XUS IYO XUSUUSTA INANKEYGA MAXAMED AXMED XASAN
CARWO-QAYBTA KOWAAD
Waxa I soo maray toddobaad murugo, toddobaad aan nolasha
ka bartay wax aanan ka baran cimri gay. Waxa aan
xaqiisaday sida talaabo kasta oon qaadayna u baahantay
oggolaanshe Alle, waan aaminsanaa bal se hadda dhab
ayaan u taabtay iyo si gooni ah oo sahlan. Adoo bari is
leh aad ayaad u dhaqaaqi Galbeed adoo waqooyi dooni
ayaad koonfur u boqooli haddaan Alle ku waafajin.
Ubadku waa ammaano Alle inagu deeqay, sida nafte enu
lafteed u inoogu tahay ammaano. Alle xiliga uu doono ayuu
ammaanadii sa la noqdaa. In yar ayaa taas xusuusan inta
ka horeysa kolka loo yeedho. Waxa aynu nahay mayd socda,
waxa dhammaan ya r iyo weyn, rag iyo dumar, maalqabayn,
iyo qaataa ma dhergi w aa mid aynu u simanay, qofba
dharaart a Ebbe u yeedho uu xijaa ban, uu dunida ka
baqooli.
Alle waxuu I siiyey wiil baari ah, wiil aan waligii iga
cadheysiin, wiil kolkaan ku qayliyo aan ii jawabin,
madaxa hoos u roga, deedna raali gelin madaxa iga
dhunka da, wiil jaceylka aniga iyo hooyadii iyo walaashi
ka horeysiiya naftiisa . Wiil xaaskiisa iyo inanka uu
dhalay u diyaariya mustaqbal wacan, ku fakira berrito
haddu Alle u yeedho waxa uu uga tega ayo. Wiil yaqaan
culeeska deyntu leedahay oo iska bixiyey meherka inta
badani xalaashato. Wiil ogsoon inaan geeri meel dheer
jirin. Dardaarankiisu joogto yahay. Siduu u xaqiiqsanaa
geerida iyo siduu u aaminsanaa shaqada ayaa ahyd rumeyn
uu si ficil ah u rumeystay xadiiskii Rasuulka SCW ee
ahaa “ Aaakhirana u shaqayso sidaad manta dhiman,
adduunkana u shaqeeye sidaad waligaa jireyso”.
Waxuu ahaa nin dadiisa ka weyn, ka waayo aragsan, ka
fikir dheer, aan waqti kaga lumin waxaa n if iyo aakhiro
waxyeelo mooyee aan waxtar lahayn. Nin af gaaban oon
aqoon xan, xaasid, xuma an. Nin afkiisa iyo gacantiisu
waxtar mooyee ayna waxyeelo aqoon. Nin salaanta islaamka
aan dh aafin, cidda uu la macaamilaayo gaal iyo muslinba
ula dhaqma ixtiraam iyo wanaag. Deeqsi sadaq ada hoos u
bixiya ehelna sooryeeya, saaxiibna taakuliya, caruur iyo
ciroolaba nin ka qosliya,kaft an aan turxaan lahayn iyo
waano ku maaweeliya dhalinta.
Maxamed waxuu ahaa nin yaraan ku tabo galay, iske y
barbartaagay, hawsha aan loo tilmaamin, is dira oo
garashada Alle siiyey ay aad u sarayso. Meel kasta o o
waxqabad u baahan ishiisu wey qabata,gacantiisun a ma
dhaafto.
Waxuu ahaa nin hamo dheer oo rabay inuu dhiso boq ortooyo
ganacsi. Waxuu u baahnaa taageeradeyda o on ka baaqday.
Waxaan Isla garanay Ramadaan ka h or inaan hawl galno oo
hamigiisa aan gacan qabto iyo Hargeysa oon ka bilowno.
Waa mid ay adagtay inaan xaqiijiyo kol haddaan waayey
xamaasaddii iyo awood dii Maxamed.
