Xukuumadda Somaliland oo Tacsi u dirtay Shacabka iyo Dawladda Somaliya dadkii kaga dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab

 

 



Hargeysa (TNN) Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay tacsi u dirtay shacabka iyo dowl ada Soomaaliya qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Salaasadii magaalada Muqdisho. Kaasi ay oo in ka badan 70 qof ay ku dhinteen 150 kalena ku dhaawacmeen.

“Waxaanu ka tacsiyadeyneynaa anigoo ka xun dhibaatadii ku dhacdey shacabka Soomaaliya, kh aasatan shacabka ku nool magaalada Muqdisho weererkii ay ay Salaasada argagixisadu ku qaa day dad farabadan oo maati ah oo ardey u badan naftoodii ku waayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Ar rimaha dibada oo maanta u waramayay saxaafaddu.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo oo lagu bar tilmaameedsa day dad aan waxba galabsan, waxaanu yidhi “Weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay argagixisadu ku soo qaaday sidaanu wararka ku heyno waxaa halkaasi ku nafwaayey dad aad u badan oo s hacab u badan wax dambi ah oo ay galabsadeena aanay jirin. arrintaasi xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba aad iyo aad ayey uga xun yihiin waxaanuna halkan ka cambaareyneynaa argagixisada faldambiyeedka intaa le’eg gashay.”

“Waxaanay khatarahani muujinayaan culeyska iyo khataraha ku wajahan Geeska Afrika ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ee ladagaalama bini’aadanimada ee argagixisada, arrintaasi wax aan caalamka ugu baaqeynaa in gargaar u fidiyaan dadka halkaas ku waxyeeloobey,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirku waxa uu ku dooday inay la dagaalanka argagixisada lagaga hortagi karo iskaashi “Arri ntaasina waxaan aaminsanahay in iskashi lagaga bixi karo oo shacabka soomaaliyeed iska gara bsadaan xukuumad iyo shacaba sidii looga hortagi lahaa in ay arrimahaasi oo kale ay dhacaan ,”ayuu intaasi raaciyay

Wasiirku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan, sidoo kalena ciidamada Somaliland boolis iyo Milatariba ugu baaqey inay heegan noqdaan waxaana hadaladiiii kamid ah aa. “Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqeynaa in ay kor dhiyaan oo ay laba laabaan oo fee jignaadaan oo sidii hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ee ay ku ilaashadaan nabad gal yadooda.”

“Ciidamada nabadgalyada ee qaranka Somaliland sidii caadadu ahayd ee horeba looga bartay w axay had iyo jeer heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada dalka iyo wixii kale dhibaatooyin u keenaya wadanka waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabad galyada ku jira.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland sii gelisay heegan waxaanu yidhi “Xukuumada Soma liland waxay sii kordhineysaa dedaalkii ay hore ugu jirtey ee sugida amniga iyo lashaqeynta caa lamka sidii ay waligeedba ay ula shqeyn jirtey sidii loo yareyn lahaa khataraha argagixisada iyo budhcad badeeddaba.”

source:Waahen