Xukuumadda Somaliland Oo Daboolka Ka qaaday Inay Mushaharka
shaqaalaha kordhinayso 2014
“Waxay Ciidammadeenu Mushaharka ku qaadan doonaan Derajooyinkoodda
Min Dable illaa Janan”
Hargeysa (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md.
Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa shaaca ka qaaday in sanadka fooda
innagu soo haya ee 2014-ka mushah arka mar kale loo kordhin doono
Shaqaalaha dawladda oo dhan.
Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu tilmaamay in odoroska
Miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee sanadka 2014-ka la gaadh siin
doono 150 malyan oo Dollar.
Wasiir Sammaalle waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay hor-tagay
Barnaamijka la yidhaahdo “MAQAL DADKAAGA” ee ka baxa TV-ga Qaranka,
halkaasi oo dadweyuhu ay Wasiirrada ku weydiiyaan su’aalo la
xidhiidha shaqadooda. Wasiirka maaliyaddu ugu horayn waxa uu
tafaasiil ka bixiyay horusocodka ay xukuumadda Axmed Siilaanyo ka
samaysay kor u qaadista dakhliga dalka sadexdii sanadood ee ay xilka
hoggaaminta haysay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi
“Sadexdii sanadood ee xukuumad dan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo
Madaxweynaha ka yahay ay xilka haysay, sanad walba miisaaniyadda iyo
dakhliga dalku wuu kordhayay. 2010-kii xiligii ay xukuum addani
xilka la wareegtay miisaaniyadda dhan ee qaranku waxay ahayd 47
milyan oo Dollar. 2011-kii illaa 87 milyan oo Dollar ayaa la
gaadhsiiyay, sanadkii ka dambeeyay ee 2012-kiina waxay miisaaniyadda
qaranku gaadhay 106 milyan oo Dollar.
Halka sannadkan aynu ku jirno ee 2013-ka aanu Miisaaniyadda iyo
dakhliga dalka gaadh siinay 125 Milyan oo Dollar. Waxa kale oo aanu
rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu
gaadhsiino kordhiisamadda sanadkan mid leeg inaanu kordhino oo kor u
qaadno dakhliga dalka. Waxaanan rajaynaynaa inaanu ku dhaweyno ILLAA
150 Milyan oo Dollar haddii ILAAHAY qadarro.”
Wasiirku isagoo isla miisaaniyadda sharaxaad ka sii bixinayay waxa
uu yidhi “Miisaaniyad da dawladda, marka laga tago miisaaniyadda
xukuumadda dhexe oo ay soo hoos galaya an miisaaniyadaha Haa’yado
kale oo dawli ahi waxay sanadkan ahayd 187 milayn oo dol lar,
waxaanu rajaynaynaa sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka inaanu
gaadhsiino miisaaniyadda illaa 200 oo milyan oo Dollar.
Waxyaabahaasi oo dhammi waa waxyaabo aan odhan karo ILAAHAY-baa inoo
fududeey ay, awoodaasna ILAAHAY baa iska leh waanan uga
mahad-naqaynaa. Waxaanay arrint ani ku timid dedaal ay samayeen
shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee la
shaqeeyaa ay sameeyeen.” Wasiirka Maaliyaddu waxa uu si weyn ugu
mahad celiyay dadweynaha iyo Ganacsatadda cashuur bixiyeyaasha ah oo
uu tilmaamay inaanay la’aantood waxba u suurto galeen.
“Waxa iyaguna aan halkan uga mahad-naqayaa oo in loo mahad-naqo
mudan dadweyna ha Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah, waxaanan
qabaa iyaga la’aantood inaanu dakhligeenu halkaasi gaadheen, waxaan
u mahad naqaynaa qeybaha kala duwan ee dadweynaha sida Tijaarta
waaweyn iyo kuwa yar-yar-ba. Waxaan xataa u mahad-naqaynaa dadka
shaqooyinka aadka u yar yar ka shaqeeya. Sida xil-kasnimadda ah ee
cashuurta loo bixiyo ayaa sabab u ah in dakhligeenu halkaas gaadho.”
Md. C/Casiis Samaalle waxa uu sheegay miisaaniyadda dalka inteeda
badan waxa lagu daboolaa ilaalinta nabad-gelyadda iyo ammaanka dalka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyadda sanad walba lagu darro
mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin wadd ooyinka,
kalluumaysiga iyo horumarinta adeegyadda bulshadda. “Waxaanan
hilmaamayn runtii darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka in
miisaaniyad sanadeedka 2013-ka ee hadda aynu ku jirno inaanu gelinay
oo aanu ku sii tallo galnay in dhammaadka sanadk an ciidammadeenu ay
derajo ku qaataan mushaharka. Waxaanan ugu tallo-galnay in min dable
illaa Janan ay derajooyinkooda ku siino mushaharka. Waxaanan uga
bilaabaynaa gunaddii derajooyinka bishan September ee hadda bilowga
ah afarta bilood ee sanadkan ka hadhay way ku sii jirtay gunnadda
derajooyinku miisaaniyadda.
Sanadka 2014-kana haddii ALLE yidhaahdo Miisaaniyad balaadhan ayaa
galaysa odoros ka Miisaaniyadda oo derajooyinka ciidanka la
xidhiidha. Waana markii koowaad ee ciidan keenu ay derajooyin
yeeshaan, waxaanay arrintani horseedaysaa qurux iyo haybad qar
an,”ayuu yidhi Wasiir C/Casiis Samaalle.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo
Wasaaradda Gaashaan-dhiga ku bogaadiyay hirgelinta derajooyinka
ciidammadda dalka oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo
horumarka dalka turjumaysa. “Wasaaradda Maaliyad ahaanna waanu ku
faanaynaa inaanu miisaaniyadda gelinay oo ku sii xisaabtanay
gunooyinka derajooyinka ciidanka, lacagta ugu yar ee askariga
dablaha ah u kordhaysaa waa 6 doll ar, inta kalena derajo kasta waxa
ku kordhaysa lacag, jananka waxa u kordhaysa saddex illaa afar Boqol
oo Dollar,”ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Samaalle waxa uu tilmaamay in wax lagu faano ay tahay in
miisaaniyadda lagu daray dhismeyaal badan oo Wasaaradaha dalka
xukuumaddu u dhistay. “Waxaanu ku tallo jir naa Haddii ALLE
yidhaahdo in odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2014-ka ee fooda inagu
soo haya inaan ku darno mushahar kordhin loo samaynayo shaqaalaha
dawladda iyo ciid ammadda oo dhan. Iyadoo sanadkii 2011-kiina
shaqaalaha dawladda iyo ciidammaddaba mushaharka loo kordhiyay.”ayuu
yidhi Wasiirka Maaliyaddu.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|