Xukuumadda Somaliland Oo Sadex Qodob Ka
Dalbatay IGAD
Hargaysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed
Cabdillaahi Cumar, ayaa shee gay in xukuumadda Somaliland ay saddex
qodob oo muhiim ah ka dalbatay urur goboleedka IG AD. Kadib
markii todobaadkii hore uu dalka booqasho rasmi ah ku yimi xoghayaha
fulinta ee ur ur goboleedka IGAD Mudane Maxbuub Macalin iyo
wefti u u hogaaminayay oo 4 xubnood ka koo bnaa.Wasiirku oo
xalay khadka telefoonka ugu waramayay Shabakada Somaliland.org waxa
uu sheegay in booqashadii xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD
ku yimi Somaliland ay furs ad wanaagsan u ahayd siyaasadda
dibada ee Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu
yidhi “Waxaan uga mahad celinaynaa weftigii Maxbuub Macalin
Xoghayaga fulinta urur goboleedka IGAD booqashaddii rasmiga ahayd ee
muddada saddexda cisho ah uu ku joogay Somaliland oo uu dersay
hanaanka dimuquraadiyadda, dawladnimada iyo horumarka Somaliland ka
gaadhay dhinacyada adeegyada bulshada. Weftiga Xoghayuhu waxa uu
ahmiyad wayn ugu fadhiyaa Somaliland, waxaanu warbixin la xidhiidha
Somaliland u gudbin doonaa todobada dal ee ku bahoobay ururka IGAD.”
Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in weftigii
xoghayaha fulinta IGAD uu bo oqday magaalada Sheekh, halkaas
oo uu soo kormeeray Machad goboleedka culuumta caafim aadka
xoolaha, halkaas oo uu urur goboleedka IGAD la wareegi doono
dhaqaalaha iyo maamul ka Machadkaasi oo ay wax ku bartaan
ardayda ka socda wadamo ku yaala mandaqada geeska Africa.
Wasiirka oo aanu waydiinay waxyaabaha ugu wayn ee Somaliland ka
dalbatay urur Goboleedka IGAD waxa uu yidhi “Waxyaabaha aanu ka
dalbanay weftigan ee aanu doonayno in urur gobo leedka IGAD
wax kala qabto Somaliland, waxa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala
ah:
1. In urur goboleedka IGAD ay ku soo
casuumaan Somaliland shirarka todobada dal ee ku baho obay
ururkaas, si aanu shirarkooda uga muujinno fikirka Somaliland ee la
xidhiidha dhinacyada nabad gelyada, dimuquraadiyadda iyo dhinacyada
horumarinta iyo iskaashiga wadamada Mand aqadda.
2.
In dalalka iyo urur goboleedka IGAD ay Somaliland ka taageeraan
sidii ay noqon lahayd dal si ddeedaad oo xubin ka ah ururkan,
isla markaana ay xubin buuxda uga noqon lahayd qaramadda Midoobay
iyo Midawga Africa.
3.
In mashaariicda iyo mucaawinooyinka ay dalalkaasi helaan in qayb
laga siiyo Somaliland.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay sii wadayso siina xoojinayso
iskaashiga ay la leedah ay dalalka jaarka ah ee ku jira Urur
goboleedka IGAD.
Source:
Somaliland.Org
|