Xukuumadu way fulisay 70% wixii ay balan qaaday ee buug eediii cagaaraa ku qoraa waanay mahadasn tahay.!!!!
 

 

 


Asww dhamaan warbaahinta sida fiican warka u kala tabisay waxaan aad iyo aad ugu mahadanaqayaa xukuumada somaliland oo si hawl karnimo ku jirto u gudatay xilkeedii mudadii ay haysay xilka oo aad u koobnayad.


Waxaan halkan ku cadaynayaa oo aan markhaati ka ahay in xukuumadani gudatay wajibkeedii hadadii la isu qirayo hawl karnimo haddii la is xagxaganayo masheegin,Waxaa hubaal ah in balanqaadkii ay qaaday xukuumadani badidoodi fulisay iyada oo ku dadaashay in ay si wanaagsan oo aan la qiyaasi karin u shaqaysay una gudatay waajibkeedii distooriga ahaa.
Hadaba dadka aan arkayn wax qabadka xukuumada waligeedba waa la arki jiray nin mincaarada ah oo aan qirayn wixii saaxiibkiisa xilka hayaa qabtay,waana wax iska caadi ah in la isu qiri waayo wanaaga wax qabadka xukuumada Axmed maxamed siiraanyo fulisay.
Waxaa wax lama ilaawan ah mudadii xukuumadani xilka haysay oo ah laba sano iyo badh in ay hirgelisay wax qabad badan oo la taaban karo ninkii caqli fayowi ku jiro waxaa markhaati madoon ah in balanqaadkii madaxweyne Axmed Maxamed siiraanyo balanqaaday uu fulay badankiisii taasi oo ay ugu wacan tahay hawlkarnimadiisa iyo daacadnimada uu ku hogaamnayo dalka.
Waxaan isku qiyaasayaa maanta iyo maalintii uu madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo la wareegayey xilka oo ahayd maalin ay khasanada dawlada shillin ku jirin xataa wax hawl lagu qabto maantana khasnada dawlada waxaa ku jira wax aynaan qiyaasi karin iyada oo la fuliyey intaasi oo mashruuc iyo wax qabadaba.


waxaan u soojeedinayaa xukuumada somaliland mahadnaq balaadhan oo aan ugu mahadnaqayo hawlaha wanaagsan ee ay fulisay iyada oo aan hubo in ay kuwa soo socdana u fulin doonto sidii kuwii hore ay u fulisay.Waxaan hubaa in xukuumadani la dagaalantay musmaasuqii oo maanta aanay jirin lacag inta baabuur lagu soo rararo madaxtooyada lagu dejinayo taasi oo labadii dawladood ee horeba u ahayd wax caadi ah oo aan laga xishoon jirin xukuumadanise ay baanka dhigto wixii ummadu lahayd laguna maamulo gobolada iyo hawlaha dawlada waxaa iyana wax loogu mahadnoqo ah wax yaalaha ay ka qabatay madaarada dalka oo aan awl hore lahaan jirin musqul maantase la mid ah madaarada caalamka.


Waxaa caqliga fayow ee caafimaadka qabaa arkayaa wax yaalaha wanaagsan ee xukuumadani ku talaabsatay iyada oo u adeegaysa dadkeeda iyo dalkeeda, reer somaliland waxaan leeyahay dawlad ka wanaagsan hore idiin may soo marin inay idin soo marina mooyi ee ha la taageero xukuumada maanta jirta ee uu hogaaminayo mujaahid aan la soo koobi karin taariikhdiisa.

Waxaa kale oo aan la socodsiinayaa daweynaha reer somaliland in ayna jeclaan oo kali ah nin wax caayaya oo aan qirayn wixii la taray dalkan iyo dadkan,waxaa kale oo aan odhan lahaa dadweynaha reer somaliland nin gidaar taagan oo aan dalka xil u hayn wixii uu sheego yaanu idinla macaanaan haddii aydaan jeclayn wixii la caaridayo oo kali ah.


guntii iyo gabagbadii waxaan markhaati ka furayaa waxtarka balaadhan ee xukuumadan Axmed maxamed siiraanyo ku talaabsatay oo ah wax aan cidi qarin karin inta hadhayna ay fulin doonto labada sano ee soo socda kadibna dib ay xilka ugu soo noqon doonaan shan sano oo danbe halkaana ay ka sii wadi doonaa wax qabadkooda dawlada iyo xisbigooduba,waanan hubaa in xisbiga kulmiye uu xilka sii hayn doono ilaa iyo tobanka sano ee soo socda haddii aanu ka badsanba.
Waxaa kale oo aan xukuumada ku amaanayaa sida fiican ee ay uga midha dhalisay gobolada bari haddii ay sanaag tahay iyo haddii ay buuhoodle tahayba sida ay nabadgeliyada taamka ah uga soo dabaashay iyo sida ay xukuumadu uga hawl gashayba.
Aad iyo aad ayaanu ula soconaa hawlaha ay fulisay xukuumadu iyo waxtarka siyaasadeed ee maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhaya.
 

 

 


Cabdi.D.Camuud
uk