Xusuus Baa Geela Lagu Xero Geeyaa

 

Ujeedada qormadani waa xasuusin dhibaatadii aynu u soo marnay in aynu ka xorowno (Xunyow Xunku dhalay). Waxaad moodaa in wixii inoo gacan hadiyaba la isaka raacayo. 60kii waxaa aynu la jiboonay Somali waynimo oo xadhkihii aynu isku xidhxidhnay ilaa iyo imka ayaa la furfuri kari la yahay. Imikan wixii yidhaa Yaa Muslim ayeynu isu dhhibaynaa. Xitaa haddii ay ku socdan in ay aqalkaaga dab qabsiiyaan gaasta iyo kabriidka ayeynu u qaadaynaa.

Waxaa dhicikarta in aanad ku kalsoonayn maamulka hada jira ama aanad ku qanacsanayan sida loo maamulo Somaliland. Waxaa kale oo dhici karta in aanay kuu muuqan sidii aad jaranjaradii aad u karo lahay siyaasadu ama aad ka rajo xuntahay xisbiga aad ka midka tahay.

Laakin waxaa mihiim ah in aanad jiritaanka iyo halganka loogu jiro gooni isu taga Somaliland anaad waxyeelo u gaysan waa haddii and wadani tahay. Waayo lama huraa waa caws jiilaal. Maha in aad gacantaada isku baabiso. Ama aad iskula kacdo waxa loo yaqaan “ Political suicide “ waxaa lagu macneeyaa suicide ama isdilku in uu yahay “ Permanente solution for temporary problem”. Godob ha ka galin dalkaaga iyo dadkaaga adna ha is khiyaameen.
Aniga oo aan rabin in aan ka tago qaybo halgeenka kamida hadana waxaan ogahay in aanan qormadan ku soo koobi Karin. Waxaanse rabaa in aan idiin xasuusiyo magaalada Hargaysa noloshu cayka ay ahaay dhamaadakii 80kii.

Marka hore waa ayaandaro in aan la xusin ama la is xasuusin ardaydii ku dhimatay dhagaxtuurkii 20ka February 1982 ama shacuurtii dad waynaha reer Somaliland kicisay ee tidhi xumaha ka gilgilsah oo mudan xus iyo maamusba. Waxaa lagu wada mashquul yahay siyaasad iyo elegshanka iyo reer dhagax baa ku biiray xisbi. Waxaan jeclaanlahaa in aan umada reer Somaliland waydiiyo subabta ay u dhinteen ardaydii iyo dadkii afartan afartan tiirka lagu xidhay?

Ma xasuusan tahay makii waxbarashada lagala dagaalamay ee inta wixii macalimiin waxgaradka ahayd loo badalay Muqdisho lana keenay macalimiin yaryar oo qaarkaood dhamaysan dugsiga sare ee loo bixiyey qirin qir. Mase axasuusan tahay markii aad ku dhigan jirtay afka ingirisiga contoroban.

Ma xasuusan tahay markii aad laaluushak bixinjirtal si aad u gasho jaamacad ama aanad xor u ahayn in aad barato madadii aad jecelayd ee aad waliba abaalka ku qabtay in aad Talyaani wax ku dhigato.

Ma xasuusan tahay markii waxgaradkii la xidhxidhay ee badhna firdhadeen ee reer walba xoogiisi didbada tagay ee A’boogu dalka u soo hadhay. Miyaadse ilawday laalushkii aad bixisay si aad baasabor u qaadato.

Ma xasuusan tahay markii odoyashaa magalaada in ta la uruuriyo loogu u hajabijiar Birjeex si ay u soo qabqabtaan dhalinyaradii talowday. Miyaadse ilowday sidii ba’anayd ee sharfta iyo maamusak odayaasheenu lahaayeen inta laga xayuubiyey ay baryo iyo laalush la hor tumnan jireen wasaradaha si ay u codsadaan wax ay xaq u lahaayeen.

Ma xasuusan tahay markii habeenka oo laba ah inta xafadah la baadho laadka ay askartii Morgan ama Gaani ku furijireen albaabada ee carurtay iyo matada la gilgili jiray ee aanad awood u lahayn in aad tidhaa dumar baa hurda ee nasuga intay wax gashanayaan. Waxaan qabaa in aynu ka xumaano marka anynu aragno sawirada laga soo qabtay askarta American ahayd iyagoo habeen madow ku soo gudaya xaafadaha Iraqiyiinta.

Ma xasuusan tahay in Hargaysi mugdi ahay oo hadana maalinta 21 October 24 sacadoo uu shidnaan jiray laydhku. Waxaa Hargaysa mugdiga ka dhigay muu ahay in aanay warshad lahayn laakiinse ay ahayd cadadis lagu mujinayo cida ka talisa.

Ma xasuusan tahay adigoo lacag haysat in aanad Aqal laba dabaq kabadan laguu ogolayn in aad dhisato.

Ma xasuusan tahay Isaaq-magayo baaburkii looyaqaanay masa ilowday warqada dhaqdhaqaaqa. Waxyaabah anaan ilaawi karin waxaa ka mid ah in dadka reer Hargaysa loo diiday in ay gaadhiyaashooda ku kaxaystaan magalada gudaheed, dibadeedana reeb adoo inta aad laalush bixiso waliba baryo ku darto mooyaane.

Ma xasuusan tahay hoonkii laguu yeedhin jiray 5ta galabnimo ee qof walba halka ay uugu dhacdo seexan jiray. Moorgan ayaa ku soo rogay dadka reer Hargaysa wax looyaqaano bando. Xukunkaa oo ahaa mid amarkutaaglaysi ah ayaa ujeedadiisu ayahad qadarjabin.

Tusaale ahaan haddii lagu qabto wixii ka danbeeya 5ta waxaa lagugu qaadijiary sharci la odhanjiray seexan waa. Dadka la xidhayaa may kala lahayn dumar, carur, dhalinyaro, oday reer u taliya ama mid caaqil ah. Waxaa dadka loo taxaabijiar Birjeex marka uu waagu baryo ayaa ehelkiisu ku soo furan jireen lacag. Seexan Waaga waxaa kale lala tiigsanjiray aqalada la arko in uu iftiin ka baxayo. Miyaad ilowday inta umul isku go’day , miyaad ilowday inta ay ku qabsatay in ay diran kari wayaan qaylo doon iyadoo geeri ku habsatay.

Ma xasuusan tahay in aanad xoriyad u lahayn in aad radiyowga aad donto dhagasto oo mararka qaar BBCdu ka mid ahayd kuwa la mamnuucay. Mase xasuusan tahay markii farxada qof waliba uu sugo oo ah Aroos lagug qasbay in aad 2da duhurnimo aqal gasho.

Ma xasuusan tahay markii hoyada doonaysa in ay war u dirto inankeeda ama inanteed dibada ku maqan lagu qasbay in cajaladii ay duubtay ee arimo xaasaasi ah oo famali ku saabsan ay kaga hadlayso ay nabad-sugida gayso si wiil yar oo meel uu ka yimid la aqooni u dhagayso si loogu fasaxo in ay dirikarto iyo in kale.

Ma xasuusan tahay sidii laguu gumasan jiray mark ay wax kaaga xanibmaan Dekada Berbera. Miyaadse ilowday laalushkii xaqdarada ahaa ee tallabo kasta lagaaga qaadi jiray. Laalushka waxaa loo yaqaanay howl fufudeen waxaana lagu dhisijiray Muqdisho. Dhibaatooyinka la soo darsi jiray bayacmushtariga waxaa ka mid ahaa iyadoo xafiisyada dowladu khasab kaga amaanhan jiray badeecada iyoga oo aan ku tallogalin in ay bixiyaan.

Ma xasuusan tahay in qofkii dill lalatiigsado ehelkiisu aanu awood u lahaan jirin inuu muujiyo murugo. Miyaad ilawday heesihii laynoo samayey ee ay ka mid ahaayeen Samadiidow Dabin Baa kuu xidhan.

Ma xasuusan tahay boqolaalkii kun ee ku qudhwaayey habqankii dagaalkii lagu qaaday dadkii rayid ka ee reer Somaliland. Ficilkan noocan ah waxaa looga yaqaanaa aduunka Ethnic Cleansing ama Genocide.

Dhacdooyinkan kor ku xusan waxaa la odhankaraa waa farta cidideeda marka laga hadlaayo wixii loo gaystay reer Somaliland. Haddaba waxaa is way diin leh reer Somaliland ilowshiyo dhawaa ma umul baa?

Waxaa la yaableh haddii aanad xusuusan wixii ku soo maray ayey kula tahay in ay ku xasuusiyaan. In la xasuusto dadkii u soo halgamay gobonomada reer Somilland maha mid wax loola jeedo in laga sheeganayo Somaliliand qofna oo waxaan qabaa dulimiga loo gaystay Somaliland gaar ahaan xaga dhaqaale iyo horumarba waa mid wada saamaysay dalkoo dhan. Taariikhda iyo halgankii la soo maray waa mid marwalba sal u ah sababta keentay gooni isu taiga Somaliland.

Aad baynu ugu degdegnaa in aynu u muujino walaaltinimada inaga dhaxaysa dadka reer Somaliya.

Hadaba tusmadan ila eega: Walaalkaa oo inta aad tidh darbiga u dhaxeeya labadeena aqal aynu burburino oo caruurtaadu waa sida kuwayga. OO maalkayga ila wadaag isku magacna aynu noqono, cadowgaagu waa cawgayga. Oo waxaan hayab hoo. Oo ku yidhi hor ta maad aqalkayga u soo guurtida, kaygaa kaa waayne oo aynu labada aqalba xagaa ka maamulno oo aad tidh haye iyo gudoon. Oo intuu xoogsaday kobcintii iyo horumarkiiba caruurtada la dagaalamay ood waliba leedahay waa walalakay. Oo caruurtiisi ku naxnaxday xoolahagi oo tidhi waxba maha walaal ee adaa wayne inoo talli adogoo og in aad ka wayn tahay. Oo bilaabay in uu kala qayb qaybiyo caruurtada oo uu qaar soo dhawaysto. Deedna caruurtada badh laayey, badh gumaystay, badh xidhxidhay intii soo hadhayna dab ku qabtay. Su’aashaydu waa side baad wali walaal u odhankar?

