YAA KA MAQAN KULMIYE!--COKAAGA KU CIIL BAX-30
Ahmed Arwo
Waa bilowgii ololaha, balanku waa Jimcaha 4ta June 2010 iyo
maalintii balanka. Waa dharaar KULMIYE looga fadhiyo is-muujin.
Qaado calanka kulmiye, kana qayb gal damaashaadka ka socda maagalada
aad joogto. Waa isu-soo bax ka dhacaaya degmo kasta oo dalka ah.
Kolka taageeradu badataba waxa yaraada waxii khiyaamo iyo is-dhaafin
lagu farsamayn karo. U quus goy kuwa miciinsada musuqa iyo dheesha
xaaranta ah. Weynu badanay ee ha leys muujiyo.
Ma aha faan. Mana qabo in leys dhigto. Ma qabo in guusha dhib yari
lagu gaadho. Ma qabo in dawlad aan xakame lahyn iyo hoggaan aan
dabar lahayn si fudud looga helo tartan xalaal ah iyo doorasho xaq
ah kuna dhisan sharciyadda dalka. Waxaan qabaa in aan la seexan, la
nasan, la foojignaado, la gufeeyo doc kasta ooy ka dhantaali karaan
midnimada iyo wadajirka gobalada dalka ee ku kulmay hadhaca weyn ee
KULMIYE. Intaas oo digniin iyo dardaaran ihi igama indhosaabayaan
qulqulka bulsho ee sida xawaraha ah ugu safan ku-soo-biiridda
xisbiga KULMIYE. Waana bushaaro wacan iyo saadaal kheyr. Waa bidhaan
ifinaysa in Insha Allah wax bil ka yar dalkan iyo dadkani ay heli
doonaan himmiladii 50ka sano ay u haraadanaayeen ee ah xukuumad u
adeegta rabitaanka shacbi-weynaha, u dhego nugul dadkeeda, u naxda
maatada iyo miskiinka, hantida qaranka u isticmaasha si cadaalad ah
oo lagu dhaqaajiyo danta guud. Waa adigoo taageera oo Codkaaga siiya
isbedelka dhabta ah, waa adigoon khasaarin, lana seexan, ku ciil
baxa codkaaga oo ku hubsada KULMIYE.
Aan u leexdo sida loogu soo biiray KULMIYE, taas ood ka dheehan
karto inta ka maqan. iigama baahnid inaan kuu sheego go,aan aan
anigu kuu gaadho, waa sida madasha KULMIYE loogu soo baqoolay iyo
adigoo maankaaga ku miisaama.
Ma soo koobi karo inta war ee soo biiridda laga soo tebiyey. Waxaan
idiin sawiri intaan xusuusto een weliba is leeyahy waa dar kafadda
miisaan weyn saari doona. Soo qabo kuwa shalay oo keliya dhacay.
Waa 13 xildhibaan oo UCID iyo UDUB ugu jiray Golaha wakiilada oo ku
soo biiray KULMIYE, iyagoo ku sababeeyey inay sidan u yeeleen danta
guud iyo rabitaanka dadka ay wakiilka ka yihiin. Waa rag la socda
himmilada ciddii dooratay oon ahayn col naftooduun u shaqaysta. Waa
dhacdo aanan xaqeeda siin Karin ilaa aan warsaxafadeedkii oo dhan
halkan idinku bayaamiyo. Waxay yidhaahdeen:
"Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay
taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu.
Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan,
ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo
hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo
xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:
1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku
wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u
qaatay taliyaha bilaysku).
2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo
abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah
warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku
baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu
wargeliyey hay'adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka
soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha
firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo
jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka
codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka,
taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo
doorashadaba.
3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka,
hay'adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka
si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.
Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada
dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta,
caddaalad-darrada iyo horumar la'aantan qaranka daashatay, waxaannu
talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala
jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u
hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka
dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee
loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go'aansanay sidan:
1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;
2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;
3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;
4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;
5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay
badbaadinta jiritaanka qaranka.
6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan
goobaha codbixinta;
7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba
in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan
awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku
biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;
Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; 'Hadhowbaa la hufaaye horta waa la
hanta.'
Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga
KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:
1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID
2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB
3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID
4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB
5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID
6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB
7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID
8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB
9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB
10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB
11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID
12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID
13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.
http://www.togaherer.com/2010/06/02/13-xildhibaan-oo-ucid-iyo-udub-ah-oo-taageeradoodii-u-wareejiyay-xisbiga-kulmiye/
Waxa isna ka baxay UDUB oo Kulmiye galay Mayarkii Gobalka Hawd oo
wata 5 xubnood oo Golaha deeganka ah. Dhacdadan ayaa markhaati u ah
sida Madax/Xigeenkii ugu fashilay shirkii khrashka badani ku baxay
ee uu Baligubadle ka bilaabay ololihiisa.
1. 1. Xogahyihii UDUB ee Burco oo iska casilay xilkii UDUB,
kulmiyena ku soo biiray isaga iyo taageerayaashiisi, waana Mr: cabdi
Xasan Fuud-yucib.
2. 2. Gudoomiyihii xaafadda 26 June ee Xisbiga UDUB oo xilkii iska
casilay uu UDUB ka hayey, Kulmiyena ku soo biiray.
3. 3. Gudoomiyihii xaafadda Kood-buur ee,Hargeysa , oo xilkii iska
casilay Kulmiyena ku soo biiray.
4. 4. Ururukii Haweenka Oodweyne oo Kulmiye ku soo biiray.
5. 5. Beelweynta Gabooye oo shan xafladood Hargeysa ku qabtay ay
dhammaan ku soio biireen Kulmiye , iyagoo udbihii iyo dhigahoodii
wata.
Waa Awdal oo isbedel doon ah, rabta xukuumad horumar, cadaalad iyo
sinaan ku hawl gasha. Waxay diideen inay jeeb nin wax ku jira iyo
mas'uul magac mooyee aan anfac u lahayn ay siistaan mustaqbalkooda.
Waxay yidhaahdeen weedhahan sida warsaxafadeedka ay ku sheegeen:
Maanta Daahir rayaale madaxweyne maaha ee waa Musharraxa xisbiga
UDUB"
"Waxan Daahir Rayaale ku xusuusnaynaa laba labada qol ee uu Boorama
ka dhistay"
"Maanta reer Awdal qafiskii lagu xidhay wuu jilcay wayna ka baxayaan
"
"Siilaanyo kuma jirin kuwii Boorama soo galay, kumana jirin kuwii
kalabaydh ku laayey jidgooyada"
Sii akhri oo guji hoos:
Rayaale: Beelihii Lafdhabarta u ahaa Guulihiisa oo Dhabarka usii
Jeediyey Dahir Rayale
Tanina waa isla Awdal ee sii akhri:
http://www.togaherer.com/2010/06/01/beesha-habar-carfaan-oo-ka-digarogtay-xisbiga-udub-kuna-biiray-xibiga-kulmiye/
Dhinaca Hargeysa wey tiro beeshay, Burco hadalkeed daa, waa Burco
Galbeed Waa Waqooyiga Burco iyo Saaxil, waa Laascaanood iyo Ceeri,
Waa Caynaba iyo Oog, Waa Dila iyo Gabiiley, Waa Salal iyo Baki, Waa
Oodweyne iyo Xaaji Saalax. Waa Saaxil oo jihaaday kolkii la damcay
in waaga Soomaliland u beryey sacab lagaga qariyo. Waxa jiray
kooxihii ay hogaaminayeen Cabdilaahi Derwal iyo Sandoon, colkii ka
dambeeyey ee Yuusuf Kirix horjoogaha ka ahaa iskana casilay UDUB
kuna baaqay in loo codeeyo isbedlka iyo qaar kale oo badan. Guji
Wararkan oo sii akhri:
1. Taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE iyo khudbadihii
masuuliyiinta iyo Hoggaanka Xisbiga
2. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo khudbad u jeediyay taageerayaal
ku biiray Xisbigooda
Burco: Taageerayaal Ka Diga Rogtay Xisbiga UDUB Oo Xisbiga KULMIYE
Xaflad Ugu Qabtay Hotel Barwaaqo Ee Magaalada Burco.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=3627
CODKAAGA KU CIIL BAX. Oo u codee isbedelka dhabta ah, ha khasaarin
hana la seexan ee ka dhig mid aad ku hubsato xisbiga Kulmiye. Kow ka
dhe oo Jimcaha 4 June 2010 gobalka aad joogto iyo degmada aad
joogtaba qaado calanka Kulmiye, ka qayb gal isu-soo-baxa xisbiga oo
muuji mugga uu leeyahay isbedelku. Waa damaashaad ee la dabaaldeg
dadkaaga.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
|