Xukuumadda Somaliland Oo ka Hadashay dagaalkii Galabta iyo khasaarihii dagaalkaas ka dhashay




Buuhoodle (TNN)-Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Faysal Cali Sh. Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ciidamadda qaranka iyo malees hiyo nabad diid ah ku dhex maray deegaanka Sool-joogta oo ku yaala duleedka Magaalada Bu uhoodle.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay ciidanka qaranku ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen ma leeshiyadii weerarka soo qaaday oo uu ku eedeeyay inay soo direen wax uu ugu yeedhay ko oxdii fidmo waleyaasha ahaa ee shirka ku qabsaday dhawaan degmada Taleex ee gobolka So ol.

Faysal Cali Sheekh waxa uu masuuliyada dagaalkaasi dusha ka saaray kooxdii abaabushay shi rkii Taleex oo uu tilmaamay inay maanta gaadheen magaalada Buuhoodle.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in ciidanka qaranku ay baacsadeen isla markaana dib u celiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo uu carabka ku dhuftay in khasaare weyn loogu geyst ay dagaalkii galabta oo socday 3:30-kii galabnimo ilaa makhribkii caawa.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay inaanay nabadgelyada iyo wada jirka dalka waxba u dhimi karin koox qurbo-joog ah oo doonaya inay qas geliyaan xasiloonida shacbigoodu ku naaloona yo.

Faysal Cali Sheekh waxa uu ciidanka qaranka ku bogaadiyay guusha ay ka soo hooyeen dagaa lkan iyo sida uu xusay waajibaadka culus ee ay dalkooda u hayaan.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo xog ogaal ah oo shabakada wararka ee Somaliland.Org, ka heshay magaalada Buuhoodle iyo jiidii dagaalku ka dhacay ayaa dhamaantood xaqiijiyay in dhimasha da kooxdii weerarka soo qaaday ay gaadhayso sodon qof, halka dhawr iyo toban kalena ka dh aawacmeen.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ciidanka qaranka ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan ilaa shan askari kuwaasi oo lagu dawaynayo Magaalada Qori-lugud.

Siday ilo-wareedyadaasi sheegayaan waxa kooxdii weerarka soo qaaday laga gubay ilaa laba baabuur oo nooca tiknikada ah.

source:so