Xukuuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Gaadiidka Waaweyn Ee Raashinka Iyo Agabka Kale Dawlada Itoobiya Uga Soo Qa a da Dekeda Magaaladda Berbera Ay Khasaare Laxaad Leh Ku Hayaan Dalka

 

 



“Waxaad ka war qabtaan in dawlada Ethiopia..."
Wasiir Prof Ismaaciil Muumin Aare

 

Hargeysa (TNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay maanta ka hadashay gaadiid ka waaweyn ee raashinka iyo agabka kale dawlada Itoobiya uga soo qaada dekeda Magaaladda B erbera, kuwaas oo ay dawladdu sheegtay in ay dhibaato adag ku haysaan hayaan jidka ay maraa n iyo bilicda caasimadda Hargeysa oo ay soo dhex maraan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Prof Ismaaciil Muumin A are, oo arintan ka hadlay maanta ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto arintan, w axana ka mid ahaa hadalkiisii “Waxaad ka war qabtaan in dawlada Ethiopia ay raashin kala soo de gto dekeda Berbera, waxaana jidkaas dheer u soo mara Gaadiid waa weyn oo ka Miisaan iyo tanba ka weyn gaadiidkeenna, waxaana wadadaas dheer ee isku xidha Berbera ilaa Wajaale la sameeyay muddo dheer ka hor oo gaadiidkeena mari jirey waxay ahaayeen 12 ilaa 8 Tan, maantana waxa maraya 30 ilaa 40 Tan, markaa jidkii gaadiidkaasi ayaaba kala kaxaynaya.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Marka ay Magaalada soo galaana waxaad arkaysaa iyagga oo Xadhkihii laydhka oo dhan wadooyinka daadsan yihiin, markaa gaadiidka waa weyn ee Ethiopia dhibaato weyn ayaanu ku qabnaa.”.

Wasiir Aare waxa uu ku nuunuuxsaday in gadiidka ethopia ay dhibaato xoogan ku hayaan jidka ma gaalooyinka berbera iyo hargeysa oo ah meelaha ay dhex maraan gaadiidkani, waxana uu intaasi ku daray in uu gaadiidkani bilic xumo u sababo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa “Waxay  weyn ku hayaan bilicdii magaalada oo haddii aad halkaas marto waxa Xadhko sudhan waad yaabaysaa e e go’an.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Ugu danbeyntii wasiirku waxa uu u soo jeediyay shirkadaha laydhka ee gaarka loo leeyahay in ay xadhkaha laydka u sameeyaan tiirar dhaadheer ama ay dhulka ku aasaan xadhkaha laydhka.

Isku soo wadda duuduub oo waatan iyo markkii ugu horeysay ee xukuumadda Somaliland ka hadas ho dhibaatadda gaadiidka waaweyn ee Itoobiya ku hayaan Caasimadda, balse waxa aan la saada alin kareyn taalabadda ay xukuumaddu arintan ka qaadi doonto, waxana ay dad badani is weydiin ayaan in ay xukuumaddu joojin doonto gaadiidkan maadaama ay sheegtay in ay dhibaato ku hayso iyo in ay khasaaraha ay iska daawan doonto xukuumaddu.
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office