Ya
Ku Guulaystay Tartankii Gaabayada Nabada Ee Somaliland?

Burco (TNN) Taratanka gabayada nadaba ee Gobolada somaliland ayaa
habaynkii xalay ahaa la so oaf jaray, tartankaas oo lagu qabtay
Gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, waxaana halkaas lagu
kala saaray seddexda gobola ee isugu soo hadhay, isla markaana waxaa
la soo ban dhigay cida ku guulaysatay kaalinta koobaad, labaad iyo
seddexadaad.
Abwaanada ma talaayey gobolada dalka ayaa ahaa kuwo aad u da’a yar,
isla markaana si weyn ugu heelan habaynta iyo isku duba ridka fanka
iyo suugaanta soomaaliyeed.
Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey urur lagu magacaabo The Horn
Democracy, oo sanad kasta qabta wareeg lagu tar tarnsiiyo gabayada
iyo suugaanta uu leeyahay dalka somaliland.
Ugu horayn waxaa halkaasi hadlo dheer ka jeediyey gudoomiyaha ururka
Mr Maxamuud Cirro, waxaanu in badan amaan u jeediyey cidii soo
qaban-qaabisay, isla markaana suura galisay in tartanku uu ka dhaco
magaalada Burco, waxaanu amaan u soo jeediyey Naadi ga Hal-karaan
Readers Club, uruka wadaniga ah ee SOYVO iyo masuuliyin kale oo aad
u tiro badan.
Gudoomiya ayaa xusay inay tartanka ka qaybgali doonaan guud ahan
goboda dalka marka laga reebe gobolka Sool, isagoo ka cudurdartay
inaanay soo gadhsiin waraaqaha oglansha ee gobolka Sool loo soo
gudbinayey ka hor tartanka heer gobol, tasina uu ku tilmamay nasiib
daro balse uu rajaynayo inuu gobolka Sool ka soo qayb gali doono
sanadka danbe hadii Alle idmo.
Sidoo kale waxa madash ku sugnaa abwano ruug cadaaya oo ka caana
gayiga somaliyeed, gaar ahaan Somaliland oo ay kamid ahaayenn ,
Abwaan Axmed Awgeedi (Dheeraad), Abwaan Cisman Ibraahin Warsame oo
loo yaqano Hure Walan Wal, Abwaan Salebban Baashe, iyo abwano aad u
tiro badnaa kuwas ooo iyagu ka aha garsooreyal kala sareyey
tartamayasha.
Xaflada ayaa ku bilaabmtay xamaasad iyo sacab loo tumayey
tartamayasha marka lagu soo dhaweyo madashay uu soo bandhigayeen
gabayadooda .
Ka dib markii ay soo bandhigeen abwanada tartamayey gabayadooda ayaa
waxaa qadar wakhtiya la siiyey garsoorayaasha oo qol ka mida hotelka,
kaas oo ay ku soo kala saarayaan cida ku guulaystay kaalmaha koowaad,
labaad iyo seddexaad.
Intii ay garsoo rayshu maqnaayey aya dadweynihii loo qabtay
bakhtiyanasiib, googaalaysi, su’aalo iyo aqon isweydaarsi.
Waxaa la gaadhay wakhtigii ay garsoorayashu ku dhaawaqi lahayeen
gobolka ku guulaystay tartanka gabayada nabada ee sanadka 2010
Waxaana madasha kaga dhawaaqay gudoomiyaha ururka soo qabanqabiyey,
waxaana kaal mahaas galay seddex gobo lee hoos ku xusan.
1. kaalinta koowaad waxa ku gulaystay
gobolka Saaxil oo u matalayey abwaanka da’da yar Cabdi Gaydh Cali.
2. kalinta labaad waxa ku gulaystay
gobolka awdal oo uu matalayey Abwaan Maxamed Budin.
3. Kaalinta sadexaad waxa ku gulaystay
gobolka Togdheer oo matalayey abwaan Cabdi Nuur Cawil Xaashi
Sahra Moh’ed Ali (Sahra Ladan)
Timacade News Network (TNN)
nance_143@hotmail.com
Burco /Somaliland
|