Xukuumadda Oo shaacisay inay aqbashay shirka London, kana hadashay qodobo ay kala hadleen Itoobiya

 


 



Hargeysa, February 3rd, 2012 (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabd laahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland si rasmi ah u ogolaatay inay ka qeyb gasho shirka caalamiga ah ee dawlada Britain ay 23-ka bishan ku qaban doonto magaalada London.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkani uu wax weyn ka tari doono qadiyada Somaliland iyo iib geynt eedaba. Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu caawa siiy ay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxa kale oo uu ka hadlay nuxurka qodobadii uu kala hadlay dawlada federaalka ee Itoobiya oo uu todobaadkii hore ay kula kulmeen Addis-ababa.

Wasiirka oo ka hadlayay shirkan London wuxuu yidhi “Waxa imika dawlad ahaan noo cadaatay uj eedada loo qabanayo shirka London, i sifaha Somaliland ka qeyb galkeeda shirkaasi noqonayo iyo fursadaha siyaasadeed ee nooga banaan mudada uu shirkaasi socdo. Aniga shakhsiyadan waxay ila tahay in shirkaasi guud ahaan la taageero haddii ay tahay Xisbiyada qaranka, Goleyaasha iyo shacbiga Somaliland-ba.”

“Shirkani wuxuu qarankeena u leeyahay faa’iido weyn waxaanan aaminsan nahay inuu horumarin doonto qadiyadeena laguna qiro doono waxaynu qabsanay gaar ahaan dhinaycada nabad-gelya da, horumarka iyo dhaqaalahaba,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibaddu.

Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in mudada uu socdo shirkaasi in Somaliland loo asteeyay baratakool u qalma isla markaana ay jeedin doonto khudbad dheer oo ay kaga hadlay so qadiyadeeda.

“Mudada uu shirkani socdo Somaliland waxay leedahay qadarin iyo sharaf la mid ah ta ay leeyihi in wufuuda kale ee ka imanaya dalalka jaarka iyo wadamada kale ee adduunka. Waxa kale oo ay Somaliland qeyb ku leedahay khudbadaha shirka lagaga hadlayo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland qeyb ka ahayd waxa loogu yeedho khariirada nabad eynta Somalia waxaanu yidhi “Waxa kale oo jirta Somaliland hore ugamay mid ahayd khariirada n abada iyo wada hadalka Soomaaliya (Road Map)-ka, waana mid u gaar ah Soomaaliya, hase yees hee Somaliland waxay ku yeelan kartaa fikir iyo rayi ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mashaa kilaadka iyo qalalaasaha Somalia. Laakiin qadiyada Somaliland ma aha mid ku Milan arrinta Soom aaliya,”ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Maxamed Cabdilaahi oo aanu weydiinay inuu dawlada Itoobiya kala hadlay dhawaan markii u u socdaalka ku tagay kooxdii horjoogeyaasha ka ahaa shirkii Taleex oo ku sugan deegaanka Soo maalida ee Itoobiya waxaanu yidhi “Waanu la hadalay masuuliyiinta sar sare ee dawlada federaa lka itoobiya waxaanan kala hadalay sidii loo sii joogtayn lahaa iskaashigii labada dal. Waxase aa nu si gaar ah u taabanay rabshadii iyo dagaalkii ay dhawaan maleeshiyo hubaysani ka rideen m agaalada Buuhoodle oo ka tirsan Somaliland iyo wixii ka soo baxay shirkii Taleex oo iyadu ah arrin la doonayo in lagu khal-khal geliyo Nabad-gelyada Somaliland hase yeeshee aanaan aqbalayn.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waxaanu kala hadalay dawlada Federaalka sidii aa nu iskaashi uga wada yeelan lahayn arrimaha aanu u aragno in ay waxyeelayaan nabad-gelyada Somaliland iyo Itoobiyaba.waxaanu isku waafaqnay inaanu meel uga soo wada jeedno wixii nab ad-gelyada Somaliland wax u dhimaya. Wax shaki ah oo nagaga jira in dawlad federaalka Itoobi a ay nagala shaqaynayso arrintaasna ma jiro.”

 

 

source:so