Xuquuqda Haweenka iyo Doorkooda
Qaybtii 1aad


 

XUQUUQDA HAWEENKA IYO DOORKOODA.


Hordhac.


Kuma  galo  adduunyada
Ninna  goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh

Hadraawi


Waxa aan muran ku jirin in haweenku yihiin laf-dhabarta iyo udub-dhexaadka bulsho kasta, ha noqoto buslhadaasi mid garawsata xaqiiqadaa ama mid aan fahmin e, bulshana waxa ay ka hormartaa kuwa kale ee la faca ah kolba sida ay u qadariso una dhamaystirto dhamaan xuquuqda xubin kasta oo ka mid ah. Haweenku waa bulshada badhkeed (nuskeed), mana aha bulsho inay  fud aydsato badhkeed, ama dhalliisho, ama dulmido, ama buriso xuquuqda ay mudan yihiin. Iyadoo ay aqoonyahanada islaamka qaar ku macneeyeen inay haweenku yihiin bulshada badhkeed, tiro ahaan lakiin saamayntoodu ay ka balaadhan tahay ta ragga ama bulshada inteeda kale.

Haweenku waa dugsi (school), haddii si fiican loo dhiso dugsigaasina waxa uu soo saarayaa jiil waxtar leh, oo anfacaya dhamaan qayabaha kala duwan ee bulshadaasi, isla markaasina ka taga raadad dhaxal-gal ah oo ay hiigsadaan jiilalka ka danbeeya. Sidaa darteed ayaa hogaamiyayaasha, culimada diinta iyo aqoonyahanaduba ay mudnaan badan u siiyaan barbaarinta gabdhaha, iyo arrimaha haweenka, ilaa inta ay, noqonayso xubinta mudan in la  karaam eeyo oo la maamuuso, laga ilaalinayo xad-gudubyada iyo dulmiga, loona  hirg alianyo heitaanaka xaqa waxbarasho, shaqo iyo guur ee ay ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Diinteena Islaamka waxay ka badbaadisay dumarka dulmigii iyo  xadguduby adii lagula kici jiray iyo sidoo kale fikradihii laga aaminsanaa haweenka. Isla amka ka hor, dhaqanadii carbeed iyo kuwii kale ee waayadaa jirayba waxay ahaayeen kuwa dumarka aad u duudsiyay xuquuqdii ay lahaayeen, xataa xaqa ay u leedahay inay noolaato, iyadoo aad loo sharaysan jiray  dhalasha da inanta, waxaana ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa mararka qaar loo kala iibsan jiray sida badeecadaha iyadoo la dafirsan yahay xataa qofnimadeeda iyo shaqsiyadeeda. Mid ka mid ah aabayaashii carbeed ee noolaa  wakhtig aasi jahligu baahsanaa ayaa sida taariikhdu dhigayso loo sheegay in  xaask iisii umushay gabadh, waxa uu ku calaacalay isagoo murugaysan in aanay wax faa’iido ah lahayn, waxa kaliya ee ay kartaana tahay qaylada iyo  ooh inta xilliyada loo baahan yahay in seefta la qaato, sama-falkeeduna yahay tuugo ay xoolaha aabeheed iyo ka saygeedaba xaddo.

Islaamku wuxuu hor istaagay dhamaan dahaqanadii lidiga ku ahaa dumarka, wuxuu qiray qofnimadooda, wuxuu siiyay xuquuq la mid ah ta uu ninku  leey ahay, wuxuu ka dhigay qof karaamaysan, wuxuu ragga iyo dumarka mid  wa lba saaray mas’uuliyad guud iyo mid gaar ah, oo lagula xisaabtami doono mid waliba fulinta waajibkiisa, waxaana gabadha loo aqoonsaday inay tahay laf-dhabrta bulshada. Fulinta iyo dhaqan-gelinta arrintanina waxay sababtay horumarkii laxaadka lahaa ee ay ku talaabsatay dunida muslimku.



Ku dayashadi indhaha la’ayd ee reer galbeedka..

Aqoonayhanadii reer Galbeedku waxay u kuur-galeen nidaamkii iyo siyaasadii guud ee ay dadyowga Islaamku ku horumareen casriyadii ugu horaysay, dh inacyada cilmiga, nidaamka, siyaasada, falsafada iyo hab-dhaqankii guud ee dhexdooda iyo sida loo maareeyay xidhiidhka ay la lahaayeen dadyowga kale ee aan haysan diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa diin ku sifowday  dhama ystirni, cadaalad iyo la jaan-qaadka wakhti kasta iyo meel kasta, maadaama ay tahay diin Waxyi ku soo degtay, tahayna xeerarka iyo xukumada Ilaahay (swt) u dajiyay adoomihiisa, farayna inay u fuliyaan sida ay u dhigan tahay. Aqoonyahanada reer Galbeedku waxay go’aansadeen inay Islaamka kaga daydaan isla markaana kula tartamaan waxyaabo badan sida cadaaladda, sinaanta, arrimaha xuquuqda haweenka iyo habka guud ee maamulka.

Tartankani wuxuu dhaliyay in ay la yimaadaan waxyaabo kale oo dheeraad ah iyagoo u haysta in korodhka iyo qodobada dheeraadka ah ee ay keenaan u horseedi karo libin ay ka soo hooyaan tartankan. Xurmaynta haweenka iyo so o bandhigida xuquuqdoodu waxay ka mid ahayd waxyaabihii laga xigtay  dadyowga Islaamaka ah, ka badbadinta xuquuqdanina waxay sababtay  dhi baatooyin hor leh. Sannadku markuu ahaa 1995 ayaa shirweyne algu qabtay magaalada Beijing ee caasimada wadanka Shiinaha, waxa lagaga hadlay  haw eenka iyo xuquuqdooda. Nasiib darro, qodobadadii la go’aamiyay waxay  noq deen kuwa dhabar-jab ku ah doorka haweenka, isla markaana liddi ku ah  ab uurkooda. Qodabadii lagu go’aamiyay shirweynahaa waxa ka mid ahaa:

- in haweenku ay helaan xirriyad buuxda, isla markaana dhinac walba kala siman yihiin ragga, xataa dhinaca soo xeraynta maaliyada qoyska.

- In ay u banaan tahay haweenka inay iyaga dhexdoodau is- guursan karaan.



Shir-weynahani wuxuu noqday mid aad looga hadlay isla markaana ka  cadha ysiiyay dunida Muslimka iyo in badan oo ka mid ah aqoonyahanadii reer  gal beed ee aan Islaamka ahayn. Waxaana laga dayriyay inuu yahay halaagid iyo baabi’in bulsheed.
 

 

 


By. Cabdalle Sacad Aw-Muuse

www.asmnadiif.blogspot.com
Khartoum, Sudan.