Xuquqda Haweenka iyo Doorkooda
Qaybtii 4aad

5. Xilalka garsoorka iyo siyaasadda.
Culimo badan- sida Imam Abuu Xaniifah- ayaa waxa ay qabaa in gabadhu
ay ka gar-niqi karto isla markaana xukummi karto meelaha ay banaan
tahay inay mark haati ka noqoto oo dhan, iyadoo culimo kale oo
badanina ay ku khilaafeen.Laakiin banaynta arrintani macneheedu
maaha waajibin iyo daruuri ay xukun ridayso gabadhu mar kasta,
laakiin waa iyadoo arrinka loo eegayo maslaxadda gabadha, ta qoyska,
ta bulshada iyo ta Islaamka guud ahaan. waayo abuurka gabadha,
dabeecadeeda sal-fududaydka iyo hab-dhiskeeda ficiltanka ama
caadifadda ku dhisan ayaan u ogolaanayn inay ka qar-naqdo xukunada
xuduuda iyo qisaasta la fulinayo. Xadka sinada oo kale dumarka inay
markhaati ka noqdaan waxa loogu diiday adkaanta ay adag tahay inay
si faahfaahsan u sharaxdo waxa ay aragtay, xishoodkeeda daradeeed,
sidoo kale way adkaanaysaa inay dhagaysato kiisaska noocan oo kale
ah, isla markaana ka gar-naqdo.
Marka ay noqoto xilalka siyaasada, waxaynu ognahay loolanka badan ee
ka jira masraxyada siyaasada, iyo is-eedaynta iyo xifaaltanka guud
ee ka dhexeeya xubnaha ku jira hawshaa. Sidaa daraadeed dumarka
dabeecadoodu uma saama xayso dhex-orodka arrinkan, waxaana
haboon in ay ku dhawrsoonaadaan gury ahooda iyo wixii kale ee
danta guud ee umadda ah, si ay uga nabad galaan is-xagxagashada
siyaasada. Dhinaca kale, diin ahaan iyo dhaqan soomaali ahaanba
dumarka waxay leeyihiin tix-gelin iyo mudnaan gaar ah, inta ay
hablaha yihiin ee ay ku hoos jiraan gacanta waalidkood iyo inta ay
hooyooyinka yihiin ee ay ku hoos-jiraan gacanta raggooda, iyadoo mar
kasta lagu dagaalami jiray hir-gelinta arrintan, oo ay gabdhuhu
hormood ka ahaayeen waxyaabaha inta ugu badan lagu dagaalamo. Hadaba
soo dhex-galida barnaamijyada siyaasada ee dumarku waa arrin ku
cusub dunida Muslinka ah, gaar ahaan geyigeena soomliyeed, waxaana
inta badan dhidibada u taagaya oo saamayn iyo gacan weynba ku leh
fikrado reer Galbeed, kadib markii ay ogaadeen in dhinaca dumarka
looga soo dhici karayo dadyowga ku abtirsada diinta Islaamka, iyagoo
ku soo dhuumanaya waxa ay ugu yeedhaan hay’adaha u dooda xuquuqda
aadamaha..
Fikirka noocan ahi waa mid aan midha- dhal ahayn isla markaana ay ku
hungoobe en dadyowgii haystay, waxaanay dareemeen khasaaraha ay
leedahay inanta iyo hooyada u ban-baxaysa suuqyada iyo masraxyada
siyaasada, kadib marka laga kaxeeyo xarumahoodii dabeecadda iyo
diintuba u ogolayd, sida guryaha, goobaha waxbarashada, cibaadada
iyo goobaha caafimaadka oo ay abdikood ka soo qayb qaadan jireen.
