Xuska 25-Guurada
Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 9aad

“1973kii mar labaad ayaa canaad
ahaan iyada oo la niyad-jebinayo loo soo beddelay Dugsi lagu baran
jiray Taangiyada oo laga furay Guutadii 2aad ee Taangiyada. Dug
sigaas ayuu madax ka noqday. Dhallinyaro carbis ahayd ayaa lagu bari
jiray Taangiyada.
1975kii ayaa loo diray wershed ku taallay magaalada ‘Shitoomir’ oo
Xarunta ‘Kiev’ u dhaweyd oo lagu kabi jiray ama dayac-iri jiray
Taangiyada nooca 55-ka loo yaqaan. Markii halkaa la geeyay waanu
wada soconnay. Siddeed bilood ayaanu halkaa joognay. Markii aanu
Soomaaliya ku soo noqonnay waxaanu nimid iyada oo ay dhan yihiin
Wershadaha Taangiyada lagu kabo: Tii Muqdisho iyo tan Hargeysa. Wuxu
noqday Injineerka Guud ee Warshaddii Kabka ee Hargeysa muddo yar ka
dibna waxa bilaabmay dagaalkii 1977kii dhex maray labadii nidaam ee
Mengistu iyo Siyaad Barre.
Markii la is-qaybiyay waxa isaga lagu soo qaybiyay Kulmiskii
Woqooyigan, Qaybta 26aad, ayaa looga dhigay sarkaalka Teknikada ee
Kulmiskaa. Markii uu dagaalkaa galay wuxu ahaa Mijir ama Gaashanle,
markii dagaalkii dhammaaday wuxu noqday Gaashaanle Dhexe, waxaana la
keenay Hoggaankii Farsamada guud ee Wasaaraddii ee Gaashaan-dhigga.
Intii uu Hoggaankaa joogay ayuu noqday Gaashaanle Sare.
1980kii iyada oo food-saaro looga dhigay in uu ku jiray
Dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed ee SNM ayaa shaqadii
laga saaray. Sidaa darted ayaa hoggaankii qarsoonaa ee abaabulkii
SNM ugu soo beddelay magaalada Hargeysa si uu hawlaha halganka u
hoggaamiyo oo abaabulka SNM gacanta ugu qabto.
Sidii ay arrintu sidaa u ahayd, isaga mar-marsiiyo ka dhigtay in uu
dhubbato beer ku leeyahay oo uu ka shaqaysanayo ayuu hoggaan ka
noqday Hawl-galkii lagu jebiyay Xabsiga Dhexe ee Mandheera
2/1/1983kii. Markaa ka bacdi waa ay u suurtoobi weyday in uu
waddanka gudihiisa ku jiro, waxaanu u soo baxay Qaaxo bishii Juun
1983kii, waxaana markiiba loo doortay Xoghayaha Ciidammada Xoreynta
ee SNM, waxaanu ka mid noqday Guddidii Fulinta iyo Golihii Dhexe ee
SNM.
1984kii ayay SNM go’aansatay in ciidammadii Awaare ka baxay gudaha
la geliyo oo uu Taliye ka noqdo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ay
si joogto ah gudaha dalka ugu sugnaadaan. Sidaas ayaa Guutadaa Sayid
Cali la magac-baxday lagu soo weeraray, bal se cadawgii lagaga
guulaystay.”
Idinka oo raalli iga noqon doona waa taariikhdii koobnayd ee Shahiid
Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee
soo gala SNM. Wuxu ka mid ahaa kuwa ugu doorka roon geesiyaashii SNM
soo maray. Wuxu ahaa tusaale nool oo lagu daydo. Wuxu ahaa nin
keni-adayg iyo dhiirranaan la yaab leh u dhashay oo aan Faqashta iyo
dirkeedba aan waxba iskaga tirin jirin. Nin higsi iyo himilaba leh
ayuu ahaa. Wuxu ahaa geesi yaqaannay halka uu ka guurayay iyo halka
uu geeddi u ahaaba.
Naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan
ha inaga siiyo.
Gebegebada sheekada:
Shudadu ma aha wax lagu dibbiro-dhacsado sida immika aynu aragno.
Shuhadadu ma ahaa wax af-madhan iyo calool naxli dhaamiyay lagu soo
qaado. Mana aha wax la isugu tar sheegto oo muxaafid iyo mucaarud
laga dhigto wax dadweynaha lagu beer-laxawsado. Weliba dadka kale ha
joogaane taa kama ay mutaysan kuwii ay halgankii hubeysnaa bah-wadaagta
ku ahaayeen ee maalin kasta oo la xusayaba af-madhnaanta iyo
digashada ula yimaadda.
Shuhadadu ma aha wax la yidhaahdo wax ayaynu u qaban karaynay, u
qaban karna a amaba u qaban doonnaa. Ma aha in shuhadadii lagu
ololeeyo. Ma aha in agoonta laga dhigto wax cid loogu ololeeyo ama
cid kale lagaga ololeeyo sida dhaqanku yah ay maanta oo
calool-xumo iyo uur-ku-taallaba leh. Ma aha maalin kasta oo
shuhada dii la xusayo in makrifoonnada af madhan iyo ballan-qaad
aabbihii goblamay agoonta lagu maaweeliyo. Maalinta shuhadadu waa
munaasibad iyo maalin u baahan in mash aariic iyo wax-qabad
lagu maamuuso. Horaa loogu maah-maahay: “ Meel hoo u baa han, hadal
wax kama taro.”
Weliba markii maah-maahdaa la sameeyay arrintu hadal keliya ayay ku
koobnayde, hadalka maantu waa mid naxli iyo nacba cokan oo aan loo
baahnayn.
Hawlo aanan ku talo-gelin oo I soo galay dartood, halkaa aan kaga
baxo Xuska Shu hadadii sharfanayd ee SNM
mid dedan iyo mid daalacanba. Dhammaantood Ilaahay naxariistii Janno
ha ka waraabiyo.
Sidaa iyo nabadgelyo,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com
Posted by: Cali Cumar Xasan
|