Yaa
Looga Ashkatoodaa Gudoomiyaha Max kamada Sarre ee Somaliland
Maxamed Xirsi Oomane

Qoyska marxuumku uu ka tegay
Hadii aanu nahay ehelada
Marxuun Maxamed Khaliif
Axmed oo uu dilay gacan ku dhiigle
Ibraahim Jaamac Siciid markay
taariikhdu ahayd 31/03/08.
dilkaasi oo u dhacay si foolxun oo lagu dhex dilay Masaajid uu ku
tukanaayay,markii dilkaasi dhacay waxaanu soo jeedinay in lays
raaciyo maxruunka iyo ninkii dilay laakiin waxa naga horjoogasaday
oo naga qabsaday beesha aanu ka soo jeednay oo yidhi waxaynu
maraynaa nidaamka sharci ee Somaliland. Sidaa darteed waanu aqbalnay
anagoo u qaadanay inay jiraan nidaam garsoor oo cadaalad marin doona
dilkaasi foosh xun ee dhacay.
Markii ay dhamaatay saddexdii
darajo ee Maxkamaduhu taasi oo saddexda darajaba ku xukumeen dil
gacan ku dhiiglaha, oo ay marayso in Madaxweynaha loo gudbiyo si loo
fuliyo go.aanadii saddexda darajo ay gaadheen.
Maalintii ay gaadhay in sharciga la mariyo
waxa is hortaagay Gudoomiy aha
Maxakamada Sarre .
Maxamed Xirsi Oomane oo ah
nin ay isku reer yihiin
gacan-ku-dhiiglaha oo doonaya inuu nagu qasbo siidaynta
gacan-ku-dhiiglaha isagoo is hortaagay kiiskii oo soo maray 3da
darajo, ee Maxkamadaha kiiskaasi oo dhamaystiran una baahan in la
fuliyo .
Eheladii Marxuumka Maxamed Khaliif:
Sidaa darteed Haddii aanu nahay ehelda Marxuun
Maxamed Khaliif Axmed waxaanu ka cabanaynaa
cadalaada darada cad ee uu nagu
sameeyay
Gudoomiyaha Maxakamada Sarre.
Maxamed Xirsi Oomane oo
u hiilinaaya
gacan-ku-dhiiglaha kuna barbartaagan banaysiga dhiiga
islaamka isagoo ka doorbiday inuu raaco cadaalada iyo xilka loo
dhiibtay ee dadka u dhexeeya inuu noqdo nin reer wakiil ka ah kuna
gabanaya xilka iyo Maxkamada sarre ee uu hayo
Hadaba Hadii aanu nahay ehelada Marxuun Maxamed Khaliif Axmed
waxaanu ka cabanaynaa cadaalad darada cad ee uu nagu sameeyay
Gudoomiyaha Maxakamada Sarre waxaanu ogaysiinaynaa sadexda gole iyo
dadweynaha Somaliland inay ogaadaan wixii khasaare ka yimaada inay
ka masuul ka yahay Maxamed Xirsi Oomane haii aan deg deg wax looga
qaban.arintaasi
Magacyada ehelada Marxuun Maxamed Khaliif Axmed
- Walaal ka marxuunka:
C/qadir Khallif Axmed
- Xaaska Marxuunka :Safiya Cabdi Cali
- Hooyada : Xaliimo xaashi Cali
Caruurta marxuunka
- Suhayb
- Subeer
- Sakariya
- Siciid
- Faatiriin
Source:SDWO
|