Xuska
25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 3aad

Go’aammadaa iyo qaar kale oo
badan ayaa halkaa lagu gaadhay. Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u
ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada Xore ynta ee SNM
waxa Xoghaye u ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle. Waa sida uu
markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka
baxa Tali yaha ugu noqonayo.
Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii
ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo
saldhigyada int ooda badan meel walba radio rakaal ahi yaallay.
Bal hadda aan waxoogaa aan badnayn ku hakanno Shirweynihii 4aad ee
SNM iyo xanaftii ka dhalatay ee saamaynteeda ku yeelatay SNM. Markii
Shirweynihii dhammaaday maalmo ka hor badhtamihii bishii Ogos
1984kii, waxa dhacday in qawad iyo saluug ka yimid qayb ka mid ah
SNM oo shir ku qabsatay meel la yidhaahdo Laan-qayrta Doonbiraley.
Iyada oo ururka SNM ku soo caano maal ay isu-joojinta iyo
wada-hadalka wefdi uu Guddoomiyuhu hoggaaminayay oo madaxdii ururku
u dhan tahay ayaa halkaa tegay. Ka mid baan ahaa wefdigaas oo
xog-ogaal ayaan u ahaa waxyaabihii halkaa ka dhacayay ama ka
socdayba. Muddo aan is-leeyahay malahayga bil waa ay ku dhaweyd
ayaanu halkaa ku sugnayn oo lagu wada hadlayay. Meel wanaagsan ayaa
wax la isla meel dhig ay, go’aammadii ugu mudnaa ee halkaa ka
soo baxayna waxa ka mid ahaa se es-u-dhigiddii iyo samayntii
Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay Guddoo miyihii iyo
Guddidiiba halkaa lagu magacaabay. 1985kii ayaa Shirkii 2aad ee
Guurtida lagu qabtay Dooxada Daahir Maadhiin ee galbeedka kaga
beegan Ra baso. Hakad ayaa hawlihii Guurtida yar galay,
waxaanu mar labaad golahaasi soo laba-kaclaynayaa bishii Ogos
1988kii markii Gudaha laga soo jabay, shirka as oo ku qabsoomay
tuulada Caddaroosh. Waa mowduucyo aynu marar kale ku kulmi doonno.
Sheekadeennii hore ma ku noqonnaa intaa hadddii aynu mus-danbeed ka
dhig anno.
Waxaan moodayay in aad haa tidhaahdeen. Waa hagaag, Aniguna waan
idin ku raacsanahay. Bal haddaba maxaa dhacay?
Aan ku noqdo Yuusuf Meydal Cumar oo ka codasdo in uu inooga jawaabo
su’a asha ah:
Sidee ayuu maalintaa dagaalku u dhacay?
Aan idiin kala baxo Yuusuf Meydal Cumar oo xusuustiisii idiin mariya,
waxaanu yidhi:
“Annagu jiiddii hore ee difaaca ayaanu ku jirnay. Difaacayagu wuxu
ahaa inta ama jiidda u dhexaysa meelaha la kala yidhaahdo Xabashi
iyo Gufeys oo ku taal waddadii Qaaxo. Xilligaa waxaanu ku sugnayn
waqti uu Ururka 1aad qayb ka mid ah ay is-yara qabteen madaxdii.
Sidaa darteed Lixle iyo Ibraahin Kood-buurba waxa ay ku hawlanaayeen
arrintaa maareynteeda. Habeennimadii waxa la diray 15 Mujaahid oo uu
Xaammud watay, waxaana loo diray dareen kaa cadawga laga qabay
in ay soo xaqiijiyaan. Waxay ahayd in ay soo hubiya an in
cadawgii ku soo diyaar-garoobay oo ku sugan yahay Qol-buulalle.
Lixle wuxu kula sii dardaarmay bal in ay soo hubiyaan in cadawgii ku
soo dhamm aaday Qol-buulalle iyo in uu weli isku soo
urursanayo. Lixle markaa uu sahanka dirayay wuxu filayay in aan
cadawgu ku soo wada dhammaan halkaa. Sidaa darteed ayuu miino ugu
sii dhiibay si ay ugu soo aasaan meelaha gurmadkoodu soo marayo.
Laakiin Xaamud iyo colkiisii sahanku waxay war sugan ku heleen in
cadawgii soo weerari lahaa dhammaan ku soo sugmay oo joogo
Qol-buulalle. Markaa miinadiina sidaas ayay kula soo noqdeen.”
Waa yahay. La soo hubi in cadawgii oo oodihiisii jiidanayaa goobtaa
Qolbuulalle isugu habar-wacday. Ka dib maxaa dhacay markii
sahankii SNM dib ugu noqd ay ciidammadii soo diray? Aynu ku
noqonno Yuusuf Meydal Cumar, waxaanu intii hore ku ladhay:
”Waxay nagu soo noqdeen 11kii saacadood ee subaxnimo. Waa 17kii
Oktoobar 1984kii. Maalintu Arbaca ayay ahayd. Ibraahin Kood-buur iyo
Lixle Ururka 1a ad ayay ku maqnaayeen. Xogtii sahan in ay
taliyayaashu qaataan la is-lama haleelin. Saacaddii weerarku nagu
soo beegnaa markii ay ahayd ayuu Lixle soo gaadhay ciidankii.
Gaadhigii ay la socdeen oo markaa meesha la yidhaahdo Ce liya
saad nooga soo qaaday iyaga oo Ururkii 1aad badhna soo qaaday badhna
soo lugaynayaan, ayaa markii gaadhigii Lixle dhigay ee Ibraahin
Kood-buur la noqday ay xabbaddii ugu hoprreysay ee ay soo rideen oo
Jiib ahayd qabsatay gaadhigii Ibraahin Kood-buur la noqday
siigadiisii. Sahankayagii oo is-na xabb addii ku riday ayaa
xigtay.”
Qalinka:
Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com
(La soco………)
Posted by: Cali Cumar Xasan
|