Xukuumaddani waa Tii Horumarka Iyo Isbedelka Bulshadda
Xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed
Maxamed Mxa muud [Siillaanyo], mudadii ay xilka haysey waxay dalka ka
samaysay dhinaca horuum arka, sida arrimaha bulshada Public Service
Delivery, iyada oo waajibka koobaad uu yah ay in do wladda bulshada
metelaysaa ay ahmiyada siiso arrimaha bulshada.
Hadaba xukuumadda madaxweyne Siillaanyo, waxay si weyn wax uga
qabatay baahiya aa s-aasiga ah, sida caafimaadka, biyaha,
waxbarashada IWM, sidoo kale waxay xukuumaddu qayb libaax ka
qaadatay dhinaca hagaajinta wadooyinka Infrastructures iyo maamul
wana aga.
Waxyaabaha ay xukuumaddu sida weyn wax uga qabatay waxaa ka mid ah
hirgelinta dhis mayaasha dhaxal gal ah ee loo dhisay dhammaan
hay?adaha dowlada, waxaa kale oo xuku umaddu wax ka qabatay
musuq-maasuqa, iyada oo madaxweynuhu sameeyey hay?addo awood leh oo
ilaaliya hantida qaranka oo ay ka mid tahay hay?adda maaamul wanaaga
iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland good governance and
Ant-corruption commission.
Meelaha xukuumaddu horuumarka weyn ka samaysay waxaa ka mid ah
hirgelinta mashaa riic midho-dhal ah, korodhka miisaaniyada qaran,
mashaariicda laga hirgeliyey madaarada Somaliland oo laga dhigay
kuwo la jaanqaadaya kuwa adduunka iyo wadamada aynu jaar ka nahay,
bixinta derojoonka ciidamada qaranka oo ahayd arrin aan Somaliland
ka suurta gelinti mudadii 21 sano ahayd ee ay Somaliland jirtey,
balse ay ku guulaysatey in ay bixiso derejooyinka ciidamada
xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.
Bedelaada lacagtii Burco ayaa iyana ahayd horuumarka ay samaysay
xukuumaddu, taasoo ay ku guulaysan waayeen xukuumadihii iyada ka
horeeyey, in ay ka bedelaan lacagtaas geynbaarta ahayd.
Qoraal kuma soo koobi karo horuumarka ay samaysay xukuumaddan uu
hoggaaminayo ma daxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo], waxaase
muuqata dadka inta dhica xu n wax ka eega laga qariyey guulaha ay
gaadhay xukuumaddu, xaalkooduna noqday in ay xumaan uun ka sheegaan
xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.
Waase ayaan-darro in xukuumadda u diyaar ah in ay isbedel dhaqaale
iyo mid bulshaba ay samayso hadana la rifo, si ay uga baaqsato
waajibaadkeeda waxqabad, dadka noocaas ah ee jecel in ay xukuumaddu
fashilanto waa kuwo ka fekeraya oo keliya dantooda gaarka ah, markii
ay ka dhex arki waayeen aan kala jeclayn jiritaanka qaranka
Somaliland iyo burburki isa toona.
Xukuumadda waxaa loo soo jeedin karaa dhaliil toosan taasoo ah mid
wax hagaajinaysa, b alse aan ahayn mid wax duminaysa, waxaana
dhaliisha toosan xukuumadda u soo jeedin kara bulshada oo ah tii
dooratay xukuumaddan jirta, warbaahinta iyo cid kasta oo jecel
wanaaga iyo horuumarka Somaliland.
Waxaad la yaabaysaa shaqsiyaad aad moodo in ay caadaysteen
aflagaataynta madaxtda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha
qaranka Head Of State, oo bulshada iyo cidka staba ka mudan mudnaan
iyo ixtiraam buuxa, balse aan geyin in la aflagaadeeyo, taasoo aan
banaanayn in la caayo madaxda qaranka, diintana suubanina aanay
ogolayn.
Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga bulshadu iyada ayaa wax hagaajin
karta waxna xu mayn karta, waxaa loo baahan yahay in bulshadu ay is
barbar taagto xukuumadda ay do orteen, wanaaga iyo horuumarkana ay ku
taageeraan iyo ay u arkaan in ay khaldan yihiina ay si hufan
xukuumadda ugu soo jeediyeen madaxtoodana qadariyaan.
Waxaan kula talin lahaa dadka jecel xumaanta xukuumadda ma
fashilmayso xukuumadani wixii ay qabatayna taariikhda ayaa xusaysa
meel ku qoraysa.
C/laahi Axmed Caarshe,
Hargeysa Somaliland
|