Farriintii wey gaadhey Mudane Dahir Riyaale iyo UDUBBA!!.

 

Dhoolla-tus lama yidhaahdee, dhulgariir siyaasadeed oo aan hore loo arag ayey Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku sunteen bannaan-baxoodii ugu horreeyey.

Waxa aad u yaab lahaa bisaylka ilbaxnimo iyo siyaasadeed ee u dheereyd, oo  dad kii baaxaddaa lahaa haddana si xakameysan oo nabadgelyo ah ay guteen  waajib kooda xisbi iyaga oo dhawraya Anshaxa doorashada, si nabad gelyo leh oo  nidaa m sanna ugu kala noqdey degmooyinkoodii, markii ay xafladuhu dhammaadeen.

Waxa xusid mudan , in Gobollada Dalka oo dhan ay sidan wada ahaayeen oo mid  a an laga soo sheegin, bannaan bax aan hore kaas oo kale ka dhicin ayaa laga soo sheegey. Waxa Guul iyo mahadba mudan Taageerayaasha Xisbiga iyo Hawl-wade ennadii sida cid walba ka yaabisay u maamulay mobilizationka dad tiro-dhaafey. Taageerayaasha kulmiye, wey rumeeyeen ballankii ahaa inay far waaweyn xisbiga talada haya ugu qori doonaan rabitaankooda siyaasadeed oo ah isbeddelka  Maa muka Dalka. Waxay ahayd aragti aan marnaba xusuusteyda ka baxayn, waxay ahayd, muujinta awoodda Bulshada iyo go'aankeeda.

Waxa mahad leh qof kasta oo u soo baxay iyo qof kast oo u suurto-gesheyba.

 

 

 

 

 

Dr  Cali Cabdi Muxumed