Ogaysiis: Umad waliba taariikh lee waa xuskii 19-naad ee dib ulla soo noqoshada madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland iyo West London Somaliland Community
 

 

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu kuugu bushaaraynayaa innuu qaban-qaabin doonoo sanadguuradii 19-naad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ay lasoo noqotay madax-banaanideeda.



Madaama ujeedadii xuska 18-ka May aad moodo inay u beedhay qaadhaan uruurin iyo tumasho oo kaliya, wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community go’aansaday in laga bilaabo  sa nadkan, munaasibada xuska 18-ka May ay noqoto munaasibad bilaash ah oo wax lacag ah lagusoo galin.



Munaasibadan waxaad kala kulmi doonta dad taariikh yahan ah amma kuwo usoo joogay qaybo ka  mid ah taariikhda Somaliland oo markaa uga faa’ideeya da yarta iyo cid walbo ay ka maqantahay taariikhda Somaliland. Sidoo kale wuxu urur jaaliyadeedku idiinsoo bandhiggi doonaa wax qabadka ururada qurba joogta reer Somaliland ee ku hawlan arriimaha dib-udhiska iyo horumarintu  waxyaab aha ay qabteen si markaa da yarta Somalilanders-ku ay ku dhiiradaan inay iyaguna dalkooda wax u qabtaan kuna faanaan.



Waxa kaloo munaasibada aad ka helli doontaa maaweelo iskugu jirta jilid, ciyaaro iyo heeso. Waxa munaasibada inagalasoo qayb galli doona xildhibaano, Mayor-ro iyo ururada bulshada ee xaafadaha galbeedka London si aynu isku muujino haddii aynu nahay jaaliyada reer Somaliland. Waxa kaloo  ina galasoo qayb galli doonaa fanaaniinta reer Somaliland ee dagan London.



Sidaa daraadeed waxaanu idinku marti qaadaynaa inaad si buuxda ugasoo qayb gashaan  munaasib a dan xuska 18-ka May oo aanu xusi doono: Sabtida bisha May tahay 22-ka, kana dhici doonta  Rose dale College, Wood End Green Road, Hayes, UB3 3SE.

Madaama barmaamijku badan yahay, munaasibadu waxay bilaabmi doontaa 2-da galabnimo waxaa na la gaba gabeen doona 9.00 habeenimo.

Fadlan wakhtiga soo ilaaliya sidaad ulla socotaan barmaaijka qaybihiisa kala duwan.



Ha moogaan oo haka maqnaan.



Gudida qaban qaabada xuska 18-ka May

West London Somaliland Community

Tel: 0208 848 1180 / 07957758340 / 07983412173