Xuska maalintii Dhagaxtuurka UFFO oo lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa iyo khudbadihii ay ka jeediyeen madashaasi masuuliyiintii ka soo qayb galay.

 



Xuskan oo maanta lagu qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa.....



Hargeysa (TNN)-Xuskan oo maanta lagu qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Ha rgeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye, Guddoomiyaha Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Masuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Jaamac Hurre, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka socday Xisbiga UDUB, Guddoomiyaha Daladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO Axmed Cabdi Wacays, Dhalinyaro kala duwan iyo Ardey ka kala socotay Dugsiyada kala duwan ee ku yaala Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan lagu xusayey Maalintii dhagaxtuurka ee Dhalinyarada lagu xidh xidhay wakhtigii Siyaad Barre, taas oo lagu asteeyey in ay tahay maalinta Dhalinyarada Somaliland ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Axmed Cabdi Wacays isaga oo xusay in ay maalintani qiime weyn ugu fadhido Somaliland, waxaanu dhalinyara da ku dhiirigeliyey inay sidii Dhalinyaradii wakhtigaasi u sameeyeen waxtar taariikhda galay ay u sameeyeen, waxaana Guddoomiyaha Hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxa aynu xusaynaa maalintii Dhalinyarada UFFO ay sameeyeen dhagaxtuurkii, waxaanay inoo tahay farxad weyn in aynu maanta xusno maalintaasi qiimaha lahayd,waxaanan halkan tacsi uga dirayaa Marxuumkii maalintaasi ku geeriyooday aniga oo ILAAHEY uga baryaya in u Naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka halkaasi ku geeriyooday kuna shihiiday.

Marwadii Madaxweynihii Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo iyana halkaasi ka hadashay, kana mid ahayd Dhalinyaradii wakhtigaasi ku jirtay dhagax tuurka ayaa waxa ay ka warantay qiimaha ay leedahay maalintani, iyada oo sidoo kalena ugu baaqday dadka ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland ay qaataan Nabada iyo horumarka Dalka, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Maalintan aynu xusayno oo ah maalin xusuus mudan,waxaanan aad ugu faraxsanahay xuska maalintan, dadkeena ku dhaqan Bariga ee shaqaaqada wadana waxaan ugu baaqayaa in ay nabada qaataan si aynu horumar u gaadhno, waxaanan leeyahay Abtiyaash ay aniga Abtibay ii yihiin waxa ka soo jeeda kuwii ay Hooyaday Ilmaadeerka ahaayeen, waxaan an leeyahay abtiyaal aynu nabada qaadano”.
Guddoomiye ku xigeenka UCID Aadan Jaamac Hurre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeey ey muhiimada ay Qaranka u leedahay Maalintani.

Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maalintani qiimaha ay leed ahay waxaanu sidoo kale ka waramay maalintani sida uu u xusuusto, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maalintani waxa ay ahayd maalin xusuus badan, waxaanan xusuustaa maalintaasi oo aan ahayd mid xusuus mudan”.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka wara may maalintan iyo qiimaha ay Dhalinyarada Somaliland u leedahay..

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi X. Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladisii ka mid ahaa “Maalintan aynu joogno oo ah maalin xusuus badan oo Qaranka Somaliland aad ugu xusuus bada n, xuska maalintan in aanu u aqoonsano maalinta Dhalinyarada Somaliland waanu wadnaa qorsha heedii oo waxaanu ku han weynahanay in Goleyaasha Sharci dejint u gudbino wakhtiyada soo socda”.
20 – Febraayo oo maalin ku xusan bilawga kacdoonkii lagaga soo horjeeday Hogaankii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, ka dib markii ay Dhalinyaradii UFFO bilaabeen Kacdoon dhagax tuur ah oo lagaga soo horjeeday xukunkii kalidii taliska ahaa ee Siyaad Barre.

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland