XUQUUQDA HAWEENKA IYO DOORKOODA
Qaybtii 2aad
Qofnimada Gabadha
Diinta Islaamku waxay soo baxday iyadoo dadka qaar ay inkireen
qofnimada gab adha, qaar ay ka shakiyeen, qaarna ay u
aqoonsadeen inay ka mid tahay dadka, laakin ay hadana ku qeexeen
inay tahay makhluuq loo abuuray u shaqaynta nin ka. Waxyaabaha
uu la yimid Islaamku waxay ahaayeen maamuusida haweenka, xaqiijinta
qofnimadeeda, mudnaanshaha ay mudan tahay masuuliyad, abaal-marin
iyo gelitaanka jannada hadii ay fuliso waajibaadkeeda. Islaamku
wuxuu ku qeexay gabadha inay tahay qof maamuusan oo leh mid la mid
ah xuquuqda uu leeyahay ninku.maadaama ay yihiin laba laamood oo
geed kaliya ku yaal, ama laba walaal oo leh aabbo kaliya iyo hooyo
kaliya, kuwaasoo ah Aadan iyo Xaawa.
Ragga iyo dumarku waxay ka siman yihiin waxyaabo badan oo ay ka mid
yihiin, a salka ay kasoo jeedaan, dabeecadaha guud ee Bani-Aadamka,
waajibaadka, mas uuliyadda, abaal-marinta iyo halkay ku danbaynayso
cidhibtoodu. Ninka iyo gaba dha, mid waliba sida uu u fuliyo
masuuliyadda saaran ayuu abaal-marinteeda uga helayaa Ilaahay
agtiisa iyadoo aan loo kala saarin jinsigooda, ee ay yihiin
add oomo Ilaahay, sida ku cad Suuratul-Aal cimraan-195, iyo Suuratu
Nisaa’-124.
Islaamku wuxuu waajib ka dhigay ragga iyo dumarka labaduba inay wax
bartaan isla markaana raadsadaan aqoonta.
Dhinaca maaliyadda, Islaamku wuxuu buriyay fikrado badan oo ay
qabeen dadkii waagaa noolaa, iyadoo gabadha loo diidanaa inay xoolo
yeelato, iyo inay cid dha xasho labadaba. Islaamku wuxuu u
ogolaaday gabadha inay xoolo yeelan karto, isla markaana leedahay
xaqa dardaaranka iyo dhaxalka. Gabadhu Islaamka dhex diisa
waxay heshay xaq ay wax ku iibin karto, iibsan karto, kirayn karto,
hibayn karto,ergisan karto, ergisi karto, sadaqad la bixi karto iyo
xaqa ay maalkeeda ku deeqi karto. Sidoo kale ayaa gabadhu u heshay
xaq ay ku difaacdo maalkeeda sida ay u difaacayso nafteeda.
Sinnaanta guud kasokow, Islaamku ragga iyo dumarka wuu u kala gaar
yeelay mid walba shaqadiisa, masuuliyadda saran iyo doorka uu ku
leeyahay bulshada dhexdeeda, dumarku waa warshada soo saarta jiilal
tayo leh oo la higsado, sidaa daraadeed, ayaa ragga loo dul-saaray
ilaalinta, dhaqaalaynta iyo nafaqaynta xaaskiisa, ubadkiisa,
gabdhaha ay walaalaha yihiin iyo waalidkiiba, iyadoo aanay dumarka
intaa midna la wadaagin marka laga tago duruufo gaar ah oo aalaaba
ay yar tahay intay dhacdaa, sida haddii la waayo ninka oo kale.
Xikmada ka danbasa kala saarida ragga iyo
dumarka xukunada qaarkood:
Su’aasha in badan la is- weydiiyo ayaa ah hadii uu Islaamku qiray
inay gabadhu la siman tahay ninka, maxaa keenay in la doorbido ragga
marar gooni ah iyo xaalado gaar ah. Sida markhaatiga, dhaxalka,
magta, hawsha aqalka iyo maamulida dawladda?
Sida dhabta ah kala saarida labka iyo dhedigga ee xukunadani maaha
in jinsiga ra ggu ka maamuus badan yahay-Ilaahay agtiisa- ka
dumarka, waayo waxa Ilaahay loogu kala dhow yahay sida loo kala
cibaado badan yahay, lab iyo dhedigba. Kala soocidan waxa sal u ah
shaqada ay u kala gaar yihiin iyadoo la tix-raacayo sifada ay u
abuuran yihiin.
Markhaatiga ninka iyo markhaatiga gabadha.
Sida ku cad aayadaha u danbeeya
Suuratul Baqara- Aayadda is-daymaynta- ma rka la kala qoranayo
daynta arkaanta loo baahan yahay ee xusan waa, daym eeye, daymaysne,
qo u kala qora (nootaayo), iyo laba markhaati oo caadiliin ah ragna
ah.hadii la waayo rag, markhaatiga ninku wuxuu u dhigmayaa laba
dumar ah markhaatiyadood si hadii a midkood ilowdo ay ta kale u
xusuusiso.
Tan macneheedu maaha daciifnimo
dumar, iyo liidasho ay ka hooseeyaan qofnim adedu ka ragga,
lakin waa iyadoo loo eegayo abuurkeeda iyo takhasusk eedash
aqo. Sida aynu ogsoonahay, qof kastaa wuxuu awood weyn oo xusuuseed
ku lee yahay goobaha iyo arrimaha uu inta badan ku dhex sugan
yahay, waxaanu xasuu stiisu ku yar tahay waxyaalaha aanu inta
badan faraha kula jirin.
Nidaamka ganacsiga iyo xidhiidhka
maaliyadeed ee dadka ka dhexeeya maaha mid u dabacsan abuurka
dumarka, dhex-galka hawshanina maaha mid inta badan lo ogu
tala-galay dumarka, marka laga reebo marar yar oo ay duruufi sabab u
tah ay. Sida daraadeed, inta badan dumarku way kaga xusuus yar
yihiin ragga waxy aabaha aanay inta badan la wadaagin ragga,
sida ragguba ay uga xasuus yar yih iin dumarka dhinaca hawlaha
guud ee guriga. Markaa waxa cad in xusuusta (mem ory) dumarku
ay ka hoosayso ta ragga dhinaca ganacsiga iyo xidhiidhka
maaliya deed ee u dhexeeya bulshada, sida ay xusayso Aayadaasi
iyadoo laga cabsi qabo inay illowdo waayo hawleheeda ayaa ka badan
isla markaana aan wax xidhiidh ah la lahayn hawlahaa ganacsiga iyo
is-daymaynta. Sida ay qabaan culimada qaark ood haddii arrinta
dayntu uu dhex-marayo haween soo galay ganacsigan isla ma
rkaana in badan ku dhex-jira, waxa dhici karta in ay iyaga dhexdoodu
markhaati isku noqdaan, laakiin taasina waa naadir iyo fara-ku-tiris.
Culimadu waxay isku raaceeen, in dumarka aan markhaati laga dhigan
karin qisa asta iyo xuduudaha marka la fulinayo, iyadoo laga
durkinayo gabadha inay dhex-gasho meelo xad-gudub, iyo fagaareyaal
lagu galay dhagar iyo cadowtooyo. Tani waxa u sabab ah iyadoo aanay
gabadha dabaeecadeedu marna u saamaxayn, w aa marka hore e inay
aragto intii loo baahnaa xad-gudubka dhacay, iyo ta labaad oo ah in
xataa hadii ay dhacdo inay aragto aanay xaakinka ama qaadiga iyo
uma dda horteeda ka sheegi karayn wixii ay aragtay iyo sidii ay wax
u dhacayeen.
Tusaale ahaan, fulinta xadka
sinada, way adag tahay in xataa ragga arkay laba ruux oo falkii
samaynayaa ay buuxiyaan heerka looga baahan yahay inay markh
aati ka noqdaan xadgudubkaa. Gabadhana inta badan marka ay la
kulanto falalka foosha xun, waxa lagu yaqaan in ay indhaha qabsato
oo qaylido iskagana cararto goobtaa ay wax ka dhaceen. Hadiiba ay
dhacdo in ay si kadis ah ula kulanto falk ana waxa ku adag
cadayntiisa iyo sharaxiisa.
Waxa jira meelo u gaar ah dumarka sida dugsiyo, xarumo caafimaad,
iyo gobo kal eba, kuwaasi oo ah meelo ka caaggan ragga. Hadii
ay dhacdo in meelahaa u gaa rka ah ay ka dhacdo danbi iyo
xad-gudub, waxa xoogga la saarayaa markhaati gooda, maadaama
aanay caqli-gal ahayn in markhaati rag shardi lagaga dhigo meel aan
ragga waxba ka ogayn.
la soco....
By: Cabdalle Sacad Aw Muuse.
shaafici12@hotmail.com
www.asmnadiif.com
Khartoum. Sudan
|