Xukuumadda oo Maxkamada Sare u Gudbisay Dacwad
lagu Fasirayo Muranka Doorashada

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale
ayaa Maxkamadda Sare u gudbisay dacwad saabsan dastuurka Somaliland
si ay fasiraad uga bixiso qodobo distoori ah oo ku qotoma qabka
doorashada iyo sifaha xilka lagaga wareejin karo Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka, taasi oo waqtigan uu muran xooggani ka
taagan yahay.
Ma jiraan warar rasmi ah oo sababta xilligan xukuumaddu ugu gudbisay
dastuurka maxkamadda sare, balse siday xalay Jamhuuriya u
xaqiijiyeen illo xogogaal ah waxay xukuumaddu maalmihii u dambeeyey
toddobaadkan ay maxkamadda u gudbisay nuqulo ka mid ah dastuurka
qaranka, iyada oo ka dalbatay inay fasiraad waafi ah ka soo bixiso
qodobka 83aad ee dastuuriga oo ka hadlaya qaabka Madaxweynuhu ku
warejin karo xilka dadweynuhu u soo doorteen.
Qodobka 83aad ee ka hadlaya habka Doorashada ee fasiraadiisa loo
gudbiyey Maxkamadda Sare, ayaa waxa uu qeexayaa
“1. Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa
qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga
oo isku lammaan.
2. Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha oo isku mar
loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la
qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona
hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.
4. Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo ku-xigeenka
Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan
yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.”
Qodobkan dastuuriga ah ee xukuumaddu u gudbisay Maxkamadda Sare,
ayaa ujeeddada ka dambaysaa lagu sifeeyey inay ku qotonto sidii
maxkamaddu u xaaraan tinimayn lahayd in Madaxweyne la soo doortay
mooyaane aan sifo kale Madaxweynaha xilka looga wareejin karin,
tallaabadaasi oo u muuqata mid xukuumadda Rayaale kaga baxsanayso
fadhigga wadajirka ah ee la filayo in golayaasha sharci-dejinta ee
Wakiillada iyo Guurtidu kaga arrinsan doonaan xalka muranka ka
aloosan dib-u-dhaca doorashada madaxtooyada iyo xilli-dhammaadka
muddadii sannadka ahayd ee loo kordhiyey Madaxweynaha oo ay 21
maalmood oo qudhihi ka hadhsan yihiin, iyada oo dhinaca kalena
xisbiyada mucaaridku golayaasha sharci-dejinta ka dalbadeen in marka
la gaadho 6 April 2009 oo ku eeg waqtiga muddadu ka dhammaanayso
madaxweynaha ay soo dhisaan dalwad ku meel gaadh ah oo dalka
gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah.
Jamhuuriya Online
|