Xukuumadda Rayaale Waa U Caado In Marka Ay Doorasho Soo Dhawaato si gardarro ah U Xidhxidho Siyaasiyiinta Xisbiga

 

 

 


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo),ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale marka ay doorasho soo dhawaato ama jirto hawl Qaranku leeyahay oo laga wada qayb-qaadanayaa ay caadaysatay eedayn iyo xadhig xaq-darro ah oo ay Masuuliyiinta sar-sare ee KULMIYE kula kacdo.Isla markaana, waxa uu si weyn u cambaareeyay xadhiga Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ah Sarkaal Xisbigiisa ka tirsan oo Jimcihii dhawayd Booliska Magaaladda Hargeysa ay Xabsiga u taxaabeen.

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilanyo, waxa uu sidaa sheegay mar uu maanta Warbiihinta ugu waramayay Madaarka Magaaladda Hargeysa, halkaas oo isaga iyo Wefti KULMIYE ka tirsan oo uu hogaaminayaa ka ambabaxayeen, kuwaasoo u kicitimay Magaaladda Nayroobi ee xarunta dalka Kiiniya. Guddoomiye Siilaanyo oo safarkiisan ay ku weheliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo xubno kale. Isla markaana waxa uu Siilaanyo ka waramay ujeedada socdaalkooda, xidhiidhkka ka dhexeeya Safarkooda iyo Safar Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ku tageen Jabuuti oo ay isku diyaarad ahaayeen iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka soo socda, kalsoonida komishanka doorashooyinka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horeyn Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay ujeedada socdaalkooda waxa uu yidhi, “Nayroobi ayaanu tagaynaa, waxaanu u tagaynaa dadka taageerayaasha ah iyo ciddii kale ee aanuu aragno ka dhaadhicino qadiyadda Somaliland iyo ta Xisbigayaga-ba.”

Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay, in isaga iyo Weftigiisu ay Jabuuti ku sii hakanayaan wakhtigan, waxa uu yidhi, “Imika socdaalkayagani waxa uu ku jeedaa Magaaladda Nayroobi ee xarunta dalka Kiiniya, Jabuuti iyo Itoobiya-ba imika waanu siimaraynaa oo marinkayaga ayaa ah, ee uguma socono Safar ahaan. Laakiin, Insha Allaahu wakhti aan dheerayn waanu tegi doonaa iyagana.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMNIYE, mar la waydiiyay in ay Nayroobi kula kulmayaan kaliya taageerayaasha Xisbigooda halkaa ku sugan iyo inay Masuuliyiinta Kiiniya la kulmayaan, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Inkasta oo aanu taageerayaashayada u tagayno, haddana dabcan ama dawladda Kiiniya ha noqoto ama ciddii kale ee munaasib ah ee noola muuqata munaasib, waanu arkaynaa, qadiyada Somaliland iyo taayadana waanu kala hadlaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa wax laga waydiiyay ujeedada Wefti KULMIYE ka tirsan oo maalmahanba dalka Jabuuti ku sugnaa, waxaanu taa kaga jawaabay Siilaanyo oo uu yidhi, “Kaasina waxa weeye mid saaxiibtinimo ah oo Xubno Xisbiga ka tirsani ay sidooda ugu tageen Jabuuti, dabcan dhulkaana taageerayaal waanu ku leenahay. Markaa maaha Wefti rasmi ah ee waa Wefti saaxiibtinimo ah.”

Wefti Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaguna isla galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa, kaas oo Weftiga KULMIYE ay isku diyaarad raaceen. Haddaba, Axmed-Siilaanyo oo la waydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya labada Wefti, waxa uu ku jawaabay, “Waxay illa tahay Weftiga dawladdu meesha uu doono ayuu u bixi karaa, ee waanu isku beeganay uun ee wax xidhiidh ah oo labada Wefti ka dhexeeyaa ma jiro. Laakiin, waa iska caadi in dawladduna ay socoto, Xisbigayaguna meeshii cidi ka joogto uu siyaarto.”

“Wakhti xadidan oo aanu u goynay ma jiro, laakiin kolay wakhti dheer noqon maayo, Annaga oo mar walba maskaxda ku hayna. Halkaa haddaan eray ka idhaahdo, waxaan jecelahay inaan hoosta ka xariiqo, waatan diiwaan-gelinti ay dhamaatay caam ahaan, wakhtigii doorashaduna wuu soo dhawyahay. Markaa waxaan jecelahay in aanu xooga aad u saarno, inaan marnaba ajandihii iyo wakhtigii loo dhigay doorashada wax laga bedalaa jirin ee ay doorashadu sideedii ku soconayso, oo aan wax talaabooyin ah ama jalaafooyin ah aan Maamulka dawladda iyo cid kale toona u dhigin. Arrinta diiwaan-gelintu waa arrin runtii loo baahnaa, dalku fuliyay oo si fiican loo fuliyay, waana wax sideeda u taagan, laakiin mar walba shardi uma aha in ay diiwaan-gelintu doorashada is hortaagto. Waxaananu rajaynaynaa inaan doorashada iyo barnaamijkeedii wax iska bedalaa jirin.”

Guddoomiyaha KULMIYE mar uu ka hadlayay kalsoonida xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxa uu yidhi, “Komishanka doorashooyinka Qaranka waanu ku kalsoonahay, Xubnaha Komishanku waa xubnihii loo doortay ee sharciga ahaa, wakhtigan imika la joogo oo doorashadii in yari ka hadhay, waxay illa tahay, in Hay’adaha qaranka oo dhan, haddii Axsaab la yahay, komishan la yahay iyo haddii dawlad la yahay-ba layska kaashado sidii hawshaa qaranka ee dimuquraadiyada dalku ay ku dhisan tahay, doorashadu si xalaal ah u dhacdo, Annagu waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno Guddiga doorashooyinka iyo ciddii kale ee ku shuqul leh-ba.”

Axmed Siilaanyo, oo la waydiiyay sida uu u arko xadhigii ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Jimcihii doraad Xabsiga ku dhigtay Cabdirashiid Ducaale Qambi oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo eedaynta loo jeediyay ee ah in uu ka dambeeyay shaqaaqadii Buuhoodle ka dhacday sida ay wax ug jiraan waxa uu yidhi, “Arrintaasi waa arrin aad iyo aad u fool xun oo aanu si buuxda u dhaleecaynayno. Caado ayay u tahay dawladda marka ay doorasho soo dhawaato iyo marka ay siyaasiyan soo baxdo hawl qaranka ka dhaxaysaa, inay had iyo goor eedaha yimaada ay iska saaraan si gardarro ah, dabadeedna u maraan dariiq aan sharci ahayn oo Ashqaas muuqata oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan Xabsiga loo taxaabo, sidii kuwii hore. Arrintaa waxaanu u aragnaa mid xaqdaro ku dhisan, waxaanu u aragnaa mid sharciga gef ku ah, waa mid aanaan qaadanayn oo aanu aad iyo aad uga xunahay oo waanu cambaaraynaynaa.
 

 

 



Hadhwanaagnews