Xuska 25-Guurada
Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 8aad

Inta aanu goobaha ku wada sugnayn
waxay ahayd oo keliya Bishii Juun 1983kii ilaa maalintaa uu
shahiiday ee 17/10/1984kii. Intaas oo keliya ayay noo ahaydba,
haddana sannadkaasi waqti badan ayuu la macne ahaa marka aad
qiimayso kaalintii ma-guuraanka ahayd iyo tii hoggaamineed ee uu
halgankaa ummadeed ku lahaa. Sidaa ay tahay waqtigaa gaaban ee aanu
SNM ku wada sugnayn haddana mar walba isku meel ma aanu joogin.
Wuxu ahaa nin dhererkiisu dhex-dhexaad yahay. Ma buurnayn sidaana
weyd uma ahayn. Timihiisu inta badan waa ay gaabnaayeen waanay yara
adkaayeen. Debinta hoose ayaa waxoogaa diirku ka qaadmay oo aad
moodaysay in ay soo caddaanayso. Ma hadal badnayn. Ma qosol badnayn.
Inta yar ee uu hadlayo murti iyo wax kaa qosliyaba wuu ku hadli
jiray. Erey-bixin badan oo SNM-tu lahayd isaga ayaa loo aaneeyaa.
Waxa ereyadaa ka mid ahaa ”FAQASH” iyo ”JAXAFKII”.
Inta badan wuxu qaadan jiray isku joog ’Jeans’ ah ama ’Shiingee’
qofba sida uu u yaqaanno. Waa intii u nala joogay sidaan ku arki
jiray. Kabaha wuxu ka qaadan jiray kabo aan xadhig lahayn isla
markaana ilaa kuraanta ku jooga oo aan ku adkayn ee ka yar badan oo
haddii uu u baahdo marka uu iska saarayo isaga oo aan siibadda furi
jirin ee uu iska dhillin jiray. Socodka iyo jimicsiga aad iyo aad
ayuu u jeclaa. Waxaad arki jirtay buur Diri-dhabe galbeedka ka
xigtay isaga oo subaxda hore fananaya marna ka soo degaya oo ku
jimicsanaya, in kasta oo uu ahaa suufi Qaad-qamac ah. Nin salaad sax
ah oo aan salaad salaad ku darin ayuu ahaa. Wuxu halhays u lahaa
marka uu arko wax ka yaabiya: ”Cidhibtaada ama cidhibtiinna Alle goo.”
Intan kooban ee aan ka qorayo saaxiibkay Maxamed Xaashi Diiriye,
Lixle, waxaan tix-raac ka dhigan doonaa wareysi uu Cabdillaahi
Cukuse ka qaaday Ciise Curaagte oo ay isku fil ahaayeen Lixle,
1997kii iyo qoraallo aan ka soo minguuriyay Mareegta Farshaxan oo
qoraal dheer ka samaysay noloshii iyo himilooyinkii Maxamed Xaashi
Diiriye, Lixle.
Mareegta farshaxan waxaan ka soo xigtay:
”Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle ku caan-baxay wuxu ku dhashay
tuulada Go’da-weyn sannadku markii uu ahaa 1945kii. Hooyadii waxay
ahayd Ardo Diiriye Madar oo marka aan qormooyinkan qorayo ku nool
magaalada Hargeysa. Maxamed Xaashi Diiriye wuxu ugu yaraa shan
carruur ah oo ay walaalo ahaayeen. Ilaa shan jirkiisii ayaa aabbihii
oo Burco deggenaa loo geeyay, halkaas oo uu yaraantiisii ka bilaabay
malcaamad-quraantii. Lixle waxa loo bixiyay intii uu malcaamad
Quraantaa ku jiray sida laga soo xigtay hooyadii mar ay u
warramaysay wargeyska maalinlaha ah ee Ogaal. Waxay sheegtay in
macallinkii malcaamaddu u bixiyay Lixle maalin ay lix is-laayeen oo
uu intiiba iska celiyay. Ciise Curaagte oo ay Dugsigii Hoose wada
bilaabeen wuxu is-na sheegay in yaraantiisii la odhan jiray
Lixle-daacuun oo uu ahaa wiil ka soo hoyday ciyaalkii ay isku gedaha
ahaayeen.”
Bal immikana aan magansado xusuusta Ciise Curaagte oo ka sheekeeyay
sidii uu u yaqaannay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaanu yidhi:
“Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaanu
is-barannay sannadkii 1952kii. Waa sannadkii aanu soo wada gallay
Dugsiga Hoose ee Burco. Waxa lagu naanaysi jiray Lixle. Isaga oo yar
oo ahayd beryihii uu malcaamad Quraanka ku jiray ayuu maalin lix
koob oo shah ah cabbay oo mar is-raaciyay. Markaas ayay ciyaalkii
malcaamadda la dhiganayay Lixle u bixiyeen. Maxamed Xaashi Diiriye,
waxa beryahaa anu yarayn loo yaqaannay oo kale Lixle-daacuun. Wuxu
ahaa inan yar oo shidaad badan oo ciyaalka laaya. Qof la iska eegi
jiray ayuu ahaa.
Dugsigaa Hoose ee Burco markii uu ka soo baxay wuxu ku soo biiray
Dugsiga Dhexe ee Sheekh. 1959kii ayuu dhammaystay Dugsigiisii Dhexe.
Waxa loo beddelay Dugsiga Sare ee Cammuud, 1960kii markii Dusgsiga
Sare ee Sheekh la dhammeeyayna wuxu u soo wareegay Sheekh. Dugsiga
Sare ee Sheekh wuxu dhammaystay 1963kii. Xagga tacliinta wuxu ka mid
ahaa innamada ugu roon.”
Haddii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, muxuu ku danbeeyay
Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle loo yaqaannay. Aan ka gurno ama ka
rasaynaba Mujaahid korneyl Ciise Curaagte Xuseen oo ay shahiidka
saaxiib ahaayeen isla markaana ay wada shaqayn jireen. Wuxu intii
hor ku daray:
“Markii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, wuxu tegay
magaalada Muqdisho. 1964kii ayuu ka mid noqday xooggii dalka
Soomaaliyeed ama millaterigii. Isla sannadkaas waxa loo diray
Akaademiyada Taangiyada iyo Gawaadhida Gaashaaman oo loo yaqaannay ‘Boroolitaangavaya’.
Waxa uu soo dhammaystay isaga oo Laba-xiddigle ahaa 1969kii,
waqtigii Af-weyne dalka Inqilaabka ku qabsaday wax yar ka hor.”
Bal immikana aan ka boganno taariikhdiisii shaqo iyada oo uu inooga
dhici doono saaxiibkii Ciise Curaagte, waxaanu yidhi:
“Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay noqotay Taliyaha Dugsiga
Dhexe ee Gaadiidkii Ciidanka. 1971kii markii la laayay saraakiishii
inqilaabka lagu eedeeyay ee ay Janaraal Caynaanshe iyo ka midka
ahaayeen, wuxu ka mid noqday saraakiil yar-yareyd oo lagu tuhmay in
aanay Kacaankii aad ula socon. Beddel qasab ah ayaa lagu geeyay ama
loogu beddelay Akaademi cusub oo Kismaayo markaa laga furay oo
saraakiisha lagu leylyi jiray. Macallin buu ka noqday. Kismaayo wuxu
ku suugnaa oo Akaademiyadaa macallin ka ahaa ilaa 1973kii.”
(La soco…………….)
Qalinka:Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com
Posted by :Cali Cumar Xasan
|