Xuska 8-Guurada Geeridii Madaxweyne Cigaal Ma Dhaami Doonaa Kuwii Ka Horeeyey ?


 


Waxa ina kulaalaysa xuska maalin kamid ah maalmaha dadka reer Somaliland iyo guud  ahaa nba shacabka geeska Afirca taariikhda muhiimka ah ku leh, taasoo lagu xasuusto murugo fiinti istaagtay iyo naxdin dadbadan ku reebtay raad aanay siyar ku ilaawayn.

Waxay ahady 03-may-2002, maalintii shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan geeska  Af rica-ba loo soo sheegay war dhegohooda ku riday argagaxii ugu waynaa, haa, waa in uu  m agaalada Pretoria ee dalka S.Africa ku geeriyooday halyay ay reer Somaliland si wayn ugu dhaadanayeen, waa aasaasihii iyo aabihii Somaliland, marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, sidoo kale waa mid kamid ah shakhsiyaadkii dadka reer Africa ay ku faani jireen.

Ka sekow dalka somaliland oo uu Cigaal ahaa siyaasigii dhidibada u taagay isla markaana ka suuro geliyay hannaan dawladeed oo dhamaystiran kana badbaadiyey badweyn colaado ah oo ku hareeraysnaa gudo iyo debedba, waxa uu ahaa Alle ha unaxariistee nin taariikh  wa yn ku leh guud ahaan qaaradda Africa iyo dunidaba.

Xusuusta noloshii Maxamed Ibraahin Cigaal ee xikmada iyo kartidu ka buuxday iyo dib u  ee gista maalmihii murugada iyo argagaxa ee ka danbaysay hoyashadii mid kamid ah halyaydii faro ku tiriska ahaa ee qaarada Africa, waxaan la sugi xuska sanad guurada 8-aad ee ka soo wareegtay geerida marxuum madaxweyne Cigaal, kana hordhic maayo maanta.

Bal se aan milicsano sanadihii hore iyo siyaabihii loo xusay sanad guurada geerida marxuum Cigaal. Inta badan wax wayn kumay kala duwanayn xusaskii hore ee loo qabtay sanad  guu rada geerida madaxweyne Cigaal, waxana ay dhamaantood ahaayeen kuwo ka gaabiyey oo ka durugsan sidii shacabku filayay.

Xisbiga UDUB ayaa ah kan ugu wayn ee laga fisho inuu xus ballaadhan u sameeyo sanad  gu urada madaxweyne Cigaal, laba sababood daraadood. Waa ta koowaad ee xisbigani waa xisbul xaakimkii wadanka waxana ku waajiba inuu tixgelin u sameeyo cidkasta oo shacabka karaamo ku leh haday noolyihiin iyo haday dhinteenba, ta labaad ayaa iyana ah tan ugu muhiimsan, waa UDUB oo ah midhihii maskaxda Cigaal maadaama u ahaa aasaasihii xisbiga.

Inkastoo xisbiga UDUB uu sameeyo xus geerida marxuum Cigaal, hadana waxay ku  koobant ahay inta badan TV-ga qaranka oo faafiya muuqaalo xusuus ah oo hore looga qaaday  marx uum Cigaal iyo barnaamij kooban oo ah milicsiga qayb yar oo kamid ah badwaynta  taariikh dii Cigaal. Madafiri karo inay marar sameeyaan(Udub) xusas lagu qabto goobo aan dad  bad ani isugu iman. Laakiin suaashu waxay tahay intaasi ma tahay intii uu xaqa ulahaa marxuum Cigaal?

Sidoo kale xisbiyada kale ee qaranka ayaan iyana xuska maalintan qiimaha leh ka qaadan  q ayb lagu amaano. Maadaama ay yihiin asxaab qaran waxa laga filayay in ay si wayn u  xus aan geesiyada qaranka, si iyagana cidii u qalanta hadhaw loo xuso.

Xuska sanadkan ee sideeda guurada geeridii madaxweyne Cigaal ma noqon doontaa mid  k uwii hore ee aan lamahadin dhaama? Akhriste waan hubaa in suaashaasi maskaxdaada ka guuxayso, lagana yaabee inaad sanad walba suaashan oo kale is waydiinayso, hase  ahaa tee aad ku hungawdo.

Shaki kuma jiro in ugu yaraan bilkastaba ay xisbiyadeenu iskugu yimaadaan xuska maalin aan wax macne ah ugu fadhiyin shacabkeen, sida maalinta faraxalka aduunka, balse arrinta dad badani dhawrayaan si wayna u sugayaan waa xuska sanad guurada sideedaad ee  gee rida halyaygii Somaliland Maxamed Ibraahin Cigaal Qaasaali iyo doorka xisbiyada qaranku ka qaadan doonaan.



 

 

C/risaaq C/laahi
Aadan13@gmail.com