Xaqiiqadu waxaa ay tahay in aan Somaliland lahayn cadow aan Walaalkeed ahayn. Taa waxaan ku caadaynkaraa haddii ay rumaysan yihiin walaaltino sidee bay ku dhacday in uu 2ga noqdo Maslax Maxamed Siyaad Bare ama uu isa soo sharaxaba? Sedee bay ku dhacday in ilaa hada Morgan ka mid yahay dawladaha ay soo dhistaan? Waxay tani la mid tahay iyadoo Germany ay Ina Hitler iyo mid uu sodoga u ahaa ay u soo sharaxaan madaxwaynenimo. Masladan micnaheedu ma waxaa weeye “Walaalkeen Somaliya” wali ma rumaysna wixii uu ku sameeyes Walaalkii Somaliland. Waa la hayaa dad badan oo dafirsan in “ Holocaust” waxaa la yidhaa dhacaday.

Waxaan taa u leeyahay dhawaaqii ugu horeeyey ee ka soo baxa SH Shari dawladiisay hore in uu noqdo in ay sanabka nabada ee Somaliland caabudayso ay ka soo burburinaynaa. Sidebay ku dhacday in al-shabaab soo atakto Somaliland? Maxayse markasta u magacaabaan qof aan matalin reer Somaliland?

Haddii aan u soo noqdo bulshada reer Somaliya marka aad istidhaa u sharax sababta keentay goni isutaga Somaliland sidii oo aad moodo in macalin kaliya umariyey jawaabta waxa is barbardhigaan Somaliland iyo Majeerteeniya oo micnaheedu tayah waa laydinla qabaa dhibatada. Marka ay ka hadlayaan dawlad nimo ama dagaalada dalka soo maray waxaa kaliya ee ay ka xasuusan yihiin waa dagaalkii 1991ka Muqdisho. Taasina waxaa ay tusmaynaysaa in aan reer Somaliland iyo Somaliya isku taariikh ahayn.

Inkas to aan aminsanahay magan-galyada dad qaxootiya haddana haddii ninka aad kabihisa tolayso haddii uu kafantaada tolaayo waa mid aad u adag.

Waxaa aan odhan lahaa qofkii reer Somaliland ah ee u hanqal taagaya in aad ka mid noqoto Somaliya waxaad ogaataa in Somaliland demuqaradiyada ku dhaqanto oo aad xor u tahay in aad meesha doonto ka soo jeedsan karto. Somaliland way ka maarmi karto nin am laba,ama boqolba laakiin xusuuso waxaa loo soo maray halka manta la joogo. Ogowna albaabkaa furan in uu mar xidhmay.

Waxaan reer Somaliland odhanayaa lax waliba haka ay isdhigto ayaa lugu qalaa. Haddii Somaliland cududeeda malateri laga baqayo ila maha in cidina ku dhici lahayd in Maslax Siyaad Bari banka isa soo dhigi laha. Somaliland ama waxay noqon meel dadku kala soocan yahay oo la qiimeyo Somalilandnomadu waxaay tahay ama waxay noqon doona “No Man’s Land” u furan cidkasta iyadoo wax lagu xidhaa jirin.

Somaliland waxay noqon dal Qaranimo ama Qabyalad ku dhisan.
Somaliland waa dal cadow ku wareegsan yahay taa waxaan uga jeeda dalalka jaarka ee aynu u naqaan saaxiibka iyo kuwa kale toona diyaar uma aha in ay aqoonsadaan Somliland. Sidaa awgeed waa in ay awood difaac oo laga baqo lahaataa. Waa in yar iyo wayn arday, shaqaale, dumar, rag, iyo mushtamaca gabi ahaaneed tabarbar ciidan lahaanaa oo lacag la galiiyaa Ciidamada qalabka sida. Waa in la dhisaa ciidan xoog leh oo u babacdhigi kara awood kasta.

Beesh reer dacar ama reer dhagax baa ku biiray xisbi ama gudoomeye hebel ayaa reer qudhac la shiray waa wax laga khajilo in lagu faano. Wadaniyadu waa in ay marwallba ka horaysaa xisbiga. Waxaa wax ka badili kara marin habaabinta ku salaysan qabyaaladu waa dhalin yarada. Markaan dhaliyaro leeyahay waxaan u jeedaa 15-35 dhalin yaro ayaa dalka xoraysay oo u dhimatay haddii manta Somaliland la soo ataago cida difacay saa ma aha Odayasha Guurtida ee waa dhalinyarada.

Waxaan qormada ku soo gunanadayaa.


Qof lagu  seexdow ha seexan hawl baad sidaaye ha seexan
 

 

 

 


By: Sucaad  Carmiyeh