Yaa Bixiyey Amarkii
Lagu Laayay Dadkii Sida Nab adgelyada Ah Isugu
Soo Baxay Sabtidii?
Inaga
oo ku jirna maalmihii ugu dambeeyay uguna fadliga badnaa bisha
bar akaysan ee Ramadan ayaa nasiib daro xukuumadda Madaxweyne Daahir
Riy aale waxa ay mar kale bilaa sabab ku daadisay dhiiga muwaadiniin
xalaal ah.
Faalo: Maxamed Cismaan Dubbe
Iyada oo Ilaahay SWT uu guud ahaanba sharfay Bani’aadamka ayaa
hadana diinteena Islaamku waxyaabaha ugu qaalisan ee ay qofka u
ilaalisay waxa ka kow ah dhiiga ama nafta, ilaa xad ay diintu
sheegtay in aan dadka aan Mus limka ahayn xitaa aan lagu dili
karin sabab la’aan.
Si kastaba ha ahaatee inaga oo ku jirna maalmihii ugu dambeeyay
uguna fad liga badnaa bisha barakaysan ee Ramadan ayaa nasiib
daro xukuumadda Ma daxweyne Daahir Riyaale waxa ay mar kale
bilaa sabab ku daadisay dhiiga muwaadiniin xalaal ah oo dareenkooda
ku muujinayay mudaharaad Salmi ah.
Sabtidii toddobaadkan ayaa qaar ka mid ah ciidanka bileyska
Somaliland waxa ay si badheedh ah xabad ula dhaceen shacbiweyne
isugu soo baxay duleedka golaha Wakiilada, iyadoo ay halkaa ku naf
waayeen ugu yaraan 2 qof halka ay ku dhaawacmeen 14 muwaadin.
Haddii aynu usoo noqono dhacdadii ugu dambeysay ee toddobaadkan
bile ysku ku laayeen muwaadiniinta ayaa su’aasha ugu muhiimsan ee ay
ilaa imika dadweynuhu isweydiinayaan waxay tahay, ciddii ka
dambeysay amarka lagu rasaaseeyay shacbiga, iyada oo bileysku
haysteen qalabkii iyo suntii loogu talo galay ka hortaga rabshadaha.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, waxa si toos ah u
bixiyay am arka lagu laayay dadweynaha, wasiirka Hawlaha Guud
,Siciid Sulub Maxamed. Iyada oo weliba ilaalada wasiir Siciid Sulub
iyo askarta Madaxtooyadu la she egay inay ahaayeen kuwa sida
tooska ah u tooganayay mudaharaadayaas ha, halka bileyska
kalena ay kor u ridayeen rasaasta, qaar kale oo bileyska ka mid
ahina waxay la kadeednaayeen sida loo isticmaalo qalabka lagaga
hortago rabashadaha, taas oo qaarkood ay isku dhaawaceen qalabkii ay
iyagu wateen. Guud ahaan ciidankii maalintaa ka qayb qaatay ka
hortaga mudaharaadka ayaa waxa ay intooda badani kasoo jeedeen
gobolada Awdal, Sool iyo Galbeedka Burco, kuwaas oo wakhtigan uu
Madaxweyne Riyaale u adeegsado ku garaacida xisbiyada mucaaridka ah
iyo taageerayaashooda.
Wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa dadka falanqeeya siyaasada
Som aliland waxa ay ugu yeedhaan “Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda
Madaxweyne Daahir Riyaale”, waxana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay
wasiirada ugu dhow dhow Daahir Riyaale ee siiya talada ugu dambeysa
go’aan kasta oo la gaadhayo. Taas oo guddoomiyaha xisbiga UCID,
Faysal Cali Waraabe uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Wasiirada
Xukuumadda Riyaale inay masuul ka yihi in rabshadihii dhacay,
maadaama, buu yidhi, uu Madaxweynuhu ka noqday go’aankii lagu
furayay Golaha wakiilada, sababtoo ah go’aan khaldan oo saac
idihii ugu dambeeyay ay siiyeen wasiiradaasi.
Inkastoo aanu guddoomiye Faysal sheegin magacyada wasiiradaasi
hadana waxa la iska wada ogyahay inuu kow ka yahay wasiir Siciid
Sulub iyo Wasiirka Maaliyada, Cawil Cali Ducaale oo lagu naaneyso
“dhabta libaaxa” ahna ninka haya furaha khasnadaha laga soo saaro
lacagta la siiyo askarta ka qayb qaa data ka hortaga
mudaharaadyada ee hadana marka dambe dadka ku shiish barta.
Si kastaba ha ahaatee wasiir Siciid Sulub ayaa lagu xusuustaa
dhacdadii afar sano ka hor ay ilaaladiisu ku laayeen dadweyne dhul
ku muransanaa xaafada Shacabka Hargeysa, iyo weliba dhacdadii kale
ee uu ku tilmaamay beel ka mid ah beelaha Hargeysa “Nuux Ismaaciil”
oo kusoo biiraysay xisbiga Kulmiye, oo uu ku sheegay inay mudaharaad
samaynayeen kaddib markii ay xafladoodii ku qabsadeen barxada Hotel
Crown ee magaalada Hargeysa, markii ay xukuu maddu u diiday in
laga kireeyo Hudheelada.
Guntii iyo gabagabadii,
Madaxweyne Riyaale ayaa shacbiga reer Somaliland waxay ka
tirsanayeen dhibaatooyin fara badan laga soo bilaabo sanadkii
1988-kii oo uu magaalada Berbera ka ahaa madaxii NSS-ta “oo qayb
libaax ka qaadatay xasuuqii lagula kacay shacbiga Somaliland”,
xiligaas oo dadweyne aan waxba galabsan lagu xasuuqay magaalada
Berbera, la sheegay inuu ka mid ahaa madaxdii bixisay amarka
dadkaasi lagu laayay, sida ay Raaqiya Om
ar ku qortay buugeeda lagu magacaabo “dawlad
dadkeedii dagaal kula jirta” oo ay qortay xiligii ay u
shaqaynaysay hay’ada African Watch.
Inkasta oo ay buuga ay qortay
Raaqiya Omar uu si toos ah ula
xidhiidhiyay Daahir Riyaale xasuuqaasi
, ayaa hadana waxa jira in odayaal kasoo jeeda gobolka Saaxil, gaar
ahaan magaalada Berbera, ay beeniyeen warkaasi, iya goo ku tilmaamay
Daahir Riyaale inuu wakhtigaasi ahaa nin badbaadiyay dad badan oo ay
xukuumaddii Siyaad Bare doonaysay inay layso, iyagoo dhanka kalena
odayaashaasi sheegay inuu Daahir Riyaale ahaa nin si wanaagsan dadka
reer Berber ala dhaqmi jiray.
Si kastaba ha ahaatee marka la eego sida dimuqraadiyada ka fog ee ay
xuk uumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqanto, xisbiyada mucaaridka,
saxaa fada madaxa banaan, arrimaha doorashooyinka iyo
mudaharaadayaasha ayaa waxa calaamatul su’aal ay saaraysaa xaqiiqada
dimuqraadiyada uu ma rkasta ku faano Madaxweyne Riyaale.
Qalinkii:
Maxamed Cismaan Dubbe
Hargeisa/Somaliland |
|