Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) Oo Digniin Culus U Direy Siyaasiyiinta Ku Sii Qulqulaya Deegaanka Taleex Ee Carqaladeenaya Shirka Khaatumo 2

 

 


Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadda Somaliland....


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Cara ale (Duur) ayaa digniin culus u direy siyaasiyiinta carqaladda iyo majarahabaabinta ka wa dda shir beeleedka ka socdda deegaanka taleex ee Gobolka Sool, waxana uu sheegay in Maamulka Somaliland uu diyaar la yahay wakhti kasta in uu difaaco, Qarnimaddiisa, waxana uu intaasi ku daray inaany Somaliland inadha ka laabanayn wax kasta oo wax u dhimaya degnaasha iyo qadiyadda madaxbanaanidda Somaliland.

Wasiir Duur waxa uu sidaas ku sheegay mar uu galabta u warbayay warbaahinta kala duwan ee dalka, waxana uu siyaasiyiinta reer Sool eeku qulqulaya deegaanka Talleex u soo jeediyay in ay ka waantoobaan in ay xasi looni darro u horsaddeen deegaanka iyo dadka walaalaha ah ee wadda dega Gobolka.

Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu carabka ku dhuftay inaanay xukuumadda Somaliland indha ka qarsanayn siyaasiyiinta majarahabaabinaysa shirka talleex.

Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay Xukuumadda Somaliland inay tixgaalinayso shirarka Beelaha, waxana uu soo hadal qaaday in shir beeleedyadda ay ka gudubtay Soma liland, balse qadrin ay u hayaan beesha shirka qabsanaysa awgeedd ay tix galin sameeye en,

Wasiirku waxa uu ku dheeraaday Wakhtiyaddii kala danbeeyay ee ay soo martay Somalila nd waxa uu sheegay in ay Somaliland ku caana maashay isu tanaasul iyo inay ku wada noolaato nabadgelyo sidaasi daraadeed ay isku huwan yihiin arrinta Beesha iyo mabda’a Siyaasiyiinta hase yeeshee ay u tudhayaan isla markaana la soconayaan xaalada shirkaasi kolba halka uu marayo.

Ugu danbeyntii wasistka Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay in ay wali ka war sugayaan isla markaana ay soo dhoweenayaan gogoshii nabadeed ee uu fidiyay madaxweyne Siilaanyo.


 


Cali-mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland