob ah

Geesteenna mooyee

Gayi kale ma joogaan

Abwaan Hadraawi

Waxa Xaqiiq ah in Halganki Hubaysnaa ee lala Galay Kaligi Taliye Maxamed Siyaad Bare u Khasaare ugu Badani ka soo Gaadhay Haweenka

Waxaad is Waydiisa

-Imisa Dumar ah ayaa ku wayay Ragii ay u dhaxeen oo Halkaa ku qaaday Asay

-Imisa Dumara ayaa walaalahood ku wayay

-Imisa dumara ayaa Wiilashi ay Dhaleen ku wayay

-Imisa ku wayay Awoow, Abti, Adeer, Inadeer, Inaabti,Habar wadaag,Seedi

-Imisa ayaa Dahabkoodu iyo Guryahoodu u Xaraashay

Waa wax aan la qiyaasi karin khasaaraha nafeed iyo maal ee Haweenku u hureen Xoriyada maanta wadankani Hadhsanaayo

Haweenka Jamhuuriyada somaliland halkaa kaga may hadhin halgankii ee markii wadanka lagu soo noqday waxa ka qayb lixaadle ka qaateen Dib u Heshisiinti Beelaha Wada Dega Somaliland iyo Dib u dhiskii wadanka


Hadaba Marka laga reebo hawlaha guriga iyo korinta ubadka ayaa haweenka guud ahaan waxaa culays wayn ku haya dhibaatooyinka dhaqaale, caafimaad iyo siyaasadeed ee ka jira dalkeena. Arimahan aan soo sheegay iyo qaarkale oo badan ayaa waxay dumarka ku hayaan welwel iyo walbahaar kaasoo illaa hada aanay jirin wax qorshe siyaasadeed iyo mid biniaadaminimo oo dawlada hada jirtaa ugu talo gashay

Waxa maanta somaliland ku dayacan Hooyooyinkii Dhalay Mujaahidiinta Wadankan Naftooda U huray

Xukuumada Madaxweyne Rayaale ayaa ah mid si cad u duudsiisay Xuquuqdi ay ku lahaayeen Haween Weynaha Somaliland

Akhristoow Haweenka Somaliland oo lagu Qiyaaso 63% shacab Weynaha Jamhuurida Somaliland Waxay Xukuumada Madaxweyne Rayaale ku leeyihiin 1 wasiir oo qudha

Taasi miyaanay ka turjumayn Quudhsiga cad ee Xukuumada Madaxweyne Rayaale ay ku hayso haweenka somaliland

Maxa u diiday in haweenka ugu yaraan la siiyo 3/1 Golaha wasiirada Ee Xukuumada

Hadii lagala Masuugay in loo dhiibo Wasarada wax ku oolka ah sida

-Arimaha Dibada

-Arimaha Gudaha

-Maaliyada

Hadiiba Rayaale is leeyahay Wasaaradahaas waa kuwo aad ku fadhiisisay Siyaasiyiin kaga Gudban daad waa hore ku qaadi lahaa

Haweenku miyaanay xaq u lahayn hadaa in lo dhiibo wasaarada ku taxaluqa Kobcinta iyo Horumarinta Dadka iyo Dalka sida

-Dalxiiska

-Waxbarashada

-Caafimaadka

-Beeraha

Sida Cad-ceeda ayay u muuqata in madaxweyne Rayaale hadh cad ka dhaqaajiyay Haweenka somaliland Xaqii ay ku lahayeen Dastuurka

Dhacdadi ugu dambaysa waxay ahayd markii madaxweyne Rayaale uu kala masuugay Haween weynaha Somaliland in uu Hambalyeeyo Maalintii Haweenka Aduunka ee 8dii Bishii March

Waxa is waydiin leh Goorma ayay Coloobeen Madaxweyne Rayaale iyo Haweenka Somaliland?

Hadaba Waxa Haboon in haweenka somaliland ay codkooda mideeyaan meela uga soo wada jeestaan cid kasta oo hagardaamo u maleegaysa

Codkoodana ay ku hubsadaan sanduuqa ay is leeyihiin xaqiina idin duusin maayo oo waad la xisaabtami kartaan

Guul iyo Gobanimo
 

 

 

 

Mohamed Hassan Xaleef
Xaleev@hotmail.com