Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 5aad

Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii
xusuustiisa maalaynay. Intaa hore wuxu ku kabay:
“Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaaal ayaanu
Burco-duurrey ku tagnay. Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay.
Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta
ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mid maalmihii
ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato ciidanka cadawga. Waxay ahayd maalin
cadawga si aanu ka soo kabin karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd
loo jebiyay.”
Waa tahay. Haddii ay intaasi inala kala gaadhay labadaa rug-caddaa,
bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba afku
cun-cunayay, waxaanu yidhi:
“Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno. Intii la dhalatay iyo
intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaaheen
ha inaga cawilo. Waa maalin farxadeed. Waana maalin murugo. Waa
maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana
maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii
ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen. Haddii aanu khasaare ku
soo gaadhin guul ma hantidid. Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac
ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii
maalintaa foodda aanu is-darray ballaan-qaad dallacaadeed ayay
qabeen oo ku dagaal lamayeen. Darajo ay helaan oo ay nidaam
daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen. Annaguna waxaanu
ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah. Foodda markii
aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu
kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo
niyaddayadii birta ahyd. Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo
galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay.
Labaduba waa ay naga fogaayeen. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:
Geesi il buu diriraa. Dantu waxay nagu qasab tay in Mujaahid
kastaaba wixi rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu
si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.
Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu
caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo
galay dalka Itoobiya. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo
ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii
hubeysneyd ee SNM.”
Haakah! Ma tidhaahdeen oo warankaa Burco-duurrey iyo warkeedii ma
idiin baxay. Bal hadda aan sheekada yar hakinnoo oo dib u guurno
25-kaa sannadood oo tagno 25/10/1984kii. Aan daalacanno warbixintii
Ibr aahin Kood-buur maalintaa ka qoray dagaalkaa meesha Xabashi la
yidh aahdo ka dhacay, bal se Burco-duurrey ku can-baxay. Warbixintan
iyada oo teeb ku garaacan oo sawiran ayaan ka qaaday Mujaahid
cabdi-shanaad. Waxaan idiin ku soo minguurinayaa sidii uu Ibraahin
Kood-buur maalintaa u garaacay isaga oo Diri-dhabe ku sugnaa.
Warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno
Ilaa hay ha ka waraabiyo e’ aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya
ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur,
25/10/1984kii:
“Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala
yimid Dugsigii tababarka ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud
waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah.
Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo
tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud
Siciid Daa’uud.”
Sow tii uu Hadraawi lahaa:
“Fidmo looma sacab-tumo,
Hadday sii fogaatana,
Ninka cararay waa fule,”
Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii
Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan
hoos ku qoran:
SOMALI NATIONAL MOVEMENT
Flimsy Fayl Dire Dawa
Oct. 25/1984
Guddoomiyaha SNM
Dire Dawa
Uj: warbixin dagaal
17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid
Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24
gaadhi oo kala ah:
10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay
saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn
oo ‘Ife’ ahaa.
Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.
Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu
diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka
u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga
oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday,
gaadiid bandanna waa laga gubay.
(La soco………………)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail,com
Posted by: Cali Cumar Xasan
|