Yuusuf Garaad oo ka ruqseystay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da



London (TNN): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Bartiisa facebook ayuu Yuusuf Garaad ku soo qoray warkan, wuxuuna sheegay in uu 20 sano kaddib maanta xilkaas ka ruqseystay.“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseysta y BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu howl-karsan Laantaas.

Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf Garaad waxaa uu wax ka bedelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, inkastoo ay xusid mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena ay meesha uga baxeen is-qabad ay is-qabteen Yuusuf Garaad.

Inkastoo uusan Yuusuf Garaad si cad ugu sheegin farriintiisan in uu arrimaha siyaasadda u weecday, haddana waxaa jira warar sheegaya in uu hunguri kaga jiro siyaasadda Soo maaliya oo uu weliba doonayo in uu ka mid noqdo musharrixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.


Source:HOL