Xukuumadda Somaliland oo xayirtay shan Website oo ay ku Ee daysay inay faafiyeen Dacaayado sababi kara Amni daro iyo Dagaal Beeleedyo

 

 


Hargeysa (TNN) :- Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadaka saartay shan Website, oo uu xafiiska Baadhista Danbiyadda Somaliland ku soo Eedeeyey inay faafiyeen warar been abuur ah,Dacaayad, kuwaas oo uu sheegay inay saamayn ku yeesheen Amniga Dalka isla markaana ay abuurayaan is ku Dhac beeleed.

Amarkan oo ay Maxakamadda Gobolka Hargeysi soo saartay ayey ku tilmaantay inay ku ogolaatay codsiga uga yimi xafiiska baadhista Danbiyada iyo Xeer ilaalinta, waxaanay amartay dhamaan shir kadduhuinay fuliyaan amarkaasi.

Mareegaha go’aanka laga soo saaray ayaa kala ah Karrinnews.com, Baraarugnews.com, Saylactoday.com, Haleelnews.com iyo Suradnews.com. Waxaanay maxkamaddu go’aankeeda ku sheegtay inay u yaalaan Dacwado ka dhan ah.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay Xukuumadda Somaliland ku fuliso Mar eegaha Somaliland, isla markaana ay suurtogaliso in mar kaliya hawada laga wada saaro.

Amarka Maxkamaddaayaa u qornaa sidan:-

Amar Xayiraad Mareego Internet (Website)

Mudanayaal anagoo ka duulayna codsiga xayiraada sumaddiisu tahay qbd/423/017 ee ku Taariikh aysan 02/07/2017 ujeeddadiisuna tahay xayiraada website-yada dalka ku baahiya warar khaldan oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha qaybta baadhista danbiyada C.I.D, kuna codsaday in la xayiro shan mareegood oo ah website-yo ay ku sheegeen inay dalka ka baahiyaan warar been abuur ah oo ku lid ah beelaha wadanka JSL wada dega, faafiyeena dacaayado ka dhan ah madaxda Qaranka JSL, isla maraana taliyuhu qoraalkiisa ku xusay inay taasi sababayso amni daro iyo isku dhac ka iman kara beelaha wada dega dalkan JSL.

Sidoo kale anigoo ka duulaya dalabka ka yimid madaxda Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex eek u Taariikhaysan 03/07/2017 kuna codsaday in loo tixgaiyo qaybta baadhista danbiyada codsigooda isla markaana xayiraad la saaro website-yada dalka ku baahinaya wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah si nabadgelyada guud ee qaranku u ahaato mid xoogan.

Asbaabahaas sare ku xusan dartood waxaan soo saarnay Xayiraadan.

Waxaan ogolaanay codsiga ka yimi madaxda xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex eek u taariikhay san 03/07/2017 ee uu ku codsaday in la tixgaliyo codsiga qaybta aadhista danbiyada C.I.D ee su madiisu ahaa QBD/BD/423/017, kuna taariikhaysnaa 02/07/2017 ee nuxurkuu xambaarsanaa sare ku xusan yahay.


Waxay maxkamaddu xayirtay dhamaan shanta Website ee lagu so Eedeeyey inay faafiyaan wara rka iyo dacaayadaha been abuurka ah ee ka dhanka ah Qaranka JSL oo kala ah:- Karinnews.com, Baraarugnews.com, Saylactoday.com, Haleelews.com, Suradnews.com

Dhamaan shirkaddaha adeegyada Internet-ka bixiya ee qoraalkani ku socdo waxaan ku amraynaa inay fuliyaan amarkan maxkamaddu ku xayirtay oo Eedo ku taagani maxkamadda yaalaan.
Amarkan xayiraada ah waxa uu soo baxay 12/07/2017.

 

 

 



Xigasho: Waaheen