Waligey kama warwerin in Maxamed meel qaloocan m aro,
ruux dhalinyaro ku noqday waayeel, ka dhowr sa n xumaan,
baari noo ah, jaceylka u noo hayaa ahaa m id aan qiyaas
lahyn, mid laga helo ruux Alle hadeeye y, ayuu ahaa.
Soomalidu waxay tidhi Alle ma naxo ee wuu naxariista a.
Waa dhab. Maxamed wax yar ayuu xanuunsaday. Intabana
samir, iyo adkeysi uu nooga naxay werwer ayuu ku qariyey.
Waxuu ka dhigay arrin sahlan, isago on afkiisa “waan
wacanay iyo Alxamdulilaa” maahee aan wax kale laga maqal.
Waxaan qoomameeya waa maqnaansha anigoo wax mashquul ah
ahayn, anigoo awood caafimaad iyo mid maadiba haya, All e
iima qorin inaan nolol ku gaadho. Talaabada qoran,
waxaan gaadhay isagoo mootan 20 sacado od.
Waxaanan iloobi kareyn sida uu sida ubadka noola
macaamili jiray. Kolkuu guriga soo galo, waxuu sida
cunto, waxuu sida macmacaan, waxuu sii qaada dhar u
baahan kaawiyad, isagoo ka qarina ya hooyadi. Waxa noo
soo noqda dharkii oo bacaysan sidii ooy yihiin dhar
cusub. Marna ma aha wax aanu u dirnay, waliba waan ku
canaantay wax badan. Dheg uma dhigo oo ma jecela in
aniga iyo hooyadii gacan u qaadno hawl nooc kastaba ha
ahaatee. Guriga meelaha u baahan dhismaha, gidaar amba
loox mar uu arkay garanmeysid waa isagoo garaacaaya,
toosinaaya, cid ugu yeedh aaya haddii loo baahdo.
Waxaan xusuustaa sida wiilkiisa yar uu noogu xidha y, waa
isagoo sida, oo noo keena, kuna ababi yey aw oowo iyo
ayeeyo. Allow nooga dhig mid na xusuusiya wanaagii
Maxamed.
Waa ammaano Alle la noqday. Waxaan is dhex dhiga y duco
iyo xusuus kolba ay ilmadu indhahey ga buux shaan. Ma
jirto cid ila wadaagta, cid og dhibta I hey sata, cid
faataxada ila ajiibta. Waa d iyaarad dhexde ed iyo habeen
guure. Ducada waxaan raaciyaa mid dhankeyga ah oon Alle
ka bar yo inuu iga dhaafo wa xaan ka gaabiyey Maxamed.
“Allow amaanadaada haddaan hagaajiyey Ma xamed ugu
naxariiso, hadda an hagradayna Allow iga dhaaf, Maxamedna
ku aba al mari jaceylka uu noo hayey”.
Waa subax hore, saacaddu waa lixdi subaxnimo, waa axad
9kii November, waxaan ka soo baxay madaarkii iyadoo ay
iga horyimaadeen ehelki. Waan adkeystay oo afkaan xidhay
laakiin indhaha iyo sanka kama ilaalin karo qoyaan iyo
ilmo. Dariiqa Cardiff, waxuu no ahaa aamus. Murugo se
waa ta guriga igu sugaysa oo ehelkii oo dumar u badani
joogaan. Waxba idiinkama tilmaami karo dhacdadii oo waa
mid aydin iska garan. Waalow ayna jirin baroor,iyo
qaylo.
