Xukuumadda Oo Sheegtay In Aanay Marnaba Siyaasadeeda Ka Mid Ah ayn Tacadi Lagu Sameeyo Saxaafadda, Isla Markaana Ay Hay’addaha Amaanka Ku Wargalisay InayIxtiraamaan Xuquuqda Suxufiyiinta

 



Hargeysa, (TNN) - Xukuumadda Somaliland ayaa cadaysay mawqifkeeda ku aadan xoriyadda Saxaafadda iyo xaquuqda suxufiyiinta, waxaanay sheegtay in aanay marnabaa ka mid ahayn siyaasadeeda iyo mabaa’diida uu qarankani ku dhisan in wax tacadiya lagu sameeyo saxaafadda iyo xaqa ay suxufiyiintu u leeyihiin inay gutaan waajibaadka ay farayso mih-nadoodu.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalilad C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo aanu wax ka waydiinay war ku soo baxay wargysayda qaarkooda oo uu ururka Solja ku eedaynayey bilayska in tacadiyo u gaysteen qaar ka mid ah suxufiyiinta Somaliland, ayaa sheegay in aanay iyagu xukuumad ahaan la socon, ururka Solja-na ku soo wargelinin cabashooyinka ay ku soo bandhigeen shalay wargaysyada qaarkood.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad baan uga xumahay inaan maqlo ama aan wargeysyada qaarkood ka akhriyo cabashada intaa leeg ee uu urur ka mid ah ururadda saxaafadu sheegtay. Waxaanse idiin sheegayaa in aanaan xukuumad ahaan qabin aamin-sanayn, kuna shaqaynin in tacadi loo gaysto suxufiyiinta hawlahooda mih-nadeed gudanaya, isla markaana hay’addaha amaanka dalku ay siyaasadaas xukuumadda ka warqabaan oo aanu xukuumad ahaan ku wargalinay madaxda hay’addahaas, taas oo ka marag furaysa in siyaasada xukuumaddan oo ku salaysan mabaadiida dalkani ku dhisan yahay ay ka soo horjeedo cabudhin iyo tacadi loo gaysto xoriyatul qawlka saxaafadda iyo suxufiyiinta gudanaya waajibaadkooda shaqo”.

Afhayeenku isaga oo ka jawaabaya sida ay wax uga jiraan eedaymaha uu xoghayaha guud ee Solja Maxamed Rashiid Faarax Caalim uu u soo jeediyey xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu yidhi “Xukuumaddu saxaafadda ma cabudhiso, suxufiyiintana ma cabudhiso, hadii tacadi jirana saxaafada madaxbanaani siday dunidu ogtahay ugamay hano qaadeen dalkan Somaliland oo haatan ay ka hawl galaan Wargeysyo iyo Tilifashano iyo Website’s aad uga tiro badan kuwii ka jiri jiray ka hor intii aanay xukuumadani talada dalku guulaysan”.
 

Source:Haatuf