Xuskii 18-ka May iyo dabaaldaggii West London
Somaliland Community
 


London (TNN)-Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community ayaa maalintii Sabtida ee bishan May ahayd 22-ka ku qabtay, xaafada Hayes ee galbeedka magaalada London, mun aasibad balaadhan oo loogu dabaaldagayey sanadguuraha 19-naad ee lasoo noqoshada  mad axbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Munaasibadan oo aan wax lacag ah lagu galeyn, oo ay ka soo qayb galeen tiro ka badan 400 oo qof oo iskugu jiray dhalinyaro, caruur, waayeel iyo masuuliyiinba.

Munaasibad waxa lagu furay Aayado Quraanka ah oo uu Madasha ka akriyey Khadiir Ahmed, ka dib Gudoomiyaha urur Jaaliyadeedka Mohamed Muse Cali ayaa ereyo soo dhawayn iyo  ma hadnaq isugu jiray u soo jeediyey dadweynihii kasoo qayb galay dabaaldega.

Barmaamijka xuskani wuxu iskugu jiray bandhigga amma ka hadalka taariikhda Somaliland iyo geedi socodkeeda, bandhigga horumarka iyo doorka ay qurba joogta Britain ay ka ciyaaraan iyo dabcan murti iyo maaweelo lagu xusayay maalintan qaaliga ah. Waxa jaaliyada Somaliland ee galbeedka London munaasibadan kalasoo qayb galay oo la dabaaldagay Mayor ku xigeen-ka magaalada London Richard Barnes, Mayor-ka iyo Mayor ku xigeenka dagmada Hillingdon David Yarrow iyo Rita Kilroy, xildhibaanka barlamanka (MP) ee xaafada Hayes & Harlington John McDonnell, Saraakiil police-ka dagmada Hillingdon ka tirsan oo uu horkacayey Chief  Insp ector Kalil Qasim iyo waliba Toby Kenyon oo ah oday Walsh ah oo u olaleeya qadiyada  Somali land oo munaasibada xuska uga yimi ilaa iyo waqooyiga Wales. Martidani dhammaantood  wa xay munaasibada ka jeediyeen hadalo iskugu jiray mahadnaq, hambalyo iyo taageero ay u hayaan qadiyada Somaliland iyo in xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya Britain iyo  Somalil and wax laga badalo oo ay UK door firfircoon ka qaadato dib u aqoonsiga Somaliland.

Waxa iyaguna ka hadlay munaasibada oo qaybo kala duwan oo taariikhda Somaliland ku  saab san ka waramay Safiirka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya magaalada London mudane Aden Musse Jibril, Sheikh Maxamuud Dalmar, Aden Warsame iyo Xuseen Ahmed Caydiid. Dhanka  ka lena waxa ereyo kooban oo dar-daaran iyo goobaabin iskugu jira dadka u jeediyay safiirka  S omaliland u qaabilsan dalka Ireland mudane Abdifataax Axmed Saciid oo dadka ku gobaabiyay inay midoobaan oo ayna xisbiyadu kala kaxaynin. Waxa kaloo isna ka hadlay gudoomiyaha  S SUK (Somaliland Society UK) Ahmed Dahir oo tilmaamay muhiimada ay leedahay inay ururada reer Somaliland wada shaqeeyaan si danta guud looga wada shaqeeyo oo markaa guul loo gaadho.

Intaa ka dib waxa lagusoo bandhigay munaasibada riwaayad ay matalayeen caruur iyo dad w awayni oo magaceedana la yidhahdo “Diversity at School” (kala gadisanaanta ka jirta skuul ka). Riwaayadaas oo dadka reer Somaliland ee kasoo xaadiray munaasibada u gudbinaysay fariin ah in ahaan-shaha Somalilander-nimmo ay qayb ka tahay kala gadisanaanta (diversity) mushtamaca Britain oo ay tahay markaa inay la wadaagaan mushtamaca meel walbooy  joog aan. Waxa kaloo dadku aad u xiiseeyeen innan yar oo 9 jir ah (Xamda Cige) oo fasaxii ay  So maliland ku tagtay ka warantay oo tilmaamtay sida Somaliland uga gadisan tahay Somalia iyo siday ugasoo heshay.

