Xukuumadda Somaliland Oo La Sheegay In Ay Ciidamo Dul Dhigtay Shirka Beelaha Sacad Muuse Ee Agabar

 



Dadweynaha ku dhaqan degmada Agabar oo fidiyey go-gosha Shirka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka

Hargeysa (TNN):-wararka naga soo gaadhaya degmada Agabar ee gobolka Gabiley ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ay ciidamo xoogan dul-dhigtey degmadaasi, halkaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo shirweynaha beelaha Sacad Muuse.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Agabar iyo sidoo xubnaha guddida qabanqaabada shirka loogu magac daray HOODAALE ee beesha Sacad Muuse ayaa sheegaya in ay xukuumadu dul-dhigtey degmadaasi Agabar ciidamo tiro badan, si ay u kala daadiyaan ama u bur-buriyaan shirweynaha goobtaasi ka qabsoomaya.

Dhinaca kale, Taliyaha qeybta ciidanka Booliska Gobolka Gabiley iyo ciidan uu watay ayaa la sheegay in ay soo dul-degeen xalay degmada Agabar, waxaanay dadweynaha deegaankaasi xukuumada ku eedeeyeen inay faro-gelin toos ah ku hayso car-qaladeynta qabsoomida shirweynaha beelaha Sacad Muuse, kaasi oo sida uu qorshuhu ahaa la filayay inuu Axada todobaadkan ka furmo halkaasi.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Agabar oo fidiyey go-gosha Shirka Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen Ciidamada ay xukuumadu dul-dhigtey shalay iyo xilka qaadista lama filaanka ah ee lagu sameeyey guddoomiyihii degmadaasi,Waxaanay ku doodeen inay xukuumadu faro-gelin qaawan ku hayso habsami u qabsoomida shirweynahaas oo loo bixiyey HOODAALE.

Waxa kale oo ay xuseen guddida qaban qaabada shirkaasi in ciidamada la dul-dhigay tahay hadidaad loogu-talagalay in lagu waxyeeleeyo shirka beelaha Sacad Muuse.Sidoo Kale, Badhasaaabka Gobolka Gabiley Md. Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa xilka ka qaaday shalay guddoomiyihii degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed Dheere), kadib markii sida la sheegayuu amar ku saabsan talaabadaas uu ka helay madaxda sare ee Dawlada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegantey wakhti qaban-qaabada shirweynaha beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE laga dareemayo guud ahaan Somaliland oo lagu sii qul-qulayo degmadaasi si shirka looga qeybgalo, ayey hadana xukuumadu hawlaheeda iska wadataa.

Lama garanayo waxay xukuumadu ka dhex urisay shirweynaha beelaha Sacad Muuse, iyada oo ay hore u jireen beelo shirar noocaan oo kale ah qabsaday,kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda mustaqbal iyo isku xidhnaantooda.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland