Xukuumadda oo ka hadashay heshiis iskaashi oo ay la saxeexan doonaan Dawladda Itoobiya
 

 

 

 


Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta u waramayey Warbaahinta, waxa........


Hargeysa (TNN) - Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay kulan magaaladda Diri-dhaba ay ku yeesheen guddiyo ka kala socday dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo dhawaan ay labada wadan kala saxeexan doonaan heshiis iskaashi.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta u waramayey Warbaahinta, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa saaka xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay’addaha kala duw an ee qaranka oo ka soo noqday shir ay kaga qayb-galeen Magaaladda Diridhaba oo ay kula shireen dhigooda dalka Itoobiya, kaasi oo lagaga wada hadlay heshiis iskaashi oo wax wadda qabsi leh,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 

Wasiirka Khaarajigu wuxuu intaasi ku daray “Heshiiskaasi oo la filayo inuu dhawaan dhex maro labada dal, kaasi oo noqon doona heshiis taariikhi ah oo ah heshiis ay dhinacyo badan iska kaas hanayaan, haddii ay tahay ganacsiga, Kastamada, dekedaha, Tacliinta, nabadgalyadda iyo dalx iiska.

 

Waxaana guddiyadan u qoondaysan shirar kale oo badan, kuwaasi oo farsamo, wada-hadalo iyo heshiisyaba leh, waxaana la rajaynayaa in arintaasi isugu soo biyo shubato heshiis balaadh an oo laba geesooda ah, oo faa’iido u yeelan doona shucuubta labada dal ee Somaliland iyo Ito obiya.”

 

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland