Yaa la sadaalinaya inuu noqdo Guddoomiyaha cusub
ee xisbiga UDUB

Imisa xubnood baa hadal hayntu tahay inay ku beretamayaan jagadaa
kursigaa banaanaanaysa ma rka uu guddoomiyaha hadda madaxweynihii
hore MD Daahir Riyaale Kaahin uu jagadaa wareejiyo wa qtiga dhow ee
soo socda.
suura gal se ma tahay in la helo xubin soo celisa haybaddii iyo
maqaamkii uu xisbigu laha markuu no ola Alla haw naxaristee Maxamed
X. Ibrahim Cigaal waa madaxweynihii Somaliland aabaha u ahaaye.
Xisbiga UDUB isagoo ahaa aabaha axsaabta Somaliland uguna horeeyey
xisbi lagu dhawaaqo
Iyadoo taasi jirto ayaa manta la ogyahay inaan gole dhexe oo xisbigu
leeyahay aanu jirin.
Hadaba hadaynu intaa ka gudubno waa kuwama raga la sugaya.
1- MD. Axmed Yusuf Yassiin: Madaxweyne ku xigeenkii hore ee
Somaliland
2- MD. Cali Waran Cade: Wasiirkii gadiidka circa iyo hawada
3- MD. Siciid Sulub: Wasiirkii hore ee hawlaha guud
4- MD. C/laahi Maxamed Ducaale: Wasiirkii hore ee arimaha dibada
5- MD. Axmed Xussein Ciise: Akaadimi horena u ahaa xoghayaha arimaha
dibada ee Kulmiye
Inagoo diraasad qoto dheer ku samaynayna mid kasta oo barbar u
tuurayna nin jeclaysi iyo caadifa dan inkaarta qabta ee laynoogu daw
galay qabyaalada.
1- Axmed Yusuf Yasiin.
Waxaynu odhan karma waa muwaadin jecel dalkiisa iyo dadkiisa, ehel
diina ah, kana doorbida saaxiib nimada qabyaalada, dad dhex galiisu ma
badna sababtoo ah ,waa nin muxaafid ah waqti la odhan ka ro ilaa 10
sano buu siyaasada Somaliland ku soo jirey ,waxaa lagu sheega siyaasi
qunyar socod ah w uxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa , ee is
dhaaf dhaafinta iyo musuqmaasuqa aan lagu xam an jirin.
Bisayl siyaasadeed kama muuqato waa nin dhaqan ahaan suufi ah deg
degna laga yar dareemo isku soo wada xooriyoo weli nin dal hogaamin
kara uma eeka.
2- Cali Warancade.
Inkastaanu ahayn halgamayaashii dalka wax ka xoreeyey oo marmarka
qaar la odhan karo Nabad Su gidii dadka dhibi jirtey buu ahaa hadana
wixii ka dambeeyey 18 May 1991 waxaa la odhan kara waa muwaadin
dalkiisa iyo dadkiisa jecel dhexgal bulsho leh khibrad security leh
wax qabad leh bisayl siy aasadeedna ka muuqato inkastoo xantiisu
tahay wuxuu ka mid ahaa ragii dawladii MD Daahir Riyaale
madaxweynaha ka ahaa ee dadku ku dhaliili jireen musuqmaasuqa iyo
wax is dhaafin balaadhan had ana waa shaqsi arimaha uu qabanayo aan
ku deg degin si fiicana u maareeya runtii waa siyaasi hoga amin kara
qaranka Somaliland.
3- Siciid Sulub Maxamed.
Waxaa la odhan kara waa nin aan dadku aanay aqoonin intii ka
horeysey dawladii hore ee MD Daahir Riyaale ,wuxuu ka yimi qurbaha
gaar ahaan carabaha S. Arabia buu xoogsato ka ahaa, dib ula soo
n oqoshadii Somaliland dadkii soo guryo noqday buu ahaa ,xubin wasiir
firfircoon oo ay madaxweynaha aad isugu dhowyihiin buu ahaa ,ajandhe
siyaasadeed ma laha waaya aragnimo xirfada siyaasadeed na ma leh ,
qalaadaad badan oo dawlada loo tirinayey sida iibkii hantida guud
mashaariic wadooyin o o la is dhaafiyey wuxuu aad ugu suntana raggii
xanta musuqmaasuqa dul hadhsanaysey, waxa la sh eega inuu
dhaqanka
qabyaalada Somalida xariif ku yahay, ugu dambeyna kama muuqato
qaabkii hog aamin xisbi ama qaran.
4- C/laahi Maxammed Ducaale. Cabdilaahi Yare
Waa nin side u eeg xubnaha aynu hore u soo sheegnay waa nin la odhan
karo wuu ka khibrad badan yahay waanu ka tacliin roon yahay sidii
Axmed Yusuf Yasiin waa raggii fara ku tiriska ahaa
een lagu xaman
jirin isdhaafdhaafinta iyo musuqmaasuqa ,waa dhalinyaradii dibada
kaga soo biirtay halgankii
SNM , xubin fir fircoona ka ahaa dalka
markii lagu soo laabtayna la soo wada shaqeeyey madaxweyn ayaa shii oo
dhan intii uu shaqada hayey waa nin kasbaday dawladaha jaarka ah
saaxibnimadooda sida Ethiopia Djabouti iyo Kenya ilaa dalal African
badan ah taasina ay ku tusayso waaya aragnimo iyo xinkad siyaasadeed
nin leh inuu yahay laakin ay ka dhiman tahay sida muuqata arimo
dhowr ah oo gudaha looga baahan yahay .
5- Axmed Xuseen Ciise.
Waa nin dhaqanka reer galbeedka leh , oo
arimahan somalida dhaqanka u
noqday ka gudbey in bad an wuxuu ka mid ahaa xisbiga KULMIYE
, oo
weliba rukumada adag ahaa hase yeeshe fadhigii golaha dhexe ee
2009
ka qabsoomay Hargaisa ayaa galaaftay, ka dib markii xubno isbedel
doon ah oo tiro badan ka soo goosteen X. Udub, iyagoo ajandhe watay
ah in ay MD Axmed Xuseen Ciise ay ku bedel aan
MD Axmed Silaanyo ,
taasina ay shaki iyo sas ku abuurtay golihii fulinta ee Kulmiye
dabeetona ta asi ay keento kala shaki iyo kalsooni darro aakhirkiina
uu ka baxo xisbiga.
Any way md Dr. Axmed Xuseen, waa nin la odhan karo waayo arag
siyaasadeed, dhaqaale iyo xirfad shaqo intaba wuu leeyahay ,xidhiidh
dhowna wuxuu la leeyahay dowladaha reer galbeedka madaam a uu waqti
badan deganaan jirey , dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan dabeecadihii
fiicna ee shaqo wanaaga ahaa ee Cumar Carte Qalib lahaan jirey
70dii, waa nin leh , gebo gebadiina
waa nin hanan kara hogaaminimo Xisbi iyo
qaran.
Waa mahad santihiin.
La soco qaybta 2d
Cabdalle Sahal
Abdalla.FAREH@sanofi-aventis.com |
|