Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Ra’isal Wasaraaha Somalia, Kana Hadashay Waxa Laga Yeelayo Shirka Dhawaan London Ka Furmi Doona

 

 


“Go’aanka Shirka London Laga Qaadanayaa Waa Mid Shacbiga Iyo Dawladda S/Land U Yaala, Mana Aha Wax U Yaala Sh. Shariif Iyo Ra’isal Wasaarihiisa”
Dr. Maxamed C/Laahi


Hargeysa  (TNN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’isal Wasaaraha dawladda aan cagaha adag ku taagnayn ee Somalia Mr. Cabdi Wali Cali Gaas, kaas oo uu ku tilmaamay nin arin aan loo dirsan oo aan isaga w ax laga waydiinayn iskaga dhexdhacay, isla markaana ku sifeeyey hadal xaqiiqada dhabta ah ka fog.

Wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi ayaa waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay Wargeys ka Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo Hargaysa ku sugan, kaas oo uu kaga jawaabayey had al uu ra’isal wasaaraha Sh. Shariif uu ku yasay dawladda Somaliland.

Dr. Maxamed ayaa waxa uu sheegay in ra’isal wasaare Cabdi Wali uu ka xun yahay horumarka shac biga Somaliland samaysteen, Somaliland-na ka wayn tahay wax la ag dhigo maamulo yaryar iyo uru ro ay horboodayaan hogaamiye kooxeedyo.

Maxamed C/laahi ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inaanay wali xukuumad ahaan go’aan ka qaadan shirka London, kaas oo tilmaamay in wada tashiyo arintaas lagu falanqaynayo ay socdaan, isla mark aana waxa ka soo baxa wada tashiyadaas lagu dhaqaaqi doono. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya h adalka ra’isal wasaaraha Somalia, waxa uu yidhi “Hadalka ka soo yeedhay Ra’isal wasaaraha Soma lia waxaanu u aragnaa hadal aan waafaqsanayn xaqiiqda, isla markaana waa hadal ka fog qabanqaa biyayaasha shirkaasi sida ay ula xaalayaan Somaliland. Marka uu leeyahay maamul goboleedadaas ayey Somaliland la mid tahay waa hadal micnihiisa la wada fahmi karo, waanaynu ognahay oo aan la iska indho tiri karin sumcada ay Somaliland ku leedahay bulshadda caalamka iyo mandaqaduna waa mid xataa aan la barbar dhigi Karin dawladda uu ra’isal wasaaraha ka yahay ee Somalia iskaba daa maamulo iyo ururo kalebee. Go’aanka shirkaas ee dawladda Somaliland ee ku aadan ka qaybgalka shirka ay qabanqaabinaysa Britain-na waa mid u yaala dawladda iyo shacbiga Somaliland, isla markaana aan u yaalin dawladda Sh. Shariif, waxaananu xukuumad ahaan maraynaa danta dalka iyo dadkayagu halka ay ku jirto. Markaa hadalkaas ra’isal wasaaruhu waa arin aanu ka fiirsan, isla markaana aan u arko mid aan wax micno ah noo samaynaya, danta ummaddana maaha mid isaga u taala oo wax laga waydiinayo.”

Wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi mar la waydiiyey mawqifka xukuumad ahaan ay ka qaate en shirkaas, waxa uu yidhi “Shirka London ka furmaya bisha danbe Somaliland waxa si rasmiya ugu marti qaaday dawladda Ingiriiska oo aanu saaxiibo dhaw nahay, dawladda Somalia-na sidaas si la mid ah ayaa loogu casuumay, go’aanka shirkaa ay xukuumadda Somaliland ka qaadanaysona waa arin wada tashigeedu hada socdo oo qaranka qaybihiisa kala duwan iyo bulshadu waxay raali ka tahay ayuun baana la raacayaa. Waxaanan bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in talaabada ay xukuumadu ka qaadanayso shirkaasu uu yahay mid ku xidhan bulshadayada, maadaama oo aanu nahay dawladda codka shacbiga Somaliland ku timid, isla markaana ay ka go’an tahay tixgalinta qadiyada madaxbanaanida Somaliland, mana aqbalayno waxkasta oo danaha shacbigayaga ka hor imanaya”.

Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd Ajandaha shirkaas oo la sheegay inaanay wax dan ahi ugu jirin shirkaas, waxa uu yidhi “Shirka waxa loo sameeyey qodobo, laakiin m aaha ajande rasmiya ee waxa loo sameeyey mawduucyo iyo tobigyo lagaga hadli doono shirkaas, k uwaas oo aan ka xusi karo arimo ku taxaluqa dhinaca Nabadgalyada iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalada dhinaca horumarinta amniga ee mandaqadan iyo dunida-ba, sidoo kale arimaha lagaga hadli doono waxa ka mid ah sidii iyana la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka budhcad-badeeda, Arg agixisada iyo qorshaha dunida ee xaga mucaawinooyinka laga damacsan yahay. Arimahaas ayaa ka mid ah waxyaabaha lagaga hadlayo hase yeeshee Somaliland kama mid ah dariiqa nabadayn Soma lia, wax u yaalana maaha, markaa marka ay timaado mawduuca sidii loo bakhtiin lahaa dabka muda da dheer ka holcaya Somaliland, isla markaana kooxaha Somalia isku haya dawlad loogu samayn lah aa Somaliland wax khusaysa maaha, qabanqaabiyayaasha shirkaasina sidaas way nagu wargaliy ee n. Qadiyada Somaliland maaha arin ku dhex jirta ka hadalka mawduucaas, aduunyaduna way wa da ogtahay rabitaanka shacbiga Somaliland”.
 

 

Source:Wargeys ka Haatuf