Ayan Maxamud Cashuur ayaa iyaduna munaasibada kusoo bandhigtay documentary ku  saab san Mooge Festival oo ururka Keyd ku sameeyay caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee  Har geisa. Ayan waxay ka warantay ujeedada ay u hindistay Festival-kan iyo waxyaabaha uu u tari karo bulshada dalka Somaliland. Waxay dadkii munaasibada fadhiyay u wada sare kaceen heestii calanka Somaliland (Somaliland National Anthem) oo hablo iyo inamo ku luuqaynayaan kuna jirtay Mooge Festival filim-kiisa.

Murti iyo maaweelo ayaa sidoo kale munaasibada dabaaldaga 18-ka May lagusoo bandhigay. Abwaanada Caasha Luul Yusuf ayaa gabay duco iyo dhiiri galin iskugu jira dadka la  wadaag tay, isna sidoo kale abwaan faysal Aw-Cabdi Cambalaash ayaa gabay munaasibada ku  saab san tiriyay. Abwaanka Weyne Cali seenyo ayaa isna gabay jacbur qosol badan tiriyey.

Munaasibada waxa kaloo koob (trophy) lagu gudoonsiiyay kooxda kubada cagta (U17’s) ee West London Somaliland Community oo ku guulaystay tartan ay ka qayb qaateen oo la  yidha hdo West London Grassroots’ League. Tartankan waxa ka waramay Khadra Yusuf oo ah  gab adh dhalin yaro ah oo Somalilander ah isla markaana si dhaw iskula shaqeeyaan urur  jaaliyad eedka, hindisaha tartankana lahayd. Khadra heer sare ayeey ka gaadhay horumarinta  ciyaa raha siiba xagga kubada oo ay hablo iyo inamo-ba ururkeeda ICAN ku taba-barta, waxayna hawlahaa ay qabatay ku heshay abaal marino kala gadisan. Khadra waxay xubin ka tahay imika gudida u olalaysa dalka England in koobka aduunka ee 2018-ka lagu qabto. Koobka  wa xa kooxda West London Somaliland Community gudoonsiiyay Chief Inspector Kalil Qasim.

Waxa munaasibada ka maqneyn heesihii iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo si gurux badan loogu jimicsaday. Koox hablo ah oo jaaliyada West London Somaliland Community ka mid ah oo midabada calanka Somaliland ku labisan ayaa ciyaaro hide iyo dhaqan dadkii kaga  murqaa nsiiyay oo markii dambe lala wada booday. Iyaguna fanaaniintii oo kala ah Anab Ismail, Fuad Cumar Yare, Nimo Dagan iyo Abdikariim Raas ayaa qaybtoodii si mug leh uga qaatay.

Qaybta kalee ku cusbeyd xuska 18-ka May ee Ingiriiska waxay ahayd markii Mayor-ka dagm ada Hillingdon lagu sharfay innuu gooyo keeg (cake) lagu xusayo sanadguurada 19-naad ee qaranka Somaliland oo markaa dusha lagaga sameeyay midabada calanka Jamhuuriyada  Som aliland laguna qoray kalmado tilmaamaya sanadguuraha 19-naad ee Somaliland. Mayor-ku markii uu keega gooyay ayaa sacab iyo mashxarad lagu dhuftay, dabadeedna dadkii ku  hare eraysnaa afuufeen 19-kii qori ee dabku ka baxayay ee ka dul taagnaa keega.

Munaasibadani waxay muujisay in xuska 18-ka May loo xusi karo si sharaf iyo maamus leh  lo ona adeegsan karo faafinta qadiyada iyo ahaanshaha Somaliland-nimmo iyadoo lala  wadaag ayo dadwaynaha dalkan lala daganyahay ee kala noocaa.



West London Somaliland Community

wlondonsomalilanders@gmail.com