Xukuumadda oo xabsiga ka siideysey
Xirsi Cali X.Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi

 

        


Xukuumadda Daahir Riyaale ayaa xabsiga ka siideysey Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan iyo Abshir Xasan Xaashi oo labaduba u xidhnaa arrimo siyaasadeed.

Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan waxay ciidamada Boolisku ka soo qabteen tuulada Magaala-yar oo bariga ka xigta magaalada Burco 03 August, 2008, waxaana la siidaayey maanta oo taariikhdu tahay 03 Sept. iyada oo aan maxkamad la horgeyn.

Xirsi markii boolisku qabtay waxay xukuumaddu ku eedaysay in uu ku lug lahaa baabuur xukuumaddu sheegtay in madaxa laga jaray si qoryo loo saaro iyo maleeshiyo ay tilmaantay inay isku urursanayaan deegaamo ka tirsan Bariga Burco, iyada oo Wasiirka Arrimaha Guduhuna uu warbaahinta u sheegay inay hayaan caddaymo in Xirsi uu xidhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab ee ka dagaalama magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya oo ku jira liiska Argagixisada Maraykanka.

Waxaana la siidaayey iyada oo aan maxkamad la horgeyn, si loogu caddeeyo dembiga loo xidhay iyo eedaymaha Wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay.

Xirsi Cali X. Xasan oo galabta saxaafaddu la xidhiidhay, waxa uu sheegay in la siidaayey, balse, aanu garanayn waxa lagu xidhay iyo sida lagu siidaayey midna.

Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in lagu siidaayey amar Daahir Riyaale bixiyey, kaas oo ka dambeeyey wadahadal uu la yeeshay odayaal ka socdey beesha Xirsi.

Sidoo kale, Abshir Xasan Xaashi, darawalkii hore ee Marwada Daahir Riyaale, marwo Huda Barkhad, isla markaana ahaa madaxa gaadiidka Madaxtooyada intii ka horreysey dabayaaqadii 2006 ayaa isagana saaka laga siidaayey Jeelka Mandheera oo ku xidhnaa muddo 4 bilood ah, iyada oo aan marna wax maxkamad ah la horgeyn.

Abshir Xasan waxa uu boolisku qabtay badhtamihii April 2008, kadib markii muddo dheer ay ku dabajireen iyaga oo ka daba joogey hadal uu siiyey Saxaafadda oo uu ku difaacayey suxufiyiinta Wargeyska Haatuf oo u xidhnaa maqaal ay ku daahfureen musuqmaasuq uu ku lug leeyahay qoyska Daahir Riyaale ee Madaxtooyada Somaliland, isla markaana uu ku soo bandhigay caddaymo ku saabsan musuqmaasuqaas.

Abshir, sidoo kale, maxkamad lama horgeyn, lamana garanayo qaabka loo siidaayey.

“Saaka subaxnimadii ayaa gaadhi boolisku leeyahay la igaga soo qaaday Jeelka Mandheera ee aan ku xidhnaa, waxaana la I geeyey gurigeyga. Mana garanayo amarka la igu siidaayey cidda bixisay,” ayuu yidhi Abshir oo aan weydiiyey sida loo siidaayey.

Sidoo kale, Jaamac Maxamed X. Ducaale (Foos) oo ay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isla markaana la sheegay in wasiirka iyo xubno kale oo qoyskooda ah oo ka tirsan xisbiga UDUB ay u xidheen aargoosi siyaasadeed oo la xidhiidha Shirkii Gar’adag ayaa isagana la siidaayey maanta, kadib markii sida la sheegay lagu waayey eedayn been-abuur ah oo loo sameeyey.

 

 



Source:Somaliland.org