DOORASHADA MADAXTIMINADA HADII DIB LOO DHIGO
MA YEELI DOONO" AHMED M. SIILAANYO
Gudoomiya xisbiga mucaaradka ah
ee Kulmiya Muj Ahmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa sheegay in uu
mudnaanta koowaad siinayo dhalinyarada iyo haweenka hadii uu ku
guulaysta talda dalka.
Gudoomiyuhu waxa uu hadalka ka sheegay xaflad ay soo qabtay ururu
dhalinyaro oo lagu magacaabo Ururka Dhalinyarada Somaliland
xafaldaaso oo lagu qabtay Hudheelka Imperial ee
Hargaysa.Dhalinyarada ayaa sheegay in ay ku biireen xisbiyaga
siyaasiga ah ee Kulmiye.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo ayaa ka waramay doorkii
ay dhalinyarada iyo haweenku ku lahaayeen halgankii dalka lagu
xorooyey iyo sido kale doorka ay ku leeyahay dib u dhiska dalka .
“waad aragtan wadama jaarkeena waxa ka dhacaaya inagu maanta
mustaqbalkeena ku so celinmayno xabag iyo dib xurayn waxa aynu ku
soo celinayaan doorasho xor iyo xalaal ah” sidaa waxaa yidhi
siilanyo .
Sidoo kale Ahmed Siilaanyo waxa uu hambalyo u diray dhaliyadradii
iyo haweenka sida wanagsan uga qayb qatay hawshii diiwaan galinta ee
dhawaan dalka ka qabsoontay,taas oo hawshaas hirgalinteeda laf
dhabar u ahaayeen haweenka iyo dhalinyarada. Waxaanu yidhi “ waxaan
ogahay in doorashan maanta dalka ka dhacay oo aad u adkay in ay
dadka u gurmaday ay ahaayeen dhaliyarada iyo haweenka”.
Gudoomiye Siilaanyo hadal dheer oo xafladaasi ka jeediyey ayaa waxa
uu kaga waranay siyaasida xisbigiisu uu rabo in uu mustaqbalka ku
hogaaminaayo dalka .
Ahmed Silaanyo mar uu ka waramayey doorashooyinka dalka ku soo fool
leh waxa uu sheegay in aanuu xibiga kulmiya aqbali doonin in dib loo
dhigo doorasha madaxtinimada, waxaanuu sheegay in xisbiga kulmiye
diyaar u yahay in doorashooyinka dalka waqtigoodii ku qabsoomaan.
Xaflada lagu qabtay hudheelka imperial ee magaalada Hargaysa ee lagu
soo dhawaynayay dhalinyaradan ku soo biirta xisbigaasi waxa iyana
hadalo ka jeediyey masuuliyiin ka tirsan xibigaasi oo ay ka mid
ahayeen Xogahaya dhaqaalaha ee Kulmiye Maxamed Abdi Iskeerse ,
Gudoomiyaha gobolka Hagaysa ee kulmiye Axmed X. Abdlilahi Xamarji ,
Xoghayaha guud ee xisbiga mudane Kayse Xasan Dige , sidoo kale waxaa
xafladaasi hadali ka jeediyey madaxda ururka Dhalinyarada Somaliland
kaa soo uu ka mid ahaa gudmiyaha ururka oo la yidhaa Abdifataax
siciid jibriil isaga oo sheegay in ay hiil iyo hooba la garab
istaagi doon ururka.
Togaherer
|