Xukuumadda Oo Mar Kale Ugu Hanjabtay Mucaa ridka Inaanay Qaban Karin Isu Soo Baxyo

 

"Is Dhegotirka KULMIYE Uma Sii Dulqaadan Karno" Wasiirka Daakhiliga

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Ciro), ayaa sheegay inaan la ogolayn in xisbiyada siyaasaddu ay iskugu soo baxaan meelo fagaare ah iyadoo aan la gaadhin xilligii ololaha doorashada madaxtooyada, isagoo wasiir Cirro ku hanjabay inaanay u dulqaadan doonin xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay ku xadgudbeen xeerarkii iyo shuruucdii dalka u yaalay.

Cabdillaahi Cirro wuxuu sidaas ka sheegay mar uu shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah, waxaanu yidhi "Iyadoo aanu hore wareegtooyin ugu qornay saddexda xisbi, oo ku saabsanaa mar haddii komishinkii doorashooyinku aanay cayimin muddadii ololaha doorashadu furmayeen sida uu xeerka doorashooyinka qodobkiisa 21-aad qeexayo oo sheegaya muddada ololaha doorashada, iyadoo waliba la haybaynayo, bishii October sanadkii hore 3-deedii aanu saddexda xisbi u qaybinay warqad amar ah oo ah in aan la ogolayn banaanbax iyo olole kale. Labada xisbi ee UDUB iyo UCID ay aqbaleen oo aanu uga mahad celinayno arrintaa, laakiin nasiib darro Kulmiye aanay dheg u dhigin oo ay halkoodii ka sii wadeen oo shalay oo u dambaysay ay Berbera iyo Hargeysa iskugu soo baxeen, taas oo ka soo hor jeeda shuruucda."

Hase yeeshee wasiirku muu sheegin shuruucda uu sheegay inay ka soo horjeedaan isu-soo-baxyada xisbiyagu xarumahoodu ku qabsanayaan iyo xaqa uu muwaadin kastaa u leeyahay inuu dareenkiisa ku cabiro mudaaharaad iyo wixii la mid ah, kaas oo ka mid ah qodobada aasaasiga ah ee distoorka Somaliland.

Hase yeeshee Taliyaha Bileyska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad ayaa isagu dorraad mar uu u waramayey Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu sheegay inaan xisbiyada loo diidayn inay xafiisyadooda ku qabsadaan isu-soo-baxyo, balse aanay iyagu ogoleyn inay laamiyada maraan oo ay mudaaharaad sameeyaan.

Sidaas darteed, waxay hadaladani muujinayaan inaanay wada socon Wasaaradda Daakhiliga iyo Taliska Bileyska, isla markaana ay xukuumaddu u marmarsoonayso inay xayirto isu-soo-baxyada xisbiyada mucaaridku ku qabsanayaan xarumahooda, isla markaana ay doonayso xeelad cusub oo ay ku weerarto madaxda iyo taageerayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID ee isugu imanaya xarumahooda, taas oo keeni karta isku-dhac iyo kacdoon dadweyne oo saameyn ku yeelan kara nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland. Sidoo kale tallaabadan xukuumaddu ku doonayso inay ku cabudhiso axsaabta ayaa ka mid noqonaysa tallaabooyinka la tuhunsan yahay inay xukuumaddu ku doonayso qalalaase iyo iska horkeen bulshada iyo ciidamada dhexdooda ah.

Wasiirka Daakhiliga ayaa isagu safar aan la ogeyn oo qarsoodi ah ugu maqnaa dibadda wakhtigii ay bileysku rasaasta huwiyeen madaxda iyo taageerayaasha KULMIYE, sidaas darteedna waxay hadaladiisani u muuqdaan kuwo uu dardar ku gelinayo nidaamka cabudhinta ee ay xukuumaddu kaga hortegayso mucaaridka iyo shacabka ka soo horjeeda muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay Riyaale iyo ku-xigeenkiisa.

Dhinaca kale Afhayeenka xisbiga mucaaridka ee UCID Xasan Xuseen (Cod-yare) ayaa si kulul u cambaareeyay am,arka ay xukuumadu shalay soo saartay, kaas oo uu wasiirka daakhiligu ka baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta, oo ku saabsanaa inaan axsaabta mucaaridka ahi habayaraatee qaban karin mudaharaad, isu soo baxyo xataa xarumahooda hortooda iyo gudahoodaba aanay masuuliyiinta iyo taageerayaashooduba isugu iman karin isla markaana kulamo shirar ah ku qabsan karin.

Afhayeenka UCID waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka Telephone-ka nagula soo xidhiidhay, waxa kale oo uu afhayeenku sheegay xukuumadu labada xisbi mucaarid ee UCID iyo KULMIYE in xukuumadu dhaqdhaqaaqooda gobollada dalka ay ugu socdaalayaan ay ku hayso iska hortaag iyo cago juglayn isla markaana ay falalkani yihiin kuwo ay xukuumadu ku doonayso inay axsaabta mucaaridka ku muquuniso, iyadoo dastuurka dalku uu xaq u siiyey muwaadiniinta reer somaliland inay dareenkooda ku muujin karaan mudaharaado salmi ah iyo inay muujiyaan aragtidooda siyaasadeed..

“waxaan cambaaraynayaa amarka uu soo saaray wasiirka daakhiliga ee lagu xayirayo UCID iyo KULMIYE inay iska daa wax kale’e aanay xataa xarumahooda hortooda iyo gudahoodaba masuuliyiinta iyo taageerayaashoodu isugu iman karin. Hadaba waxa wax lala yaabo ah isla markaana ka fog dimoqraadiyada in axsaabtii mucaaridka laga xayiro dhaqdhaqaaqyadooda salmiga ah halka xisbul xaakimka UDUB-na aan xayiraada laga saarin ee hawlahooda ay wataan waayo udub iyada ayaa ugu shirar badan ugu dhaqdhaqaaq badan miyaa xayiraad laga saaray arrimhaasna waxaanu u aragnaa kuwo xukuumadu cadaadis ku saarayso mucaaridka waananu cambaaraynaynaa arrimahaas ay xukuumadu kula kacayso axsaabta mucaaridka..

Waxa kale oo aan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee shalay {Doraad) Baanka dhexe agtiisa ay ciidanka bilaysku ugu gaysteen Gudoomiyaha UCID ee gobolka Hargeysa, isaga oo halkaas ay ciidanku ku garaaceen, runtii waa wax laga naxo falalka ay hadda ku kacaysaa xukuumadu waananu cambaaraynayaa, taasina waxay ka dambaysay Gudoomiyaha oo maalintii ay ciidanka bilaysku rasaasta ku fureen Masuuliyiinta iyo taageerayaasha KULMIYE 6-dii April, falkaas oo uu ka hadlay isla markaana cambaareeyay, waxa kale oo aan cambaaraynayaa talaabooyinka amarada ee xukuumadu soo saartay ee dhaqdhaqaaqa salmiga ah ee xisbiyada mucaaridku wadaan lagu xayirayo” ayuu yidhi Xasan Xuseen.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in talaabooyinkan qalafsan ee xukuumadu wado ay dhaawac weyn u gaysanayaan hanaanka dimoqraadiyada ee somaliland, isla markaana niyad jab ku keenaysa dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya arrimaha somaliland

 

 


Haatuf