Inanta iyo hooyada u soo baxay masraxyada siyaasada labaduba waxay
gabeen hawshii ay u hayeen bulshada, isla markaana waxay ka
talaabsadeen milgihii suubanaa ee dhowrida dumarka, iyo ilaalinta
karaamadooda. Marka aad weydiiso in badan oo ka mid ah dumarka u
sacaba-tumaya talooyinka iyo fikradaha reer Galbeedka, hadii ninka
iyo gabadha labaduba dibada u baxaan oo shaqo tagaan waa ayo cidda
daryeelaysa isla markaasina ka warhaynaysa ubadka? Waxa ay jawaab ka
dhigaan in lahelayo hablo ku shaqeeya haynta iyo korinta caruurta,
lakin caqliga saxda ahi waxa uu ku siinayaa waxay tahay, hadiiba ay
gabadh kale ka shaqaynayso gurigaaga, waxa cad inaanay guulaysan
fikradii qaloocday ee la inoo yeedhinayay ee ahayd sinnaanta ragga
iyo dumarka, iyo ka soo saarida guryaha, maadaama hawshii dhabta
ahayd ee dumarka ay fulinayaan uun dumar kale.
Waxyaabaha ka dhashay fikradan waxa weeyi, ta koowaad, in shaqada
dumarka farqiga u dhexeeyaa aad u weynaado, iyaga oo kala raacaya
laba shaqo oo lab aduba aan midna sax ahayn- midi waa la
loolanka ragga oo gurigeedii iyo ubad keediiba wey
gabtay, ta kalena in kastoo ay duruufi sabab u tahay hadana ubad
aanay wax xidhiidh ah lahayn iyo guri shisheeye ayay u hoyatay.
Arrinka labaad ee ka dhashay fikradani waa iyadoo ubadkii iyo
waalidkii-gaar ahaan hooyadii- aanay jirayn xidhiidhkoodii xoogga
lahaa ee ku salaysnaa maxabadda iyo is-jacaylka waalidnimo, waayo
ilmuhu inta uu yar yahay waxa uu dadka ugu jecel yahay waa hooyadii
oo uu dareemayo naxariisteeda iyo jacaylkeeda, islamarka ana
hooyada ayaa ilmaha ku beerta xidhiidhka jaceyl ee aabihii, sidaa
daraadeed ilmaha waayay hayntii iyo habidii hooyada wey yar tahay
intuu dareemayo naxariista waalidka, waxaana ka dhasha caasi
waalidnimo iyo waxyaabaha kale ee foosha xun ee ka dhex dhaca
dadyowgaa aan haysan diinteena Islaamka. Inkastoo aanay bulshadeenu
weli dareemin cidhibta iyo khasaaraha fikradaha galbeedka-arrinka oo
innagu cusub aawadeed- hadana hooyada kaga mashq uushay
ilmaheeda hawlo aan daruuriba ahayn, ayaa waxa badanaaba ay la
kulmaan in iyagana marka ay da’noqdaan ay ubadkoodu ka mashquulaan,
isla markaana u diraan meelaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee
hawl-gabka ah.
Halka aynu ku sugan nahay iyo derajada aynu taagan nahay inteeda
badan waa wax aynu ka dhaxalnay awowyaasheen iyo dadkii inaga
horeeyay, lakin mustaqb alka iyo halkaynu ku socono iyo weliba
in kamid ah xaadirka iyo halkaynu joognaa, waa wax gacanteena ku
jira. Sidaa daraadeed, waa inaynu ka digtoonaanaa halisaha ay innaga
badbaadiyeen waalidiinteen, waana inaynu guntiga u xidhanaa sidii
aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha aan gacanta loo qaadin ee
horumari need. Waxaad moodaa in intii la is lahaa dhaafa halkii ay
ina gaadhiiyeen intii inaga horaysay inaynu u socono dhinaca kale,
inagoo dhex galnay halisaha ay soo dhaafeen dadkeenii hore, sida u
dhaga nuglaanta dadyowga aan Islaamak ahayn.
la soco....
BY. Cabdalla Sacad aw Muuse
shaafici12@hotmail.com
www.asmnadiif.blogspot.com
khartoum,Sudan
|