Xukuumadda Somaliland Oo Markii u horeysay soo bandhi gtay cidii ka
dambaysay isku daygii dil ee loo gaystay Guddoomiyihii Maxkamada
Gobolka Hargeysa
falkaasi guddoomiyaha lagu dhaawacay oo la xidhiidha arintii kiiskii
hore......
Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C/laahi Iimaan
Fadal ayaa markii u hore ysay shaaca ka qaaday cidii ka dambaysay
falkii isku dayga dil ee loo gaystay Guddoomiyihii M axkamada
Gobolka Hargeysa Maxamed Maxamuud Duraan bishan horaanteedii.
Taliyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa kaga
waramay baadhitaanka ay s ameeyeen iyo sida ay ku soo ogaadeen cidii
falkan ka dambaysay.
Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan halkan
idiinka soo gudbinayaa arin aad iyo aad bulshada Somaliland ay
natiijadeeda nooga sugayeen oo si qurux badan u dh amaatay,
arintaasi oo ah isku daygii dil ee loo gaystay guddoomiyihii
Maxkamada Gobolka Harg eysa C/rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan)
11-kii bishan lixaad dhaawaca loogu gaystay.
Halkan waxaan idiinka soo tabinayaa in ilaa ayaantii falku dhacay ay
ciidanka Boolisku ku jiree n baadhitaan dheer oo aad iyo aad u
miisaaman oo ay kiiskaasi ku hayeen dabo gal, waxaanan idiin soo
tabinayaa in ciidanka Boolisku aanay ka leexan tubtii markii u
horeysay ay qaadeen”.
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlaya cida falkaasi
lagu helay ayaa waxa uu yid hi “Intaasi ka dib markii ciidanka
Boolisku baadhis qoto dheer ku helay, xaqiiqsaday kuna kals oonaaday
kuna qancay cidii falkaasi gashay ama lug ha ku lahaato ama cidii
fulisay ee aanu aqoonsanay waxaanu markiiba la xidhiidhnay dad
sideed qof ah oo wax lug ku lahaa iyo wax kiisku galay iskugu jiray,
intaasi ka dib waxaanu la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah oo aanu
u bandhignay arinta iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxaanay si
fiican uga hawl galeen sidii cidii falkaasi fulisay gacanta loogu
soo dhigi lahaa nasiib wanaag maanta oo ay taariikhdu ta hay 26 June
2012 waxa arintaasi xil weyn iska saaray oo markii aanu u bandhignay
ku qancay oo noo soo gacan galiyey odayaal laba dhinac ah oo
dhinicii eedaysanaha ahaa, falkaasi gudd oomiyaha lagu dhaawacay oo
la xidhiidha arintii kiiskii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa ee uu
qaadayey ee musuqmaasuqa, waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa oo
aan idiin sheegayaa idiina cadaynayaa in aanu gacanta ku hayno cidii
falkaasi gaysatay”.
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|