Waxaan balan leyga sameeyey inaan Maxamed ku siyaarto
qolka maydka. Waxa la soo dhigay qo l loogu talo galay in
ehelku ku siyaarto, oo aad u nadiif ah, u gaar ah oo
dugsoon. Waan is dul ta gay oon aad indhaha u dul dhigay
wiilkaan jeclaa oo mayd ah. Madaxiisaan gacanta saaray
deed na quraan iyo duco ayaan bilaabay. Dhegta midig
ayaan kaga eedaamay. Waligay mayd ma arag cidini waxba
iima sheegin. Waa ani iyo dareenkey. Gacantaan wajiga
mariyey, gadh qurxoon oo isku buuxa oonan waligay ku
arag yaan u salaaxay, dibnaha iyo indhaha yaan qunyar
gacanta m ariyey.Labada dhabanba waan ka dhunkaday.
Deedna jidhkiisa kale oo asturan ayaan quraan dacal ilaa
dacal ku akhriyey.
Waxaan dareemey in Maxamed I maqlayo oo balan iyo hadal
ayaan dhegta u saaray. Waan farx ay oo wajiga Maxamed waa
mid nuuraaya, waa mid u heelan inuu u boqoolo dhinaca
Alle. Waa waji ehlu janno. Waxa qolka igu weheliya Laba
walaaladay ah iyo seddex wiil oon abti aan u ahay iyo
wiil aan ilmaadeer nahay.Dhammaan duco iyo quraan akhris
ayey wadaan, ilamaduna labada dhaban ayey ka da'aysaa.
Muddo saacad ah ayaa nala siiyey, mararka qaar waa ley
baneeya si aan keli ula hadlo.
Waxaan isku daynay in xabaasha naloo dedejiyo oo burrito
oo isniin ah nalooga dhigo. Gaalo Axadda ma shaqayso
laakiin waa naloo furay xafiiskii Dhimashada ee Dawladda
Hoose, kolkii warqaddi dhakhtarka aanu dhiibnay ayaa wax
yar oo meel ku qoran ay gabadhi hoos u akhriday.
Dhakhtarka saxeexay ma aha kii maydka arkay, oo waxuu ku
qoray inaanu maydka arag bal se uu la hadlay dhakhtarkii
kale. Waa amar Alle oo ruux waliba ayaanta uu xabaasha
galaayo wey cayimantay dhinaca Alle.
Waa isniin iyo rag iyo dumarkii Cardiff iyo meelo kale
oo badan oo gurigeyga ku soo qulqulaaya. Waa dad wacan
oo qoys keliye u dhaqma. Waa leyla qaybsaday murugada.
Waxa socdaal dheer soo galay reer Holland, Sacuudiga,
Maraykan, iyo Kanada ehel ka yimid. Saaka waxa iyagu si
lexaad leh u yimid reer London, Manchester Bristol, iyo
Birmingham.
Salaadii duhur ayaan masjidka Grangetown oo guri geygu ku
yaalo oo ah mid ay maamulaan Pakistaani u salad tagnay.
Salaaddi ka dib ayuu iimamaki maka rafoonka qabsaday:
“Waxaan u duceynaynaa marx uumka Maxamed Axmed Xasan
Carwo”, ilma indhah a I buuxisay, duco dheer oo wacan oo
qiimo leh ayu u akhriyey anaguna aamiin ka dibo nidhi.
Waxa xigt ay in dhammaan la kacay oo laabta laabta ley
saar ay oo tacsi kal iyo lab ah ruux ruux loo qadimey.
Maa sha Alla. Islaamnimadu wacana, waa kolkaad ogaanayso
inaynu nahay ummad keliya.
Wey idinku dheertay ee aan intan ku soo xidho ilaa kulan
kale.Waa inoo qormada labaad Insha Allah iyo maalintii
aaska iyo shucuur lama iloobaan ah. Maalin dheer, dareen
gooni ah, iyo dhacdooyin lama filaan ah aan la kulmay.
Dharaar aan yaqiinsaday in wiilke ygu Alle u noqday
isagoo ka raali ah. Waa qabrigii oo u noqday guri ka mid
ah guryaha jannada, Insha Allah.
Ahmed Arwo
07903744256
https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl
|