Mid ka Mid ah Siyaasiinta Tiirarka u ahaa UDUB oo u Guuray KULMIYE

 

Hargeysa (TNN)- Mr. Xasan Mowliid Axmed oo ka mid ahaa siyaasiinta tiirarka u ahaa  xi sbiga talada haya ee UDUB, ayaa si rasmi ah uga huleelay xisbigaasi oo uu muddo badan ku jiray, isla markaana u guuray xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Siyaasigan oo ka mid ahaa Golaha Fulinta UDUB, laguna yaqaanay kaalinta miisaanka leh ee uu kaga jiray xisbigaasi oo uu ka mid ahaa shakhsiyaadka saldhig u ahaa arriminta  iy o ka talo-bixintiisa, ayaa isaga iyo laba siyaasi oo kale oo beesha ah, kana mid ahaa  Gol aha Dhexe ee xisbiga oo magacyadoodu kala yihiin Mr. Maxamed Cali Foojig iyo  Cabdilla ahi Qaalib, waxay shaaca ka qaadeen in markii ay arkeen xisbigoodii oo burbur qarka u saaran ay go’aansadeen in iyaga iyo taageerayaashooduba ka baxaan oo ay u  waree gaan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay ku tilmaameen inuu yahay xisbiga keliya ee ay u arkeen inuu dan u yahay Somaliland.

Siyaasiyiintan oo iyaga iyo boqolaal taageerayaal beeshooda ka tirsan, ayaa xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxay  hoggaamiy ayaasha sare ee xisbigaasi ku qaabileen farxad dhoola-caddayni ku dheehan tahay.

Mr. Xasan Mowliid Axmed oo ka hadlay xafladaasi ayaa isagoo ka waramayey sababaha uu uga tagay xisbigiisii waxa uu yidhi; “Waxaan halkan u imi in aan caddeeyo in xisbigii UDUB ee aan ku jiri jiray in aan ka tanaasulay, sababta ugu waynina ay ahayd xisbigii oo dhismiwaayey oo burburay, go’aankan waxaannu qaadanay markii taageerayaashayadii ay garteen in meesha aanu ku jirnay ay tahay meel duntay, taageerayaashayadii iyo  d adkii nagu xidhnaa ayaa goostay, iyagaa ka soo guuray oo maanta KULMIYE ku soo  war eegay.”

Xasan Mowliid waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay u diyaargaroobaan halgan iyo  da daal ay kaga qaybgalaan doorashada Madaxtooyada, si ay dalka madaxtinimadiisa ugu igmadaan xisbiga KULMIYE. “Waxaan jecelahay in aynu isku oggaano halgan, dadaal iyo dawlad wanaagsan oo KULMIYE ka timaada in aynu dhisano.”

Sidoo kale, Maxamed Cali Foojig, ayaa isaguna sheegay in beesha ay ka soo jeedaan oo degta degaanada Bullaxaar, Wado-makaahiil ilaa Xarshin ay dhammaanteed rag iyo  du mar si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay, ayaa taageerayaashooda ku booriyey inay si degan oo nabadgelyo ah uga qaybgalaan ololaha doorashada, una u dulqaataan wax uu ku tilmaamay rafashada  UD UB, isla markaana waxa uu ku wargeliyey taageerayaashooda maalinta Jimcaha oo ay u leeyihiin ololaha doorashada inay subaxa hore isugu soo baxaan fagaarayaasha  magaa looyinka, si looga gaadho salaadda Jimce.

Xoghayaha Dhaqaalaha KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse oo isna halkaasi ka hadlay, a yaa ku dooday inuu si weyn ugu baannayo quwadda taageerayaasha uu haysto oo uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo fagaarahaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu dalka ku maamuli doono haddii uu talada dalka ku guulaysto, waxaannu sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda dalku ku jiro, isagoo u maraya caddaalad, sinaan iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Mr. Cabdillaahi Qaalib, Marwo Faysa iyo xubno kale oo ka mid ahaa taageerayaashaasi.


Source:Jamhuuriya Online