Xukuumadda oo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wa siirka Arrimaha
Dibada u dirtay aaska Guddoomiyihii Baanka Jabuuti
Weftigan waxay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo
dawladda Jabuuti gaadhsiinayaan dhambaal tacsi.............
Hargeysa (TNN – Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha
dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta u
kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb gala yaan aas qaran oo
Jabuuti loogu samaynayo ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baanka
dh exe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku
geeriyooday cisbitaal ku yaa la magaaladda Nairobi.
Weftigan waxay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo
dawladda Jabuuti gaadhsiinayaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan
madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Weftigan waxa xubno ka ahaa marwada koowaad ee Somaliland Marwo
Aamina Xaaji Max amed Jirde, Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar, Warfaafinta, Abiib Diiriye Nuur, Madaxtooyada
Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aa dan, oo
ka wakiil ah Madaxweynaha, shacabka iyo dawladda Somaliland ayaa
kala qayb qaa dan doona shacabka iyo dawladda dariska ah ee Jabuuti
Aaska qaran ee loo samaynayo marxuumka.
Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|