Xukuumadda Somaliland oo soo Dhaweysay Qaraarka Golaha Amaanka ee la Dagaalanka Budhcad Badeedda

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay qaraarkii golaha maanka ee la dagaalanka budhcad badeeda. Sidaana waxa sheegay wasiirka Arrimaha debadda ee Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale oo ay shalay waraysi la yeelatay BBC World Service qaybteeda Network Africa,

isaga oo intaa ku daray inaan arrinta Soomaaliya waxba laga qaban Karin ilaa la xaliyo arinta gooni isutaaga Somaliland.
Waxaysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal: Sideed u aragtaa qaraarka golaha amaanka ee la xidhiidha la dagaalanka budhcad badeeda?


Jawaab: Ugu horayn waan soo dhawaynaynaa talaabadaa golaha amaanka, marka la eego waxaa ka dhacaya Somaliland iyo guud ahaanba Somalia, Somaliland waa goob xasiloon oo nabadi ka jirto. Marka aan xaqiiqda u daadagno dhibaatada Somalia ka taagan waxba lagama qaban karo ilaa la xaliyo arrinta Somaliland oo ah gooni isu taaga , arrinta budhcad badeeda waa arrin in muddo ahba soo jirtay oo ku bilaabantay tahriibinta dadka iyo hubka sida sharci darrada ah wadanka loo soo galiyo. Somaliland intaaba waxay qayb ka ahayd xalinta arrintaa.


Su’aal : Maxaad arrintaa ka qabateen?
Jawaab: Waxaanu ka qabanay waxaa weeye, waxa aanu is hortaagnay in falal noocan oo kale ahi biyaha Somaliland ay ka dhacaan.


Sideed wax uga qabateen?
Jawaab: Runtii aad baanu xukuumad ahaan ugu feejigan nahay arrintaa shicibkayaguna sidoo kale aad buu arrintaa ugu feejigan yahay. Ilaa iyo hadda ma jirto dhacdo noocan ah oo laga soo sheegay inay ka dhacday gudaha Somaliland.
Su’aal: Ma waxaad ku bixisaan dhaqaale badan ilaalinta biyaha Somaliland?


Jawaab: Ma lihin dhaqaale aanu ku ilaalino biyaha Somaliland oo dhan laakiin shacabka ayaa aad u feejigan islamarkaana gacan naga siiya wax ka qabashada arintaa ha ugu wacnaato hayadaha dimuqraadiga ah ee aan samaynay, feejignaanta dadkayaga iyo doorka xukuumada oo ah wacyigelinta, waxaanu suurto galinay in dhaqdhaqaaqa ganacsi u si caadi ah u socdo oo xoog badan. Arinta budhcad badeedu waa arrin caalami ah balse ma aha mid ku kooban Somaliya waa masiibo caalami ah waxayna u baahan tahay xal caalami ah.
Su’aal: ma odhan karnaa waad soo dhawaynaysaa guud ahaan qaraarka golaha amaanka?


J: Guud ahaan waan soo dhawaynayaa qaraarkaa, laakiin waxaa jira arimo badan oo siyaabo kale duwan loo waajaho. Arintani waa mid heer gobol una baahan in heer gobol wax looga qabto. Haddii aynu soo qaadano labadii dhacdo ee France runtii waa mid aanu soo dhawaynayno waxayna muujinaysaa in Faransiisku aad uga feejignaa arrintaa. Ma qabo in madax-furasho la siiyo budhcad badeeda, waa arrin aanu ka digayno. Waxaanu gacan siinaynaa bulshada caalamka in ay u soo joogsadaan inay caawiyaan Somaliland ha ugu muhiimsanaato tababarida baarlamaanka. Waxaanu leenahay ilaalo xeebeed oo tirro yar balse aad u feejigan oo u baahan in gacan la siiyo.


Su’aal: hadaynu ka hadalno Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Somalia, sidee ayay rabshadaha iyo qalalaasaha ka jira Somalia ay idiin saamaynayaan?


J: Arinta la xidhidhiidha dhibaatada Somalia ma aha mid saamaynteedu ay ku kooban tahay Soomalidii u Talyaanigu gumaysanayay, balse waa mid saamayn wayn ku leh guud ahaanba gobolka arintani aynu ka hadlaynana waa mid miisaankeeda leh. Waxaan uga digaynaa bulshada caalamka, sida xaqiiqda ahna jirta in bulshada caalamku ay iska indha tirayso in ay ka hadasho arinta Somaliland


Su’aal: sidee ayay dagaalada ka taagan somalia idiin saameeyaan gaar ahaan idinka Somaliland?


Jawaab: Marka kasta oo dagaal dhaco, dad badan ayaa u soo qaxa Somaliland si ay nabad uga helaan. Taasina waa mid horena u dhacday mustaqbalkana suurto gal ah in dhacdo. Waxaa kale oo jirta in dad badan ay u carareen dalalka Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti.
S: Ma ka baqaysaan in rabshadahaasi ay mustaqbalku u soo fidaan dhinaca Somaliland?


J: Runtii aad baan u nasiib badan nahay mar hadii intii horeba aanay na saamayn, feejignaanteeda waanu leenahay. Somaliland way u hawl gashay in arintaasi wax saamayn ah aanay ku yeelan. Somaliland waxay leedahay taariikh fiican oo dhinaca amaanka ah iyo mid dhinaca dimuqraadiyada ah.


 



Source:BBC
SN